


maxamed c/laahi cali Tiriig
Khadra Daahir Cige, waxay ku dhalatay
magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku bar-baartay waxna ku
baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fan-jacaylka oo biyo
dhigtay yaraanteedii, siday Khadra sheegtay muxibadda fanku
waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay Waxbarashada
ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha, heesii ugu horeysay ee
ay qaadaanaa waxay ahayd hees Waddani ah oo uu sameeyay Cali
Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda Carabiga dhiga, Khadrana
macalin u ahaa. Waxay ahayd sannadkii 1972-kii, waana heesteedii
curad ee u balaysintay heesaa-nimada ay Khadra qaniga ku tahay,
heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa; Hawl iyo
dadweynoow, hantidoon wadaagnaa waa horumarkeeniyo hido aynu
leenahay, hayaan baa la gelayaa, haka hadhine soo raac.
Khadra, intaa kagamay hadhin jacaylka ay u haysay fanka, waxayna
kor u sii kacday markii ay dhiiri-gelin ka heshay dad badan oo
ka mid ah bahda fanka, waxayna mar kale hees la qaaday hablo ay
isku Iskuul ahaayeen.
Khadra Daahir Cige, waxay si toos ah fanka u bilowday sannadkii
1974-kii, habeen habeenada ka mid ah ayay Khadra ka qayb-gashay
Xaflad, waxayna halkaa kula kulantay Fannaanka Saalax Qaasim oo
kabanka u garaacay markii la sara-kacday hees ay qaado
Fannaanadda Sahra Axmed.
Saalax Qaasim oo aad ula dhacay Codka inantaa yar, ayaa Madaxii
Idaacadda Raadiyow Hargeysa, Idiris Cigaal u sheegay in ay
Khadri heesi karto, sidaa darteedna la qaato, iyada oo sidii wax
u dhaceen ka sheekaynaysa, waxay tidhi; Waxa la ii geeyay Alla
ha u naxariistee Ismaaciil Yare, Huryo, Saalax Qaasim iyo Siciid
Xarawo, waxayna igu yidhaahdeen hees kale maqaadi karta, waxaan
qaaday hees kale oo iyana Sahra Axmed qaado.
Maalintaa kadib, Khadra waxaa loo aqoonsaday fannaanad ka midda
hoboladii Waaberi,iyadoo isla sannadkaa si buuxda uga
qayb-gashay Riwaayado caan ahaa oo ay ka mid tahay Dab Jacayl
kari waa.
Khadra Daahir, waxay ku caan baxday ku luuqaynta heesaha
Jacaylka ah oo ay kaga soo dhex-mudhay Masraxyadii kala duwannaa
ee Fanka Soomaalida, waxaanay qaab-masrixiyeedkeeda,
fannaan-nimadeeda iyo luuqdeeda dabacsan-ba ku soo jiidatay
dadweyne aad u tiro badan oo Soomaali ah oo xoog u dhegeysta
heesaheeda, kuwaas oo ay xitaa ka mid yihiin fannaaniin iyo
abwaanaba.
In badan oo Soomaalida ka mid ahi, markay fanka ka hadlayaan
waxay Khadra ku tilmaamaan Boqorada Jacaylka. Mar la weydiiyay
heesteedii u horeysay ee jacaylka ahayd ee ay qaaday, waxay
sheegtay in ay ahayd hees uu sameeyay nin la odhan jiray
Maxamuud oo reer Hargeysa ah. Heestaasi, waa heesta caanka ah ee
ereyadeeda ka midka yihiin;
Afka lagama sheegtoo,
Adigoon Jacayl arag,
Looma uur xumaadee,
Intuu soo abraarruu
Heestani, waxay ahayd tijaabadii ugu dambaysay ee Khadra laga
qaado, ka hor intii aanay ku dabaallan badweynta heesaha ee ay
marba dhinac u qaaday.
Khadra oo ka jawaab-celinaysay suaal ku saabsanayd, sidii
dareenkeedu ahaa markay Fanka bilowday waxay tidhi; Waan yaraa,
waayo-aragnimana maan lahayn, balse waxa ijiidanayay jacaylka
aan u qabay Fanka.
Khadra Daahir, waxay ka mid tahay koox fannaaniin ah oo dhawaan
ka soo kicitimay Carriga Ingiriiska oo ay muddo dhawr iyo Toban
sannadood ah ku noolaayeen. Mar aanu wax ka weydiinay ujeeddada
socdaalkooda, waxay ku tilmaantay war-doon la xidhiidha sidii ay
u ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah oo ay in muddo ah ka
maqnaayeen. Waxa kale oo booqashada fannaaniintan ka mid ah, in
ay dadka wax ka xusuusiyaan Fankoodii, waxaanay sheegtay in ay
dhawaan ku soo bandhigayaan Masraxyadda Hargeysa,
Bandhig-fanneed.
Fannaanadu, waxay ka deyrisay nolosha qurbo-joogga ah oo ay ku
macnaysay mid adag oo ka soo horjeedda dhaqanka Soomaalida. Waa
meel aanad cidna ka garanayni. Dhibaatooyinka qurbaha nagu
qabsaday, waxa ka mid ah wax-soo-saarkayagii oo yaraaday, ayay
tidhi Khadra oo ka hadlaysay carqaladaha dhulka shisheeye ay
kala kulmeen.
Marka laga tago Riwaayadii la odhan jiray Dab jacayl kari waa oo
ay Khadra kala wareegtay Sahra Axmed oo markii hore heesaaga
koowaad ka ahayd, waxa kale oo ay markiiba hogaan-qaaday
Riwaayad la odhan jiray Jini iyo Jacayl, oo noqotay mid markiiba
ku fiday daafaha dhulweynaha Soomaalidu degto. Heesaha ay qaado
Khadra Daahir, waxa intooda badan sameeyay Abwaan Xasan X.
C/laahi (Xasan Ganay), hase yeeshee heesta ay ugu jeceshahay
heesaha ay ku luuqayso, waxay ku tilmaantay hees uu sameeyay
Abwaan Maxamed Cali Kaariye (Illaahay ha u naxariistee). Mar ay
arrintaa ka hadlaysayna, waxay Khadra tidhi:
“Heesahayga waxaan ugu jecelahay, Jacaylkii Boorama, kii bulaale
iyo herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir igu helay.
Fannaanadu, waxay jacaylkeeda heestaa bud-dhig uga dhigtay
munaasibad u gaar ah oo ay ka turjumaysay, taas oo saamayn
dhinaca cishqiga ah Kharda lafteeda. “Heestaasi waxay lahayd
laba munaasibadood, ta hore abwaanka sameeyay oo jacayl rasmi
ahi hayay, iyo aniga laftayda oo markaa la i hayay. Sidaa waxa
tidhi Khadra Daahir oo daboolka ka qaaday, jiritaanka sharaxaad
ay bulshadu ka bixin jirtay aroorka nudaha iyo macnaha ay heestu
xambaarsan tahay.