Sheeko Jacayl ah Nabar aan
Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
Naba“……Haba baran
lahaayaa, Ha u bixin lahaayaa, Iminkoon
besteey ahay, Baroor miyaa wax ii qaban…..
”...
(luuqdii: Khadiijo
Foodeey Nuur)
Qaybtii 1aad
 |
|
Cabdulqaadir M.
Wacays
|
Waxay ahayd goor maqrib ah oo ay isu
diyaarineysey in ay aaddo golaha
Internetka oo ay beryahaas si weyn ugu
waalnayd. Waxay khadka MSN-ka kula
ballansanayd wiil ay wada socdeen oo
degganaa magaalada Minneapolis ee dalka
Mareykanka.
Markey timid golihii internetka, waxay
durba gashay khadkii MSN-ka oo uu kusii
sugayey saaxiibkeed. Markey cabbaar
fadhidey bay si kedis ah u eegtay
saacaddii ugu xirnayd gacanta midig. Waa
10:00 fiidnimo. Waxay fadhidey muddo
seddex saac ah, waxayse iyada la ahayd
in ay fadhidey daqiiqado. Intey sadarkii
ugu dambeeyey ee nabadgalyeynta ahaa u
qortay saaxiibkeed bay kursigii ay ku
fadhidey ka kacday iyadoo degdegsan.
Xogaadii lacagta ahaa ee lagu yeeshay
intey iska bixisay bay albaabka ka
baxday.
Habeenkaas aad bay ugu daahday golaha
Internetka. Waa goor dambe!!. Magaaladu
waa Gaalkacyo, ma aha Garoowe, mana aha
Boosaaso. Waa magaalo yar oo ay wada
deggan yihiin beelo Soomaaliyeed oo aan
colna ahayn, nabadna ahayn, balse si
dadban isugu waafaqsan in aan magaalada
mar kale lagu kala guurin xitaa haddii
ay isaga dhimato boqollaad wiil. Welwel
iyo cabsi ayaa ku beermay. Waxay ka
welwelsaneyd hooyadeed oo ay hubtey in
ay habeenkaas ku xanaaqi doonto. Goor
hore ayaa la kala xerooday, dad tiro yar
ayaana waddooyinka socdey. Hooyo
qayladeeda waxba iga dhibi maysee, mar
uun yaa gurigii nabad igu geeya, intey
hoosta iska tiri bay cagta saartay
waddadii ay u mari jirtey gurigooda.
Belaayo buulkaagaa laga galaa…
Idman waxay ahayd qiyaastii gabar 30-jir
ah. Waxay ahayd gabar qurux badan oo ka
mid ah gabdhaha laga tilmaamo magaalada
Gaalkacyo, waxaase iyada intaas u
dheeraa furfurnaan iyo dabeecad-wanaag
ay kaga soocnayd gabdhaha kale. Nin
kasta wuxuu niyadda ka jeclaa in ay mar
uun la hadasho, shar iyo khayr wuxuu
kala kulmaba. Ninka ay dusha ka salaanto
ama ay wax yar isla taagto waxaa loo
arkayey nin ragga kale wax dheer.
Magaciisu Daqiiqado gudahood ayuu ku
faafayey magaalada oo dhan.
Quruxdu dhib uun bay kaala maqan tahay,
bay hooyadeed ka maqli jirtey. Waxaa
sida daadkii ugu soo qulqulayey codsiyo
kala duwan oo loogu soo gudbinayey xagga
taleefanka, internetka, iyo warqado.
Codsiyadaas waxay isugu jireen run iyo
been, dhab iyo dhalanteed, sheeko dheer
iyo mid gaaban, qiyaali iyo
dhab-ka-hadal, guurdoon iyo gaabsidoon.
Hase yeeshee dheg jalaq uma aysan siin
jirin. Gabar meeli u caddahay meeli ka
madow. Meel kale ayaa balag looga
lulayey. Nin kale bay duntu ugu xirnayd.
Markiise xaalkeeda la bixin kari waayey,
nin kasta candhuuftiisii buu dib u
liqay. Ha ku daalin jeedaal, indho sooma
jiidaan qalbi kaa janjeeree.
Idman lix bilood ka-hor bay khadka
MSN-ka ee internetka isku barteen wiil
la yiraahdo Shirwac oo degganaa
magaalada Minneapolis ee dalka
Mareykanka. Cidna isma barin. Si fudud
bay isku barteen. Dhambaal uu Shirwac
qof kale u dirayey ayaa si qalad ah ugu
soo dhacay sanduuqeeda dhambaallada.
Waxay u dirtay dhambaal ay ugu sheegtay
in uu soo qaldamay. Kaddibna, wuxuu usoo
diray dhambaal mahadcelin ah. Sidaas
ayey Idman iyo Shirwac isbarashadoodu ku
billaabatay. Dabadeed, waxay
isdhaafsadeen dhambaallo kala duwan oo
ugu dambeyntii suurtagaliyey in ay
qalinka ku wada duugaan heshiis
wada-socod saaxiibtinimo.
Afartii toddobaad ee ugu horreysey
isbarashadooda, Idman waxay iyada ka
ahayd maaweelo, dhereg-dhacsi, sheeko
qiyaali ah, iyo waqti-isku-dhaafis.
Waxaa maskaxdeeda ka daadegiwaayey sida
looga miradhalin karo xiriir
saaxiibtinimo oo u dhexeeya laba qof oo
kala jooga Gaalkacyo iyo Minneapolis.
Waxay nafteeda ku qancin kari weyday
sida ay isu jeclaan karayaan laba qof oo
aan is aqoon, ama aan fool-ka-fool
isusoo hor fariisan. Waxaa dhalanteed la
ahayd in la isku jeclaan karo waraaqo la
isu diro, MSN-ka oo lagu wada
sheekeysto, iyo taleefanka oo la iska
maqlo.
Laakiin, xaaladdu mar dhexe bay si kedis
ah isu beddeshey. Idman waxaa saamayn
weyn ku yeeshay sheekadii MSN-ka,
waraaqihii, iyo sawirradii ka dambeeyey
ee ay isdhaafsadeen iyada iyo Shirwac.
Waxaa laabteeda ku dhacday dhibic
jacayl. Waxaa ku dhacay is-beddel baaxad
weyn oo saameeyey nolosheeda. Waxay
jacayl ugub ah u qaadday wiil aysan weli
fool-ka-fool isu arag, oo aysan xitaa
codkiisa maqal. Waase adduun iyo
xaalkiis. Cimrigaagoo dheeraaday, geel
dhalaayana waa ku tusaa...
Idman iyadoo socodka boobaysa bay dhinac
martay barxadda weyn ee kasoo horjeedda
guriga madaxtooyada oo loo yiqiin
‘Quraca’. Habeenkaas wuxuu u ahaa
habeenkii ugu horreeyey oo ay tagto
golaha Internetka. Maalin kasta laba
jeer bay tegi jirtey. Weligeed habeen ma
aysan tegin. Markey barxaddii dhaaftay
bay dhinaca midig u leexatay. Tolow
dukaankii habaryar masii martaa bay
is-weydiisey, waxayse islamarkiiba is
xusuusisey in ay tahay xilli dambe oo
goor hore dukaanka la xiray. Markey
socotay in cabbaar ah oo ay usoo
dhowaatay gurigoodii bay maqashay
dhawaaqa rasaas la is-weydaarsanayo.
Dhegeheedu kuma cusbayn maqalka guuxa
rasaasta. Hebeen iyo maalin bay maqli
jirtey. Dhegba jalaq uma aysan siinine
socodkeedii bay iska sii wadatay illaa
ay ka gashay albaabka gurigooda oo uu ku
sugayey wiil yaroo walaalkeed ah.
“Naa heedhe, miyaadan bani’aadam ahayn.
Waa maxay goorta aad socoto?” bay ka
horkeentay hooyadeed oo neef weyni kasoo
booddey markey aragtay gabadheedii oo
nabad-qab kusoo hoyatey. “Naa miyaadan
maqleyn waxa rasaas dhacaya?” bay u
raacisay iyadoo weli usii dhegataageysey
rasaasta xooggan ee la
is-weydaarsanayey.
“Hooyo, internetka ayaan kusoo daahay.
Sahro iyo muxibbadii aan ilmo-adeerka
ahayn ee Mareykanka joogay baan wada
sheekeysaneyney,” Bay cudurdaar ka
dhigatay.
“Internet...aa…Alla internet iyo
adigaanba isku kiin nacay. Internet uun
bay sheegtaa. Maalintii baa la isku
ogaaye, haddana ma habeen baad ku
darsatay. Wallee waxaad soo waddo iyo
webiga yaa weyn
dheh?...Internet…Internet…Naa naag weyn
baad tahaye wax iskula har,” bay
hooyadeed ku canaanatay.
“Ee hooyo waa maxay waxaas oo rasaas ah.
Yaa caawa is galay?” bay hooyadeed ka
horgeysey. Idman sheekadaas ma aysan
ahayn mid ku cusub ee waxay rabtay uun
in ay beddesho mawduuca sheekada si ay
isaga weeciso canaanta kulul ee
hooyadeed kaga imanaysey. Idman aroor
kasta markuu waagu beryo waxa ugu
horreeya oo ay dhegaheedu maqlaan waxay
ahaayeen: ‘Dhowr qof ayaa xalay la
dilay, kuwo kalena waa dhaawac. Hebel
xalay ayaa aano-qabiil loo dilay. Tuugo
hubeysan ayaa xalay u dhacay guryo
badan, kuwo kalena waxay baarteen dad
magaalada ku daahay. Laba nin oo xalay
intey dayoobeen u gudbay xaafadda
Baraxleey ayaa saakayto meydadkoodii
qashin-qubka lasoo dhigay!!’
“Garan mayo, waase iska-hor-imaad
xoogan. Berrito ayaan kala ogaan
doonnaa, haddii Eebbe idmo,” intey Nuuro
ugu jawaabtey gabadheedii bay gashay
qolkeedii jiifka.
Idman waa sidii ay rabtaye intey
cashadii loo dhigay si tartiib ah
daaradda guriga ugu cuntay bay iyadana
qolkeedii abbaartay. Maba aysan
nasanine, waxay durba billowday
diyaargarow xooggan. Intey mayratay bay
dhar cusub xiratay sidii tiiyoo ay u
socoto xaflad aroos ama sidii gabar
aroosad ah oo weli ku jirta bishii
malabka oo isu diyaarinaysa mataankeedii
oo aan xaafadda ka fogeyn. Boorso yar oo
ay ugu jireen uunsi iyo barafuunno kala
duwan bay soo dhoweysatey. Idman ma
aysan ahayn aroosad, umana aysan socon
xaflad aroos ee waxay isu diyaarineysey
la-sheekeysiga gacaliyaheed Shirwac oo
ay habeenkaas ku ballansanaayeen in
markii ugu horreysey ay taleefanka ku
wada hadlaan. Waxay isu diyaarisay sidii
tiiyoo uu taleefanka ka dhex arkayo
quruxdeeda ama ka dhex urinayo
udgoonkeeda. Waxay illowdey in codkiisa
wax dhaafsiisan aysan maqli doonin,
aragtina warkeedba daa. Si kasta arrintu
ha ahaatee, waxay iyada u ahayd habeen
xusid iyo xusuusba mudan.
Goor ay tahay saqdii dhexe bay maqashay
dhawaaqa taleefanka. Intey kursigii ay
ku fadhidey kasoo booddey bay daaradda
guriga abbaartay. Nasiibdarro,
taleefanka qolka lama aysan soo geli
karin. Wuxuu ku rakibnaa daaradda guriga
iyadoo sidaas loo yeelay in
isticmaalkiisa loo sinnaado oo aan qof
qurihi qolkiisa ku xiran.
“Hallow....waa qofma?” bay weydiisey
iyadoo uu codkeedu gariirayo, baqdinina
ay ka muuqato. Waa ay hubtey in dhawaaqa
taleefanku ahaa mid dibadeed. Magaalada
Gaalkacyo dhawaaqa taleefannada dibedda
laga soo diro iyo kuwa gudaha waa ay
kala duwan yihiin, waxayse iyadu rabtey
uun in ay ogaato qofka la hadlaya qofka
uu yahay.
“Xabiibi, waa Shirwac. Iska warran? Sow
Idman maaha?” ayuu Shirwac si
dhiirranaan leh ugu jawaabey.
“Nabad…Nabad…Xabiibi…Waa Idman,” intey
tiri bay dhinacyadeeda eegtay sidii
tiiyoo ay dad kale dhageysanayaan.
Illeyn farxadi waa naxdin. Mar kale bay
misana geesaheeda eegtay. Waxba ma aysan
arkin. Daaradda gurigu waaba mugdi.
Keligeed uun baa dhex yuururtey. Saacado
kahor ayey korontadii magaaladu tagtay.
Ciil-qab xagga korantada ah ayey
magaaladu la ooyeysey.
“Idman, xabiibi, waan ku faraxsanahay in
caawa markii iigu horreysey aan codkaaga
maqlo…,” buu Shirwac sheekadii ku furay
isagoo taas dhiirrigalin uga dhigaya
Idman oo uu codkeeda ka dareemay xishood
iyo firkanax.
“Aniguna sidoo kale…,” bay ku jawaabtey
iyadoo ay weli naxdini ka muuqato,
codkeeduna uu weli gariirayo sidii qof
ay koronto qabsatay. Idman waxay ahayd
gabdhaha aadka ugu dhiirran
ku-sheekeysiga taleefannada. Waxay
awoodi jirtey in waxay doonto ay ku
sheegto taleefanka. Waxay ahayd gabdhaha
ka baqa shukaansiga fool-ka-foolka ah,
balse ku dhiirran kan taleefanka.
Laakiin, waxay wiilal dhaaxaa taleefanka
been ugu sheegto, kuwo kalena caloosha
kasoo riddaba, caawa iyada ayey
haysataa, oo waatan dhuunteedu uu
hadalka kasoo bixi la’yahay.
“Idman, xabiibi, maqalka codkaagu wuxuu
igu sii kordhiyey jacaylkii aan kuu
qabey, waxaan Eebe ka baryayaa inuu noo
suurtageliyo in aan is aragno…,” buu mar
kale ku yiri.
“Xabiibi, shirwac, aniguna sidoo kale,
waanse is arki doonnaa haddii Eebbe isu
keen qoray,” bay si dhiirran ku tiri
iyadoo aad mooddo in markan uu xishoodku
kasii ba’ayo.
“I love you…Waan ku jeclahay, Idman,”
buu ku yiri intuu codkiisii hoos u
dhigay sidii qof ilmaynaya.
“I love you too…Aniguna waan ku
jeclahay, Shirwac,” bay ku tiri. Idman
intey is celin kari weydey bay
is-aragtay iyadoo ilmaynaysa. Waxay
qaadi kari weydey oo jirkeeda gilgiley
culeyska erayga ugu xoogga badan erayada
oo dhan ee ah ‘Waan ku jeclahay’.
Inkastoo aysan ahayn markii ugu
horreysey ee lagu yiraahdo ‘Waan ku
jeclahay’, misana waxay ahayd markii ugu
horreysey nolosheeda ee ay si dhab ah u
rumeysatay in la jecel yahay!!!.
Idman iyo Shirwac habeenkaas waxay
taleefanka ku wada hadlayeen muddo afar
saac ah. Idman Waxay keligeed yuururtey
daaradda guriga oo mugdi ahayd.
Gurigoodu wuxuu ku yiil xaafadda Garsoor
oo caan ku ahayd kaneecada. Dad badan
ayaa xaafaddaas uga guurey kaneeco
darteed. Idman habeenkaas waxay wehel u
noqotay kaneecadii xaafadda Garsoor ee
albaabada iyo daaqadaha laga soo xirtay.
Kaneeco tira badan oo sidii Ayaxii
raxan-raxan u socota ayaa cuneysey meel
kastoo jirkeeda ka mid ah. Laakiin iyadu
ma aysan dareemeyn xanuunka kaneecadaas
jiigga ka jaqaysey, waayo waxaa ruxayey
oo illowsiinayey dareen kaloo ka xoog
weyn.
Hooyadeed oo aadaankii koowaad ee
salaadda subax ku toostay, intey
albaabkii qolkeeda iska furtay bay
dibedda usoo baxday. Waxay daaradda
guriga ku aragtay gabadheedii oo
keligeed dhex yuururta, taleefankana
dhegta ku haysa. Idman wax shanqar ah ma
aysan dareemin. Xitaa furitaanka
albaabka iyo dhaqdhaaqa hooyadeed ma
aysan maqal. Waxay ahayd maqane-jooge.
Qolfoofteeda uun baa daaradda dhex
fadhidey mooyee niyaddeedu meel kale bay
ka heeseysay. Waxay dhex dabbaalanaysey
hirar ay rogayeen mawjado xoog badan.
Dareenkeedu wuxuu Miniyaabolis kula
caweynayey gacaliyaheed.
Nuuro intey gabadheedii usoo dhowaatey
iyadoo yaabban oo cabbaar dhageysatey
erayadii afkeeda kasoo baxayey bay kaga
nixisay: “Hooyo, sidaan waa doqonnimo,
orod oo seexo, maxay tahay ‘Adigaan ifka
kuugu jeclahay’, naa wax iskula har,
waxaanse ka baqayaa in mar kale jacayl
aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin
kale lugaha la gasho. Wacad Alla, qof
waalan baad u egtahay…Naa orod oo
seexo…”
Idman intey sheekadii taleefanka si
deggan usoo gabagabeysey bay qolkeedii
gashay iyadoo aan hooyadeed u jawaabin.
Habeenkaas waxay u ahayd habeen
farxadeed. Ma aysan seexan. Sariirta uun
bay ku galgalaneysey. Qaybta
xusuus-dhowrka maskaxdeeda ayaa kolba
ugu soo celcelineysey sheekadii dheereyd
ee dhex martay iyada iyo Shirwac,
waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka
dambeysa kusii kordhayey jacaylkii ay u
qabtay. Erayadii jacaylku ka da’ayey oo
ay is dhaafsanayeen ayaa ku reebay
xusuus aan marna guuri doonin. Idman iyo
Shirwac waxay habeenkaas ku heshiiyeen
in habeen kasta ay taleefanka ku wada
hadlaan.
Aroortii waagu markuu beryey bay indhaha
is gelisey. Hase yeeshee, wax yar kaddib
waxay indhaha ku kala qaadday goor barqo
ah hooyadeed oo dul taagan iyadoo leh:
“Naa, hurdada ka kacoo quraaco, anigu ma
garanayo danta aad leedahay, dan baadse
leedahay, runtaase laysugu tegayaa,
habeen kasta taleefan baa lagu
dhafrayaa. Allow sahal amuuraha.”. Idman
iyo hooyadeed aad bay isu jeclaayeen,
mararka qaarkoodna waxayba u sheekeysan
jireen sidii laba gabdhood oo saaxiibbo
ah. Sidaas darteed, Idman inta badan
waxba kama soo qaadi jirin erayada ay
hooyadeed kula kaftanto, waxayna qabtay
kalsooni buuxda oo ah in rabitaankeeda
aysan marna caqabad ku noqon doonin.
“Haye hooyo, haye hooyo macaan,” bay ku
jawaabtay intey jiifka ka kacday oo
sariirta ku fariisatay iyadoo weli
hurdeysan. Waxay eegtay saacaddii u
xirnayd. Waa 10:00kii barqanimo. Intey
maryaheedii haabhaabatay bay suuliga
gashay. Wax yar kaddib bay usoo baxday
daaradda guriga oo ay fadhiyeen
hooyadeed iyo gabar walaasheed ah.
“Hooyo, rasaastii tirada badnayd ee
xalay la is-weydaarsanayey maxay
noqotay,” bay hooyadeed weydiisay intey
isasoo hordhigtay quraacdii loo dhigay.
“Hooyo, waxaa la yiri, labadii reerood
ee maalmahanba isku dilayey koofurta
Gaalkacyo ayaa xalay mar kale is miray.
Waxaa la leeyahay, afar qof ayaa labada
dhinac isaga dhintay.”
Idman iyo hooyadeed in cabbaar ah bay
sheekeysanayeen. Waxay sheekada ku
maaweelineysey hooyadeed. Waxay ka
warwareegeysey in xaaladdeeda cusub ee
beryahan wax laga weydiiyo. Markey
quraacdii dhammaysatay intey istaagtey
bay qolkeedii gashay.
Qaybtii 2aad
“Naa heedhe, sheekadaas waa la innooga
daran yahaye, maxaa cusub, adiga iyo
Shirwac xaggee wax idiin marayaan?” bay
Hodon lasoo boodday markey iyada iyo
saaxiibteed Idman cabbaar ku fogaadeen
sheekooyin kale oo ku saabsanaa gabdho
iyo wiilal ay asaxaab ahaayeen. Hodon
iyo Idman waxay ahaayeen saaxiibbo isku
dhaarta. Waxay ahaayeen sheeko-wadaag
hoose oo xanta isku qarsada, taladuna ka
dhaxayso.
“Xalay, Shirwac baan taleefanka ku wada
hadalnay,” bay Idman ugu bishaareysay
saaxiibteed iyadoo wejigeedu farxad la
iftiimayo.
“Warka isiihee…Si fiican ma u
sheekeysateen?” Bay weydiisey.
“Haaheey. Afar saac baan wada hadleynay.
Waaba la igu dul addimay. Runtii aad
baan codkiisa iyo sheekadiisaba uga
helay. Waa sidaan ku qiyaasayey. Waa nin
caqli badan, cod macaan oo baarri ah.
Run ahaantii, jacaylkii aan u qabey aad
buu iigu sii kordhay.”
“Waan ku faraxsanahay. Hadda maxaad ku
heshiiseen?.”
“Waxaan ku heshiinnay in uu Gaalkacyo
yimaado oo aan isku mehersanno, kaddibna
aan Dubai ku aqal galno, halkaasna aan
iska sii joogo inta uu ii samaynayo
sharcigii aan Mareykanka ku tegi lahaa.”
Hodon waxaa xusuusteeda mar qura kusoo
maaxdey sheekooyin badan oo noocan oo
kale ah oo ugu dambeyntii ku dhammaaday
guuldarro iyo luggooyo. Waxay soo
xusuusatay gabdho iyo wiilal badan oo
inta lagu beerdulucsaday ‘Waan ku
jeclahay’ iyo ‘waan ku dhoofsanayaa’,
meel cidla’ ah looga dhaqaaqay kaddib
markii laga gaarey dantii gaabnayd ee
laga lahaa. Waxaa horteeda kusoo
sawirmay gabdho iyo wiilal badan oo inta
lagu yiri ‘Nayroobi ama Addisababa
imaada si aan idiinkaga dhoofinno’,
dabadeedna looga baxay ballantii,
kaddibna markey gaajoodeen ay dantu
badday in ay jirkooda iibsadaan si ay u
noolaadaan. Armey saaxiibtaa ku dhacdaa
dabinnadaas, bay Hodon niyadda iska
tiri. “Idmaneey, ma hubtaa in uu Shirwac
ku jecel yahay?” bay Hodon saaxiibteed
kaga nixisay iyadoo si toos ah
indhaheeda u eegaysa.
“Maxaad ka waddaa?” bay Idman lasoo
boodday iyadoo naxsan. Malaha Hodon xog
dheeraad ah oo ku saabsan Shirwac bay
heshay, bay niyadda iska tiri.
“Wax kale ma aha ee waxaan ka baqayaa
inuu ninkaas meel cidla’ ah kaaga
dhaqaaqo, hadhowna aan weyno meel aan u
raadinno. Waxaan ka baqayaa inuu is
yiraahdo ‘Waa gabar Soomaaliya joogta ee
uga faa’iideyso Mareykanka ayaan ku
geynayaa’. Waad la socotaa in gabdho iyo
wiilal badan sidaas lagu lug-gooyey.”
“Abbaayo, waan hubaa inuu i jecel yahay.
Sababtoo ah hadduusan i jecleyn waxaasoo
waqti iyo kharash ah iskama dhumiyeen.
Mareykankaba gabdho Soomaaliyeed waa ay
joogaan. Waan hubaa inuu i jecel yahay.
Waan hubaa in ay dhab ka tahay. Waan
hubaa in uusan cidla’ iiga dhaqaaqayn…”
“Waa war fiican. Goormuu imanayaa?.”
“Laba toddobaad kaddib.”
“Hooyo ma u sheegtay?.”
“Maya, weli uma aanan sheegin, toddobaad
kaddib baan rabaa in aan u sheego,
laakiin xaggeeda wax welwel ah kama
qabo. Aabbe isagana sidoo kale baan
filayaa.”
Idman iyo Hodon sheekadu aad bay isugu
bixi jirtey. Mararka qaarkood, maalin
dhan bay wada joogi jireen. Laakiin
maalintaas iyagoo aan weli kala sheeko
bogan bay Hodon maqashay guuxa
baabuurkii walaalkeed oo albaabka kasii
baxaya. Intey Idman xaggeeda eegtay bay
ku tiri: “Maad baabuurka abboowe Mahdi
sii raacdid mar haddaadan ila
qadeyneyn?.”
“Waan jeclaan lahaa in aan kula qadeeyo
oo aan kula sii joogo, waxaanse kusii
cararayaa gurigii oo ay hawl badani ii
taallo,” bay Idman ku cudurdaaratay.
Hodon intey istaagtey oo dibedda u
baxday bay walaalkeed ku tiri: “Abboowe,
wax yar sug aad Idman gurigeeda kusii
tuurtide”. Dabadeed, Idman intey dibedda
usoo baxday oo ay Hodon is
macasalaameeyeen bay kursiga hore ee
baabuurka fariisatay.
Idman waxay baabuurkii kaga degtey
gurigooda hortiisa iyadoo uu dareenkeedu
kacsan yahay. Intey guriga gashay bay
toos qolkeedii u abbaartay iyadoo aan
meel kale ku leexan. Idman dareen cusub
ayaa kusoo kordhay. Iftiinkii rajada
mustaqbalkeeda ee tan iyo xalay u
bidhaamayey ayey daruur weyni ka
qarisay. Hadalkii saxiibteed Hodon ee
ahaa ‘Ma hubtaa inuu ku jecel
yahay…Armuu meel cidla’ ah kaaga
dhaqaaqaa oo hadhowna aan weynaa meel
aan u raadinno’ ayaa ku dhaliyey dareen
cusub oo cabsi iyo welwel badan. Intey
hor istaagtay muraayad weyn oo qolkeeda
dhex tiil sidii tiiyoo sawir laga
qaadayo bay billowday in ay muraayadda
iska dhex daawato. Idman intii ay
muraayadda iska dhex daawaneysey waxaa
iskumar xusuusteeda ku kulmay
sheekooyinkii nolosheeda; Maalmihii
farxadda iyo kuwii murugada. Dabadeed,
waxay billowday in ay is-barbardhigto
waayaheedii Mombaasa, Nayroobi, iyo
haatan oo ay joogto magaalada Gaalkacyo.
Waxaa horyimid berri-samaadkii Mombaasa
iyo jacaylkii ku helay carruurnimada,
iyo weliba guuldarradii uu ku
dhammaaday. Wiil yar oo hal mar uun ku
yiri ‘Abbaayo waan ku jeclahay’ bay
maryaha u dhigatay, nafteedii oo dhanna
u hibeysey. Waxayba ku sigatay in ay
cidlo kula go’doonto, laakiin hooyadeed
oo karti naagnimo u dhalatay ayaa ka
badbaadisey godkii ay ku dhici lahayd.
Wiilkii ay jeclaatay, kaddib markey
hooyadeed wareysatay, wuxuu xitaa garan
waayey magaciisa oo seddexan iyo inuu
aabihiis nool yahay iyo in kale. Caku
iyo caruurnimo… Maansha la yiri
caruurnimo waa cadaw laga koro.
Waxay misana is horkeentay sheekooyinkii
qiyaaliga ku dhisnaa ee waayaheedii
magaalada Nayroobi iyo xaafaddii Islii:
Waan kaa helay…Adigaan ifka kuugu
jeclahay…Ma isguursannaa mise waan wada
noolaannaa…Sidaad jeceshahayba waan kula
jeclahay…Caawa hebel iyo heblaayaa is
aroosaya…Waxaan ka imid Mareykanka…I am
sorry I mean habeen hore ayaan ka imid
Kanada…Anigana Yurub…Ima taaqaanid
miyaa…Anigu waan ku garanayaa…Tilmaan
ayaan ku socdaa…Lambarka taleefankaaga
xitaa waan hayaa…Ammaantaadaa qurbaha
igu soo gaartay…Waxaan leeyahay
baasaboorka weyn…Weliba naag ayaa ii
qoran…Si fudud baan kugu dhoofin karaa,
laakiin taas waxaa ka horreysa in aan
marka hore isfahamno…Bal horta
wacdarahaaga wax iga tus…Halkan baan ku
aqal galeynaa, kaddibna waan kuusoo
dacwoonayaa…Waa iska lix bilood, lixdaas
biloodna anigaa kusoo masruufaya…War
heedhe ma adaaba war haya…Xaaskaagii iyo
caruurtaadii Nayroobi joogay baan soo
arkay…Reer ba’aw yaa ku leh…Hee maxaa
tiri…Itoobiyaan aa…Ma nin Itoobiyaan ah
bay kula nooshahay masruufka aan iyada
iyo caruurtayda u diro…Yaah…Maxaa
tiri…Xaaskaagii joogay Nayroobi ee aad
afarta sano soo moogeyd uur bay leedahay
aa…Oo yaa uureeyey?...Ma jin baa
uureeyey…Bal adba!!!
Adduunyooy xaalkaa ba’, mindhaa la ima
dago mar kale, bay Idman hoosta iska
tiri. Maalmahaasna maalmo xusuus badan
dheh. Maxaa la isa siray. Maxaa gabdho
la luggooyey, maxaase rag badan murugo
iyo uurxumo lagu beeray. Maxay gabdho
dhaaxaa sidii shimbirihii ugu hoobteen
dabinno loo dhigay. Maxaa gabdho dhaaxaa
lagaga faa’iideystay xanuunka buufiska
oo ay la jahawareersanaayeen, kaasoo
dawada keliya ee uu leeyahay ay tahay
‘dhoofka’. Maxaa gabdho badan inta
caloosha loo buuxiyey looga dhaqaaqay
dariiqyada Nayroobi, kaddibna Yurub iyo
Mareykanka laga beegsaday, dib dambena
aan loola soo hadlin. Kuwii warqadahooda
furriinka loo soo diray ayaaba nasiib
leh…
Magaalada Gaalkacyo iyada warkeedba daa.
Meel aan rag joogin bay Idman ugu
xisaabnayd. Aan ku guursado waxaan ahayn
ma yaqaanniin, bay oran jirtey mar kasta
oo lasoo hadalqaado sheekooyinka
Gaalkacyo. Sow in marka hore la is barto
maaha, bay ku doodi jirtey. Waxaase
dooddaas barbar tiil, maxaan iska
baranaynaa, sow ina hebel oo reer hebel
ah ma tihid, aniguna ina hebel oo reer
hebel ah ma ahi, sheekaduba halkaas bay
ku dhan tahay, ma war kalaa ka nool.
Nimanka reer baadiyaha ah ee Gaalkacyo
dhooban maxay ii sheegayaan, bay isku
qancin jirtay. Nin Mudug ku dhashay
Ilaahaw wax ha iigu darin, bay ku
ducaysan jirtey.
Kaddib markey dulmar gaaban ku samaysay
waayaheedii nolosha, waxay misana mar
kale qiimeyn kula dhaqaaqday muuqaalkii
jirkeeda, waayaheeda cusub, iyo nolosha
mustaqbalkeeda dambe. Waqtigu waa is
gurayaa. Maalinba maalin bay kusii
amaahinaysaa. Shalay maanta maaha.
Berrito waa maalin kale oo sha’nigeeda
wadata. Muuqaalkeedii quruxda badnaa wuu
isasii beddelayaa. Midabkeedu wuu sii
qayirmayaa. Jirkeedu wuu sii jilcayaa.
Naasaheedii sida gantaalka u taagnaan
jirey, intey itaalbeeleen bay
xundhurteeda sii haabanayaan. Idman
inkastoo uusan dadaal ku yarayn, waxay
misana mar kale isku guubaabisay in
uusan fadhi meel u oollin. Alleylehe,
kii aan sugayey haddaan hayaa, waase
haddii aan calaf isku leennahay, bay
niyadda isugu dhistay. Mar uun aniga iyo
Shirwac ma isasoo hor fariisan doonnaa,
bay niyadda iska tiri. Ilaahow ha i
dilin anigoon Shirwac laabta ku qaban
ama ugu yaraan taaban meel uun jirkiisa
ka mid ah, bay ku ducaysatay.
Ugu dambeyn, Idman intey muraayaddii ka
hordhaqaaqday iyadoo isku qanacsan bay
dharkii iska beddeshay, dabadeedna
sariirteeda fuushay. Waxay islamarkiiba
barkinta hoosteeda kala soo baxday
sawirrradii Shirwac oo ahaa wehelka
keliya ee ay lahayn, nafteedana ku
samirsiin jirtey.
Qaybtii 3aad
Idman iyo Shirwac waxay caadeysteen in
ay habeen kasta dhowr saacadood
taleefanka ku wada hadlaan. Sheekadoodu
waxay billaaban jirtey saqda dhexe
habeenkii markey dhammaan reerku kala
seexdaan, waqtigaas oo ahaa waqtiga
keliya ee ay Idman si xorriyad leh ula
sheekeysan kartey gacaliyaheed Shirwac.
Sidaas awgeed, habeen kasta waxay ku
dhafri jirtey taleefanka. Habeen-
dhafarkeedu ma ahayn mid qarsoomi karey.
Qof kastoo suuliga usii socda wuxuu
kusii marayey daaradda guriga iyadoo
dhegta ku haysa taleefanka.
Hab-dhaqankaas cusub ee ay Idman lasoo
baxday wuxuu amankaag iyo walaac ku
abuuray hooyadeed oo ka welwelsaneyd
aayaha gabadheeda.
Subax subaxyada ka mid ah bay Idman iyo
hooyadeed isku keliyeysteen daaradda
guriga. Nuuro waxay subaxaas go’aansatay
in ay gabadheeda hoos ahaan u weydiiso
sababta ay habeen kasta taleefanka ugu
dhafarto iyo dadka ay la sheekeysato.
“Hooyo, waa maxay dhaqankan xun ee aad
lasoo baxday? Waa maxay taleefankan aad
habeen kasta ku dhafreyso?” bay Nuuro
gabadheeda weydiisay.
Idman intey wax yar aamustay bay go’aan
degdeg ah qaadatay. Waxay talo ku
dhammaysatay in ay hooyadeed u sheegto
sida ay wax u jiraan maadaama lasoo
gaarey muddadii ay ugu talagashay in ay
hooyadeed ku wargeliso. Maalintii uu
Shirwac iman lahaa Gaalkacyo waxaaba ka
harsanayd lix maalmood.
“Hooyo, waa wiil aan wada soconno oo
Mareykanka jooga,” bay Idman ku
billowday sheekada iyadoo aysan ka
muuqan wax baqdin ah haba yaraatee.
Idman waxay hooyadeed ku qabtay kalsooni
badan oo ah in qorshaheeda aysan marna
caqabad ku noqon doonin.
“Oo sidee u wada socotaan wiil
Mareykanka jooga, goormaadse is
barateen?.”
“Waxaan is-barannay lix bilood ka-hor.
Waxaan isku barannay khadka MSN-ka ee
Internetka, waxaanan ugu dambeyn ku
heshiinnay in aan is guursanno.”
“Oo maxaad ka waddaa khadka MSN-ka ee
Internetka?” bay Nuuro gabadheeda
weydiisey iyadoo yaab iyo ammankaag
dhabannada haysata. Nuuro wararka
internetka wax badan kalama aysan socon.
Waxay maqli jirtey uun in waraaqaha lagu
dirsado. Waxay u haysatey wax aan
dhaafsiisnayn boosto casri ah oo degdeg
badan. Hase yeeshee, waxay liqi kari
weyday in Internetka dhexdiisa la isku
shukaansado, la isku jeclaado, kaddibna
guur lagu heshiiyo.
“Hooyo, si kale oo aad ku fahmi karto
haddii aan kuugu sheego, waxaan iska
barannay hawada u dhaxaysa Mareykanka
iyo Gaalkacyo…Weli fool-ka-fool iskuma
aynaan arag.”
“Waa yaabka yaabkiis. Oo maandheey, qof
aadan weligaa arag sidee baad u
aamintay, ama ku sheekeysateen, amaba
ugu heshiiseen guur? Oo illeyn
Internetkan baas ee aad saacad kasta
kusii socoto nin baa kaaga baaqayey.”
Idman intey istaagtey oo qolkeedii
gashay bay soo qaadday sawirradii
Shirwac si ay hooyadeed u tusto. Intey
sawirradii kala bixisay bay hooyadeed ku
tiri “Hooyo, waa wiilkan…Shirwac ayaa la
dhahaa.”
Nuuro intey sawirradii indhaha marisay
bay gabadheedii ku tiri “Aad is
guursataan ma xumee, maxaad ku
heshiiseen?.”
“Waxaan ku heshiinnay inuu reerkayaga
iga soo doonto oo uu Gaalkacyo yimaado
si aan isu mehersanno, kaddibna aan
magaalada Dubai ku aqal galno, halkaasna
aan iska sii joogo inta uu iiga
samaynayo sharcigii aan Mareykanka ku
tegi lahaa. Hadal iyo dhammaantiis, lix
maalmood kaddib buu Gaalkacyo imanayaa.”
“Ee horta waxaan ku weydiiyey, yuu yahay
ninkani, hooyo?.”
“Wuxuu igu yiri: ‘reer Qansax baan ahay’
laakiin…”
“Haddaadba ka dadhay. Oo maandheey, reer
Qansaxna yey galaan, wacad-Allaanan
weligeey maqal,” intey Nuuro lasoo
boodday bay intaas raacisay “Naa
hooy…Naa hooy…Waa gabadhaadan jinku
durbaanka u tumayo…War fiican ma kuu
sheegaa…Reer Qurac iyo reer Qansax anigu
kala garan maayee, naa cagaha dhulka
dhig baan ku iri. Ma maantaad damacday
in aad noo soo qariso belaayo aan la
aqoon oo nasab-dhiman ah…Reer Qansax
aa…Iska daa in aan arko ee xitaa weligey
sheeko kuma maqal,” bay Nuuro ka
horgeysay gabadheedii oo aan hadalkaba
dhammayn, waxayna intaas u raacisay “Naa
haddaad calafdoon tahay, boqollaal
gayaankaa ah oo misana wada
ilma-adeertaa ah oo ku wada doonaya ayaa
Gaalkacyo dhooban.”
“Hooyo, berdo anigu, reer Qansax ha
ahaado ama reer Qurac ha ahaado,
nasab-dhiman ha ahaado ama nasab ha
ahaado, anigu isagaan jeclahay,
weligeyna waan jeclaan doonaa…Aniga iyo
isagana wed uun baa na kala wadi kara,”
bay Idman si murugo leh ugu jawaabtey
hooyadeed iyadoo ilmada indhaheeda ka
da’aysey intey dhabannadeeda soo
dulmaraan ku hoorayey labadeeda naas
dhexdooda. Waxay u muuqatey sidii qof
laga horjoogsadey jannadii oo loogu
bishaareeyey iyadoo nool. Intey qawsaha
ruugtay iyadoo uu hadalku si dirqi ah
uga soo baxayo dhuunteeda bay intaas u
raacisay “Hooyo, Shirwac wax kastoo uu
ahaado waan ku jeclahay. Anigu reer
Qansax iyo reer Qurac midna ma jecli ee
isagaan jeclahay. Teeda kale, anigu ma
ahi calafdoon ama guurdoon ee waxaan
ahay mustaqbaldoon. Waxaan doonayaa qof
aan isla qaybsanno nolosha shar iyo
khayrba. Waxaan doonayaa
nolol-wada-qaybsi ku dhisan is-aamin iyo
isku-kalsooni oo keliya…oo keliya…oo
keliya. Qofka keliya ee intaas oo dhan
aan ka heli karo waa qofka aan is-jecel
nahay, waa qof aanan ku calman shuruudo
ka baxsan qofnimadiisa, qofkaasina waa
Shirwac.”
Nuuro gabadheeda aad bay u jeclayd.
Dhibcihii illinta ahaa ee indhaheeda ka
da’ayey waxay ku noqdeen sidii dhimbilo
dab ah oo gubayey xubin kasta oo
jirkeeda ka mid ah. Dhanka kale,
shakigii ay ka qabtey haybta Shirwac
waxaa qafiifiyey dhiirranaanta Shirwac
iyo ballanqaadkii uu gabadheeda u
sameeyey ee ahaa intuu Gaalkacyo yimaado
inuu reerkeeda ka doonanayo. Nin aan is
hubin miyaa dhiirrranaantaas yeelan
kara, bay Nuuro iskula hadashay. Intey
is-hayn kari weydey bay ku calaacashay
“Hooyo, waxaad jeceshahayba waan kula
jeclahay waxay doonaan ka ahaadeene.
Marna rabitaankaaga caqabad kuma noqon
doono, hase yeeshee sida aad la socoto
aabahaa waad ogtahay oo waa nin kulul oo
qabyaaladdu lafaha ka gashay. Sidoo
kale, odayaasha reerkeenna waa niman
dhib badan. Hooyo, waxaan ka baqayaa in
aan ceebowno oo guurkaagu uu halkaas ku
fashilmo, waxaan ka baqayaa in ninkaasi
noqdo nasab-dhiman oo aan reerka
dhexdiisa ku ceebowno ee maxaa talo
ah?.”
“Hooyo, dooqayga anigaa u madax bannaan,
odayaasha reerkeenna marti uguma ahi.
Teeda kale, waxaan awoodaa in aan
hawshayda qabsado anigoon cidna la
socodsiin. Xushmad aan idin
xushmadeynayo baan Shirwac ugu qasbay in
uu reerkayga iga soo doonto,
meherkeenuna uu Gaalkacyo ka dhaco.
Aabbo wuxuu la yimaado baan wax kula
qaybsanayaa, odayaasha reerka ee aad
sheegtayna shaqo kuma aan lihi…Shirwac
waa aniga, aniguna waa Shirwac.”
“Hooyo, sidaad jeceshahay baan kula
jeclahay…ee hadda xaggee hawsha ka
billownaa illeyn waqti baa inna haya e?”
bay Nuuro gabadheeda weydiisey iyadoo ka
welwelsan mushkiladda cusub ee reerka
kusoo wajahan.
“Maya…Hooyo…Hadda wax abaabul ah la
samayn mayo…Maalintuu Shirwac yimaado
ayaan qabanqaabada xafladda
billaabaynaa,” bay Idman ku jawaabtey
iyadoo daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa
uu kusii kordhayey welwelka cusub ee ka
dhashay hubaal la’aanta haybta qabiil ee
gacaliyaheed Shirwac. Sidaas darteed,
waxay goosatay in aan wax tallaabo ah la
qaadin illaa uu Shirwac ka imaanayo
Gaalkacyo. Idman waa ay u fududayd in
isla habeenkaasba ay Shirwac weydiiso
haybtiisa qabiil oo faahfaahsan, waxaase
u muuqan kari weydey sabab ku kallifi
karta in ay su’aashaas weydiiso. Hor iyo
horraanba waxaa iyada ka go’nayd in ay
Shirwac ku raacdo wax kastoo uu yahayba.
“Oo sow in aabbo loo cid diro maaha?.”
“Maya…Markuu Shirwac yimaado ayaa loo
cid diraynaa.”
“Oo waa maxay…Maxaynu qarsanaynaa?.”
“Waxba qarsanmayno, laakiin, hooyo, ma
doonayo in uu cadawgaygu iga
faa’iideysto. Ma doonayo in
mustaqbalkayga jidgooyo loo dhigto.
Waxaan rabaa in wax kasta ay ku dhacaan
si lama-filaan ah.”
“Waa hagaag...Hooyo…Sidaad jeceshahayba
waan kula jeclahay.”
Qaybtii 4aad
Taleefanka gurigiisu waa uu iska
dhacayaa sidii tiiyoo cidla’ looga
guurey. Dhambaalladii tirada badnaa ee
ay u dirtay wax jawaab ah kama hayso.
Maxaa wiilkii qabsaday, ma ku nacay, ma
la isku kiin diray, ballantii miyuu
kaaga baxay, ma nool yahay, ma dhintay,
ma xanuunsaday, mise si kalaa wax u
jiraan bay iskula hadashay. Idman
seddexdii maalmood ee ugu dambeysey wax
war ah kama aysan helin gacaliyaheed
Shirwac. Waxay xitaa ka weydey khadkii
MSN-ka ee Internetka iyo dhambaalladii
qoraalka ahaa ee ay is dhaafsan jireen,
taleefanna warkiisba daa.
Sida ay ku ballameen, laba cisho ayaa ka
harsanayd maalintii uu iman lahaa
magaalada Gaalkacyo. Waqtigu waa is
gurayaa. Sida uu u sheegay jadwalkiisu
wuxuu ahaa in uu berrito kasoo dhoofo
dalka Mareykanka, maalinta xigtana uu
kasoo dego garoonka diyaaradaha
Gaalkacyo isagoo soo maraya magaalada
Dubai. Idman waxay la noqotay sidii
tiiyoo uu cirku kusoo dumay, dhulkuna la
go’ay. Meel ay joogto bay kala garan
weydey, ma dhulkii baa, ma cirkii baa,
mise waa meel dhexe. Jiif iyo joogba waa
diiddey.
Doqoneey dabkaa ba’, waaya’aragnimo
la’aaneey ba’, hadduu i bari lahaa mid
ka mid ah saaxiibadiis, haddii aan
maanta garanayo qof aan xaaladdiisa ka
waraysto, sow arrintaydu dhinac uma
dhacdeen? Sow walaacaygu meel ma
yeesheen? Sow farxad ama naxdin mid uun
wehel uma ahaadeen, doqoneey dabkaa ba’,
bay Idman isku canaanatay iyadoo ay
taladu ku ciirsan tahay. Markey cabbaar
joogtaba intey barkinta hoosteeda kala
soo baxdo sawirradii Shirwac bay ku
dhaygagtaa sidii tiiyoo aysan horay u
arkin. Marmarka qaarkoodna,
dhambaalladii ugu dambeeyey ee baafinta
ahaa ee ay u dirtay bay dib u aqrineysey
iyadoo niyadda iska leh ‘Armaad u qortay
hadallo qaldan oo ka careysiiyey’. Ugu
dambeyn, intey dhambaalkii ugu dambeeyey
ee ay u dirtay lasoo baxday bay aqris ku
billowday.
Gacaliye,
Gacaliye, ku aaway? Intee kugu
xisaabiyaa? Ma i nacday? Mise waad ii
xanaaqsan tahay? Waan yaabbanahay!!
Gacaliye, warkaaga waan waayey. Ma
caafimaad qabtaa? Ma nooshahay?. Fadlan
waan ku baryayaa ee aan war kaa helo.
Gacaliye, aad ayaan u welwelsanahay.
Fadlannnnnnnnnnnnn...Gacaliye, aan war
kaa helo...
Anigu weli sidii ayaan kuu
jeclahay...Jacayl aan salguureyn adduun
iyo aakhiraba...Xusuustaydu waa
adiga...Rajadaydu waa adiga…Weligeey
kuma halmaami doono...waqti kasta iyo
goob kasta...
Gacaladaa Idman
Gaalkacyo.
Markey dhammaysay aqrinta dhambaalkaas,
islamarkaana ku qanacday qaabkii ay u
qortay, intey sariirta cabbaar kolba
dhinac isugu rogrogtey bay misana
is-tustay in ay ka wardoonto golihii
internetka bal inuu Shirwac wax uun
jawaab ah usoo diray iyo in kale. Waxay
nafteeda ku dhiirrigelisey in aysan
marna calaamadaha quusta isu sawirin tan
iyo inta ay kasoo taabanayso xeerada
salkeeda. Intey labisatey bay albaabka
guriga ka baxday. Cabbaar markey socotey
bay lugaha qaadi kari weydey. Waxay
dareentay tabardarro iyo madax wareer.
Intey gawsaha qaniintey, labada lugoodna
dhulka ku adkaysatay bay si tartiib ah u
luudday.
Markey gaartey golihii internetka intey
kursi bannaanaa cabbaar ku nasatay bay
dul fariisatey mid ka mid ah
kombuyuutarradii golaha yiil. Ugu
horreyn, waxay gashay khadkii MSN-ka ee
Internetka. Nasiibdarro, Shirwac kuma
uusan jirin. Dabadeed, waxay furtay
sanduuqeedii dhambaallada. Waxay
indhaheedu qabteen dhambaal cusub oo
isla galabta kusoo dhacay. Indhaheedii
bay rumaysan kari weydey. Ma dhab baa,
ma dhalanteed baa, mise iyadaa is
moodsiisey. Illeyn farxadi waa naxdin.
Waxaa dhambaalka soo diray gacaliyeed
Shirwac. Waa dhambaal ku taariikhaysan
in isla galabta lasoo diray. Intey
dhambaalkii si halhaleel ah ku furtay
bay aqris ku boobtay iyadoo aad mooddo
in jannadii loogu bishaareeyey. Wax
kastaba ha dheceene, mar haddii uu soo
jawaabay waa Ilaah mahaddiis,” bay
niyaddeedii kacsanayd ku qaboojisey.
Gacaliso,
Salaan dabadeed, waan caafimaad qabaa.
Waan ka xumahay in aad igu
jahawareertay. Waan dareemi karaa
welwelka iyo walaaca ay kugu beertay war
la’aantaydu. Galabta ayaan helay
dhammaan dhambaalladii aad ii soo
dirtay.
Gacaliso, seddexdii cisho ee aan kala
war la’ayn waxaan ku xirnaa saldhigga
booliiska ee magaaladan aan degganahay.
Habeenkii isugu keen dambeysey ayaa
askar booliis ahi gurigayga iga
kaxaysteen. Waxay igu qaldeen nin
dambiile ah oo ay ku raadjoogeen. Hase
yeeshee, baaritaan dheer kaddib, waxaa u
caddaatay in aanan ahayn ninka ay
doonayeen. Gacaliso, muddadii aan
xirnaa, xitaa waxaa la ii diiday in aan
taleefan dirsado.
Gacaliso, waan ka xumahay dhibaatadii ku
gaartey maalmihii aan xirnaa. Waan hubaa
in aad dareemi karto in aniguba dhibaato
taas la mid ah aan la ildarnaa.
Gacaliso, waxaan ku tasbiixsadaa
magacaaga shanta xaraf ka
kooban...Waxaad tahay iftiinkii
naftayda...Aayihii
noloshayda...Ilbiriqsi kasta waxaa i hor
imaanaya muqaalkaaga...Codkaagu waa
sahayda safarka dheer ee aan ugu jiro
hanashadaada...Sideen kuu halmaamaa!!!
Gacaliso, waxaad tahay hoggaankii
noloshayda...Farxaddii naftayda...Waxaan
kuu hayaa jacayl aan
dhammaanayn...Mid aan gaagaxayn...Mid
ila noolaan doona inta aan dunida
joogo...Mid ila geli doona
iilka...Gacaliso sideen kuu halmaamaa!!!
Gacaliso, caawa xilligeennii ayaan kula
soo hadli doonaa, waxaanse kuugu sii
bishaareynayaa in berrito aan kasoo
dhoofi doono Mareykanka, Dubai ayaan
habeennimadii seexan doonaa, maalinta
xigtana waan kula joogaa.
Gacaliyahaa Shirwac
Minneapolis, USA
Tiro ka toban jeer bay Idman dhambaalkii
aqrisay. Illeyn farxadi waa naxdin.
Intey compuyuutarkii iska xirtay bay
gurigoodii abbaartay. Markan socodku
dhib kuma hayo. Tallaabadii ay la
kufaa-kacaysey haatan waxay isu
beddeshey rucle-orod. Lugihii ay qaadi
kari la’ayd haatan iyagaaba tallaabada
hoosta ka boobaya. Sidii baabuur
xakamaha goostay bay is-qaban kari
weydey. Markey gashay albaabkii
gurigooda iyadoo aan meel kale ku leexan
intey taleefanka ku boodday bay wacday
saaxiibteed Hodon. Warkii farxadda lahaa
ee kusoo kordhay bay duuduub ugu
dhiibtey. Wixii caawa soo kordhana waaba
loo wada joogaa, bay intaas ugu dartay.
Waa innoo berrito iyo is-arag xiiso leh
baa lagu ballamay.
Markey taleefanka dhigtay intey
cashaysay bay qolkeedii gashay. Waxay
ahayd goor fiid ah. walaalaheed qolka
fadhiga bay filim ku daawanayeen. Caawa
waa habeenkii ugu dambeeyey oo iyada iyo
Shirwac ay wada hadlaan. Waxaa xigi
doona kulan fool-ka-fool ah oo ay berri
dambe ku kulmi doonaan garoonka
diyaarada Gaalkacyo. Qiyaastii laba ama
seddex maalmood kaddibna, waxay marwo u
noqon doontaa Gacaliyeed Shirwac.
Ilaahow, riyadaas ii rumee, intey
niyadda iska tiri bay sariirta kortay.
Sawirradii Shirwac intey barkinta
hoosteeda kala soo baxday bay daawasho
kula dhaqaaqday…
Iyadoo weli dhex dabbaalanaysa bedweynta
fekerka iyo isla-hadalka, marmarna ku
hafanaysa mawjadaheeda waaweyn ee ka
kooban farxadda iyo naxdinta, bay
maqashay dhawaaqa taleefanka. Intey
sariirtii si halhaleel ah uga soo
boodday bay daaraddii guriga usoo
baxday. Waxay eegtay saacaddeedii, mise
waaba saqdii dhexe. Waxay ku boodday
taleefankii.
“Hallow...xabiibi…iska warran? Sidee
tahay?.”“Nabad...Qalbi…I am fine...I
really missed you so much...Caafimaadka
ka warran?.”
“Adiga uun baa iga maqan.”
“Anigu berri dambe waan kula joogaa
haddii Alle idmo,” intuu yiri isagoo
qoslaya qosol farxadeed buu yiri “Ma
heshay dhambaalkaygii?”
“Haa...xabiibi…Isla galabta ayaan
helay...Waan ka xumahay xarigga laguu
geystay.”
“Micno malaha...xabiibi,” intuu yiri buu
inteysan hadlin u daba dhigay “Xabiibi,
waan ka xumay, kulama sii hadli karo,
laba saac kaddib waxaan aadayaa garoonka
diyaaradaha. Haddii ay suurtagal ii
noqoto waxaan kaasoo wici doonaa
garoonka diyaaradaha Dubai, otherwise
waa innoo berri dambe duhurradii iyo
garoonka diyaaradaha Gaalkacyo…”
“Haye, habiibi...Eebbe haku nabad
keeno...Nabadeey…I love you.”“I love you
too…bye.”
Qaybtii 5aad
Idman intey goor hore toostay bay
is-diyaarin iyo is-qurxin iskula
dhaqaaqday. Waa maalintii uu
gacaliyaheed Shirwac iman lahaa
Gaalkacyo. Kala doorashada dharkii ay
xiran lahayd ayaa waqti dheer ku
qaadatay, ugu dambeyntiise intey mid uun
isaga nasiibsatay bay daaradda guriga
usoo baxday. Waxay ahayd goor barqo ah
oo ku beegan qiyaastii 9:00 aroornimo.
Islamarkiiba, waxaa albaabka kasoo
gashay saaxiibteed Hodon oo ay xilligaas
ballansanaayeen.
Ugu horreyn, waxay taleefan u direen
xafiiska Daalo-airline ee Gaalkacyo si
ay u hubiyaan waqtiga ay diyaaraddu
imanayso, waxaana loo sheegay in 12:00
duhurnimo ay soo cagadhigan doonto
garoonka Gaalkacyo. Dabadeed, intey
dibedda usoo baxeen bay raaceen taksi ay
Hodon horay usoo kireysey oo guriga
hortiisa ku sugayey.
Idman iyo Hodon inteysan ku leexan
waddada tagta garoonka diyaaradaha,
waxay sii mareen hoteel Maanyafuulka oo
ay qol ugasii qabteen Shirwac. Hoteello
fara badan oo ka tayo fiican hoteelkaas
ayaa magaalada ku yiil. Weliba
ayaamahaas hoteello qurux badan oo casri
ah ayaa magaalada si xad-dhaaf ah ugu
soo kordhayey. Idman inkastoo ay niyadda
ka jecleyd in ay gacaliyaheed dejiso mid
ka mid ah hoteelladaas casriga ah,
misana waxay dhinacna u dhaafi kari
weydey taladii hooyadeed Nuuro oo
aaminsanayd in xulashada hoteelka uu
qofku degayo ay ku xiran tahay haybtiisa
qabiil ama tan qofka uu martida u yahay,
iyadoo taasna sabab uga dhigaysa in
xeer-hoosaadka magaalada ee aan la
shaacin uu dhigayey in reer kasta ay
iyagu mas’uul ka yihiin ammaankooda iyo
kan martidoodaba. Sidaas darteed,
reerkii aan hoteel ku lahayn magaalada
waxay ka dhignaayeen reer hoogay oo
ba’ay.
Garoonka diyaaraduhu in cabbaar ah ayuu
u jirey bartamaha magaalada. Waxay
mareen waddada tooska ah ee tagta
garoonka. Markey dhaafeen qabuuraha
Cirjiife bay kusoo bexeen niman hubeysan
oo taagtaagan meel aan sidaas uga sii
fogeyn. Intey qoryihii ay wateen kusoo
fiiqeen bay ku amreen in ay istaagaan.
Darawalkii taksiga intuu baabuurkii
joojiyey buu nimankii gacanta u
haadiyey. Markey hubsadeen qofka uu
yahay bay ugu baaqeen dhoollacaddeyn u
dhiganta ‘Waa lagu aqoonsaday ee soo
dhaaf’. Darawalkii intuu baabuurkiisii
mootaystay buu socodkiisii sii watay.
Wax yar kaddib bay yimaadeen garoonkii
diyaaradaha. Waxaa fadhiyey seddex
diyaaradood oo kuwa Qaadka keena ah.
Waxaa kaloo fadhidey diyaarad kale oo
shixnad hilib Ari ah u qaadeysey
magaalada Dubai. Dad fara badan ayaa
garoonka dhex hoganayey. Garoonku ma
lahayn meel loogu talagalay in ay sii
fariistaan rakaabka diyaaradaha
raacayey, kuwa kasoo degayey, iyo
asaxaabtoodaba. Fallaaraha cadceedda
ayaa sidii roobkii ugu soo da’ayey.
Geedaha hoostooda ayaa naf la bidayey.
Idman iyo Hodon markey cabbaar meelaha
marmareen intey daaleen bay geed weyn
hoostiisa iska fariisteen. Daqiiqado yar
ayaaba ka harsanaa waqtigii ay iman
lahayd diyaaraddii siddey gacaliyaheed.
Wax yar markey fadhiyeenba waxay maqleen
guux diyaaradeed. Dadweynihii goobta
joogey ee iyaguna diyaaraddaas sugayey
ayaa durba billaabay in ay u dareeraan
goobtii ay diyaaraddu ku soo degi
lahayn. Idman farxad iyo naxdin wada
socda ayaa mar qura wada saaqay xubnaha
jirkeeda. Jirkaa dubaaxiyey, markaasaa
xaadduna istaagtey. Farxad darteed ilmo
ayaa indhaheeda kasoo daadatay.
Diyaaraddii intey laba jeer garoonka ku
dul wareegtey bay si tartiib ah u soo
cagadhigatay. Dadkiiyoo dhan waxay is
hordhoobeen diyaaradda albaabkeeda.
Idman iyo Hodon waxay ka mid ahaayeen
dadkaas albaabka hor dhooban. Wax yar
kaddib ayaa albaabkii la furay.
Rakaabkii ayaa billaabay in ay
diyaaradda mid mid uga soo degtaan.
Waxaa billaabatay soo dhoweyn, isku soo
boodid, iyo is-dhunkasho.
Idman iyadoo sugi kari la’ goorta uu
Shirwac dibedda usoo bixi doono bay
albaabka diyaaradda heegan ku ahayd.
Intii aysan rakaabku billaabin in ay
dibedda usoo baxaan, waxaa iyada u
qorsheysnayd in ay si caadi ah Shirwac u
gacanqaaddo, dhunkashadeedana gadaal u
dhigato. Hase yeeshee, markey aragtay
dadkiiyoo laabta intey isku wada qaadeen
is wada dhunkanaya bay iyaduna
go’aansatay in ay sidaas oo kale yeesho.
Idman iyo hodon iyagoo weli hoos taagan
albaabkii diyaaradda ayaa waxaa soo
baxay duuliyihii iyo ku-xigeenkiisii,
waxayna xireen albaabkii diyaaradda.
Naxdin tii ugu weyneyd ayaa Idman isugu
timid. Iyadoo dhan baa gariirtey. Intey
cagaha ku taagnaan kari weydey bay
saaxiibteed Hodon cuskatay. Waxaa ku
dhashay shaki ballaaran. Daqiiqado
kahor, indhaheedii farxadda la
ilmaynayey ayaa markanna billaabay in ay
naxdin la ooyaan.
Intey is-hayn kari weydey bay iyadoo aan
is ogeyn duuliyihii weydiisey inuu
rakaabku intaas ku egyahay iyo in kale,
wuxuuna u sheegay in uu rakaabku intaas
ku egyahay. Waxay misana weydiisey in uu
diyaaradda la socdey qof magaciisu yahay
‘Shirwac’ oo kasoo raacay magaalada
Dubai. Duuliyihii intuu isha mariyey
warqado uu gacanta ku hayey buu u
sheegay in qof magacaas leh uusan
diyaaraddaba soo raacin. Idman dhulka
iyo cirkaa la wareegay, iyadoo aan kala
ogeyn meel ay joogto intey saaxiibteed
cuskatay bay dhulka fariisatay. Hodon
intey saaxiibteed garabka qabatay bay u
dhaqaaqeen xaggaa iyo goobtii uu taksigu
ku sugayey. Dabadeedna, iyagoo luudaya
oo cagaha jiidaya bay taksigii galeen.
Talaa ku ciirtay. Meel ay xaajada u
dhaqaajiyaan bay kala garan waayeen.
Idman iyo Hodon iyagoo cagajiid ah oo
niyadjabsan bay garoonkii kasoo
dhaqaaqeen. Intii ay dhexda kusoo jireen
hal mar xitaa islama aysan hadlin. Waxaa
dhuntay farxaddii ay saakayto kusoo
bexeen. Cabbaar kaddib bay yimaadeen
gurigii Idman. Hodon intey saaxiibteed
garabka qabatay bay tagsigii ka dejisey
sidii qof xanuunsan oo isbitaal laga
keenay. Mar uun yaa qolkaygii i geeya
bay Idman ka joogtey. Iyadoo dharkeedii
qabta bay sariirteedii isku tuurtay.
Hooyadeed oo daaradda fadhidey ayaa
qolkii kasoo daba gashay kaddib markey
dareentay in xaaladda gabdhuhu aysan
caadi ahayn. Balse Hodon ayaa si tartiib
ah ugu sheegtay in wax dhib ah uusan
jirin oo aan ka ahayn in ay Shirwac soo
waayeen oo loo sheegay in uusan
diyaaraddaba la socon. Saaxiibtey waa ay
yara niyad xumaatay, bay intaas u
raacisay.
“Idman, abbaayo, is deji, wax weyn ha u
qaadan, qofku waa bani’aadam, wax kastaa
ku dhici kara, isagana xaggiisa wax
kastaa ka iman kara…Dad iyo duurba wax
aadan ka filanayn baa kaaga soo
baxa…Wixii soo kordha taleefanka ayaan
ku wada xiriiri doonna...” bay Hodon
saaxiibteed ku tiri iyadoo albaabka
kasii baxaysa.
Idman markey saaxiibteed ka tagtay waxaa
kusii kordhay welwelka iyo walbahaarkii
ay kasoo qaadday garoonka diyaaradaha.
Dareen hor leh oo baqdin badan ayaa ku
dhashay. Erayadii ugu dambeeyey ee Hodon
ee ahaa ‘Dad iyo duurba wax aadan ka
filanayn ayaa kaagasoo baxa’ ayaa
uurkutaallo cusub ku beeray. Waxay ku
noqdeen sidii dhimbil dab ah oo gacanta
loo geliyey. ‘Ma hubtaa in uu ku jecel
yahay…Waxaan ka baqayaa inuu meel cidla’
ah kaaga dhaqaaqo oo hadhowna aan weyno
meel aan u raadinno…Naa wax iskula har,
waxaanse ka baqayaa in mar kale jacayl
aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin
kale lugaha la gasho’ erayadaas iyo kuwo
kaloo u dhigma oo ay horay ugu
yiraahdeen saaxiibteed iyo hooyadeed
ayaa xusuusteeda dib ugu soo maaxday.
Oo haddiise uu baaqday muxuu iigu soo
sheegi waayey? Xitaa haddii uu ballantii
ka baxay muxuu iiga qariyey?. Abbaayo
raalli ahaw oo keliya ayaa igu filnaan
lahayd inkastoo dhaawaca i gaari lahaa
aanan marna ka bogsoodeen, malaha waa uu
i sirayey ee jacaylku dhab kama ahayn,
bay iskula hadashay. Tolow taleefan ma u
dirtaa, bay niyadda iska tiri, haddana
waxay isku canaanatay in aysan guuxeeda
ka dheereyn oo illaa iyo caawa ay bal
isaga ka war sugto. Fiicnaan lahaydaa in
aadamigu ay is-uurdaalacan karaan, ma
qof baa qof kale siri lahaa oo been ku
maaweelin lahaa, bay nafteeda ku
samirsiisay. Wadnahoo la kala waaxo,
wixii ku jirana la wadaago, Alla
wanaagsanaan lahaydaa…
Iyadoo weli nafteeda la doodeysa bay
maqashay dhawaaqa taleefanka. Wuxuu ahaa
taleefan dibadeed. Intey sariirtii ka
boodday bay u orodday daaradda guriga oo
uu taleefanku yiil.
“Halow,”bay ku tiri intey taleefankii
dhegta saartay.
“Abbaayo, adiga Idman miyaa?” buu ku
yiri qofkii taleefanka soo diray.
“Haa, waa Idman ee adiga kee ahayd,” bay
ugu jawaabtey. Wuxuu ula muuqdey qof
aysan is aqoon ama qof is qarinaya oo
codka bedeshey. Codka ay maqashay iska
daa kii gacaliyaheed Shirwac ee xitaa ma
ahayn qof kaloo ay codkiisa garanaysey.
Malaha waa kuwii shukaansi-doonka ahaa
oo is qarin jirey ama waa kuwii intey
marqaanka iga dhex arkaan taleefannada
igu soo waali jirey bay hoosta iska
tiri.
“Abbaayo, ma hubtaa in aad Idman tahay?”
intuu qofkii kusoo celiyey buu u
raaciyey “I’m…Aniga magacayga waxaa la i
dhahaa…sorry yaah for my broken
Somali…yaah…Andrew Warsame…Waxaan kaasoo
wacayaa Mareykanka. Waxaan ahay Shirwac
saaxiibkii…Adiga horta Shirwac ma
taqaantaa? farriin degdeg ah ayaan kaaga
hayaa…Please are you sure you are
Idman?”
“Haa…Abboowe…Waa Idman…Shirwac is my
love…Waa gacaliyahayga…,” bay mar kale
ugu celisey iyadoo la yaabban
farriintaasi waxa ay noqon doonto,
waxaase u caddaatay in farriinta soo
socota ay ka timid Shirwac. Tolow
Shirwac mar kale ayaa la xiray oo sidaas
buu ku baaqday miyuu soo wadaa, mise
Shirwac ballantii wuu kaaga baxay ee
gabaryahay tasho buu ku dhihi doonaa,
bay hoosta iska tiri. Haddii wiilka la
xiray waaba wax la garan karo, balse
haddii uu ballantii iiga baxay muxuu la
baqayaa, muuse isagu afkiisa iga dhaho,
bay iskula doodday.
“Sister…I am so sorry, Shirwac could not
make it…I mean…Shirwac ma u noqon
suurtagal inuu soo dhoofo…” buu ninkii
yiri.
“Oo Mareykankaba kama soo dhoofin
miyaa?” bay ninkii ka horgeysey isagoo
aan hadalkiiba dhammayn.
“Maya…Abbaayo…Ani waxaan ka mid ahaa
saaxiibadii garoonka diyaaradaha u
sagootiyey…Nasiibdarro, shil baabuur
ayaa dhacay…Ani iyo wiil kale dhaawac
fudud ayaa nasoo gaarey, isagana dhaawac
culus ayaa madaxa ka gaarey” buu ku yiri
isagoo hadalka shigshigaya.
“Dhaawac aa…Shil baabuur aa...,” intey
tiri bay iyadoo ooyeysa u raacisay
“Hadda, sidee buu yahay? Ma la hadli
karaa? Fadlan waan ku baryayaa ee ila
hadalsii…Fadlan waan ku baryayaa ee aan
hal mar codkiisa maqlo.”
“Abbaayo, farriinta aan kaaga hayo aan
kuu sheego. Waa ballan aan isaga kasoo
qaaday. Wuxuu iga codsaday inaan kuu
sheego ‘inuu ku jecel yahay, weligiisna
ku jeclaan doono’. Erayadii ugu
dambeeyey ee uu ku dhawaaqo waxay
ahaayeen ‘Idman, I love you…Waan ku
jeclahay’,” intuu ninkii intaas ku yiri
buu haddana u raaciyey “Abbaayo, ma kula
hadalsiin karo. Ani xitaa lama hadli
karo, sababtoo ah…”
“Fadlan waan ku baryayaa ee ila
hadalsii…Hal mar aan codkiisa maqlo” bay
mar kale ninkii hadalka kaga dhexgashay
iyadoo ooyeysa oo aad mooddo in aysan
dhegaheeduba maqlayn warka uu ninku u
sheegayey.
“Abbaayo. I am so sorry. Waan ka xumay,
ma kula hadalsiin karo. Allaha u
naxariisto. Saacad kahor buu
geeriyooday…” buu si murugo leh ugu
yiri.
Idman markey dhegaheedu ku dheceen
eraygii ahaa ‘Wuu geeriyooday’ bay af
labadii dhawaaqday. Intey taleefankii
iska tuurtay bay dhulka isku dhufatay.
Intey maryaha tuurtay bay billowday in
ay timaha iska rifto. Hooyadeed iyo
walaalaheed ayaa durba qolkeedii kusoo
orday. ‘Alla hoogey oo ba’ayeey’ waxaan
ahayn ayaa afkeeda laga waayey. Waxay la
collowday noloshii adduunka. Waxay
niyadda ka jecleysatay in ay iska
dhimato. Waxaa ka dhumay hankii iyo
qabkii gabarnimo ee ay gabdhaha kale
kaga soocnayd.
Hooyadeed iyo walaalaheed markey ku
noogeen celcelinteeda bay taleefan u
direen saaxiibteed Hodon. Deriskii
xaafadda oo dhan ayaa baroorteeda ku soo
baxay, daaraddii guriga bay durba soo
buuxiyeen iyagoo la yaaban belaayada
kusoo boodday Idman oo ay ku yiqiineen
degganaan iyo dhib yaraan. Malaha Jin
baa asiibay, bay qaarkood hoosta ka
lahaayeen, halka qaar kalena ay la ahayd
in laga raacay oo ay isha geliyeen
nimanka tirada badan ee had iyo goor ku
gaafwareegi jirey.
Wax yar kaddib Hodon oo uu la socdo
walaalkeed oo takhtar ah ayaa gurigii
soo galay. Hodon intey saaxiibteed
garabka qabatay oo maryaheedii ku
celisay bay sariirteedii ku seexisay.
Dabadeed, takhtarkii ayaa ku muday
cirbad hurdo degdeg ah u keeneysa. Hodon
intey saaxiibteed dhinac seexatay bay
weydiisey sida ay wax u dheceen,
kaddibna waxay warkii si tartiib ah ugu
gudbisey hooyadeed. Markey xaaladdu
degtey bay deriskii xaafaddu guryahoodii
isaga laabteen iyagoo weli yaabban.
Xaaladda cusub ee kusoo korortay Idman
waxaa la socdey Hodon iyo hooyadeed oo
keliya, waxayna labadooduba ku
heshiiyeen in aysan cid kale u sheegin.
Qaybtii 6aad
Muddo laba bilood ah bay ku jirtey
xaalad u dhaxaysa nolol iyo dhimasho.
Caafimaadkeedii ayaa xumaaday. Waxaa la
huwiyey bustaha dhaxanta laga galo.
Aabaheed iyo walaasheed oo Dubai iyo
Nayroobi kala joogey xitaa waa loo
yeeray si ay gunaanadkeeda goobjoog uga
noqdaan. Saaxiibteed Hodon iyo hooyadeed
ayaa daqiiqad kasta dultaagnaa. Maalin
kasta waxaa la geynayey takhtar cusub oo
daawooyin hor leh usoo qorayey.
Nasiibdarro, dawooyinkii sida cuntada
loogu dirqinayey waxba kama aysan
beddelin xaaladdeeda caafimaad.
Waxay ka go’day cuntadii. Muuqaalkeedii
quruxda badnaa wuxuu u ekaaday sidii
geed dherey oo ay caleemuhu ka daateen.
Midabkeedii ayaa doorsoomay. Waxay u
ekaatay sidii qof uu xagaagii Boosaaso
dillooday, wax uga miciinana weydey.
Qofkii laba bilood kahor aqoon jirey
wuxuu haatan ka shakinayaa in ay iyadii
tahay iyo in kale.
Waxay ka samirtay noloshii, waxayna
niyadda ka jecleysatay in ay iska
dhimato. Daqiiqad kasta waxaa hor
imaanayey gacaliyaheed Shirwac oo ku leh
‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’. Inkastoo
sawirradiisii iyo dhambaalladii ay is
dhaafsan jireen ay Hooyadeed iyo Hodon
ka jeexjeexeen, misana waxaa keydka
xusuus-dhawrka maskaxdeeda ku duubnaa
eray kasta oo ay is yiraahdeen, waxaa ku
keydsanaa sawirradiisii, iyo
dhambaalladii qoraalka ahaa ee ay is
dhaafsan jireen. Isagoo qoslaya oo ku
leh ‘Idman, waan ku jeclahay’ ayuu mar
kasta horteeda kasoo muuqanayey.
Idman hooyadeed iyo saaxiibteed Hodonba
waxay Idman ku tijaabiyeen waddo kasta
oo ay ku samirsiin karayeen. Kor iyo
hoos bay wax ugu sheegeen. Waxay
xusuusiyeen in nolosha adduunyadu tahay
mid kooban, qof kastana uu dhimanayo.
Waxay uga sheekeeyeen sheekooyin la mid
ah tan iyada ku dhacday. Waxay kula
taliyeen in ay iska illowdo wixii
dhacay, nolol cusubna billowdo.
Nasiibdarro, wax guul ah kama aysan
gaarin. Idman weli sideedii bay u tahay
maqane-jooge, weli sideedii bay iskula
hadleysaa, weli sideedii bay hurdada uga
caagan tahay, weli sideedii bay cuntadu
ugu dhadhami la’dahay, weli sideedii bay
hadalka uga maagan tahay, weli sideedii
bay sariirta ugu urursan tahay.
Idman cudurka hayey ma ahayn mid muuqda,
wuxuuse ahaa mid ka xanuun badan
cudurrada muuqda. Waxay ka jirranayd
niyadda. Muraayaddii qalbiga ayaa
jabtay, firirkeedii ayaa ku faafayey
xubnaha jirkeeda iyagoo sii dhex marayey
halbowleyaasha iyo xididdada yar yar ee
dhiigga qaada. Nabar aan dawoobeyn ayaa
wadnaha kaga yiil. Dhaawac aan la dhayi
karin ayaa gaarey. Waxaa dhumay hankii
iyo qabkeedii qofnimo. Waxay aamintay in
daaqadihii mustaqbalkeedu ay soo
xirmeen. Waxay rumaysatay in ay
nasiibdaran tahay. Waxay iska
dhaadhicisay in aysan weligeed heli
doonin qof Shirwac oo kale ah, ama qof
Shirwac booskiisii u buuxin kara. Waxay
isku qancisay in fursad kale aysan u
harin. Waxay is-moodsiisey in aysan mar
kale wax jeclaan karin.
Hooyadeed iyo saaxiibteed Hodon, markey
talo iyo waano kala quusteen Idman,
waxay is-tuseen bal in ay dhinaca diinta
markan xal ka raadiyaan. Waxay u tageen
mid ka mid ah culimada ugu caansan
Gaalkacyo, waxayna si faahfaahsan ugaga
warrameen saldhigga cudurka Idman
asiibay iyo xaaladda dhabta ah ee ay ku
sugan tahay. Dabadeed, wuxuu wadaadkii u
sheegay inuu Qur’aan ku aqrin doono
islamarkaana uu u jeedin doono waanooyin
kala duwan isagoo isticmaalaya
Qur’aanka.
Muddo laba toddobaad ah ayaa Idman
Qur’aan lagu aqrinayey. Waxaa intaas u
dheeraa, waanooyin diini ah oo Qur’aanka
barbar socdey, kuwaasoo mararka qaarkood
Idman kaga ilmaysiinayey. Ugu dambeyn,
Idman waxaa ku beermay baqdin iyo cabsi
Eebbe, waxayna go’aansatay intey samir
Eebbe kaashato in ay is illowsiiso
dhibkii ku dhacay.
Muddo gaaban kaddib, Idman waxay
billowday nolosheedii caadiga ahayd.
Inkastoo xusuusteeda aysan marna ka
saari karin Shirwac, misana mar kastoo
ay soo xusuusataba waxay hoosta ka
aqrisan jirtey aayado qur’aan ah oo uu
wadaadkii xafidsiiyey. Muuqaalkeedu si
tartiib tartiib ah buu usoo laabanayey.
Farxaddeedii dhuntay bay baadigoob u
gashay. Waxay billowday in ay magaalada
u baxdo oo ay asaxaabteedii soo booqato.
Si kastabase arrintu ha ahaatee, Idman
waxaa gaarey jug weyn. Waxaa ku dhacay
dhaawac aan bogsooneyn. Waxaa wadnaha
kaga yiil nabar aan marna dawoobeyn.
Dhammaad
Cabdulqaadir Maxamed Wacays: Waa
qoraa/suxufi madax bannaan. Wuxuu horay
u qoray buugaag sheekooyin ah, iyo
maqaallo kala duwan. Wuxuu xubin ka
yahay naadiga SOMALI PEN ee hal-abuurka
iyo qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla ee
naadi-weynaha PEN INTERNATIONAL.
Xusuus1: Xuquuqda daabacaadda waxay u
dhawrsan tahay qoraha sheekadan, waxaana
wakiil uga ah bogga Mudugonline. Waxaa
reebban in sheekadan dib loo daabacdo
ama laga baahiyo idaacad iyadoo aan
ogolaansho qoraal ah laga helin qoraha.
Xusuus2: Sheekadan waxaan xusuus uga
dhigayaa sheeko-qorayaashii aan
asaxaabta ahayn, kuwaasoo tiro badnaa,
balse ay ka mid yihiin; Maxamed Cabdi
Gurxan, Xuseen Sh. Biixi Aadan,
Cabdishakuur Mire Aadan, Cabdullaahi
Cabdi Xuseen ‘Heneri’, Aweys Xuseen
‘Shiino’, Maxamed Faarax Duurgal,
Maxamed Cabdiwaaxid, Cabdullaahi Busuri,
Cali Abshir ‘Cali Ganeey’, Axmed
Cabdullaahi ‘Al-Axmed’.
WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Email:
cmwacays@yahoo.com
xigasho mudugonline.com