RAAS
W.Q.Wiilwaal
Waxaa i soo booqday eedaday Birmad curadkeedii. Ima
soo booqane waxaa ii soo baahday ninkii Raas ahaa.
Anigoo gurigayga markaa ka soo baxay, gacan bac ku
sita, gacanta kalena sawir gacmeed aan u siday kuwa
gallery lahaa, ayuu Raas iga hor yimid.
"Qarni haye" buu yiri isagoo is atooraynaya.
"Haye" baan iri.
"Maxaad haysaa?"
"Maxaan hayn lahaa?"
Meel baan ka daahsanahay mana doonayn ninkan hadalka
badan inaan u furo. Wuu arkayaa inay taydu ahayn
maalin fudud oo wakaa fiicnidiisa inta alaabadaan
siday ila qaaday, talaabada ila qabsanaya. Baabuur
ma lihi oo baskaan rabaa inaan alaabtayda la raaco.
Raas baase diidan. Waxaan qaadanay baabuurkiisii
quruxda badnaa ee sida lagu sheekaysto uu ku
dhaartay hadduu arko qof soomaali ah oo mid u dhigma
ama ka qaalisan kaxaynaya in uu kiisa qashinka ku
dari doono: "isaga macal furahiisa." Baabuur bas ma
aha ee Rays baa sidiisaba wuxuu sameeyaba soomaalida
ku xumeeya. Nolashiisoo idil nacab buu ka wadaa.
Hadduu kabbaa ugu yare gadanayo waa inay ahaadaan
kuwa ayna soomaalidu gashan, goyna karin. Sigaarka
oo kale kan Kuubaanka ee kuuskuusan buu cabaa.
Qaadka ma cuno. Waxaase qaanadda ugu rastaysan
qamriga sooyaalka qaaliga ah. Waa ninkii ciyaaraha
barafka u bartay soomaalida waa laga badiyaa. Iska
daa wax kalee wuxuu dalxiis u aaday dalal aynaan
maqal iyo magaalooyin aan maabkaba ku ool.
Nasiibdarro kuwo dacaayadaynaya waxay lahaayeen mar
uu Kosta Rika tagay kuwa ilma'adeeradiisuu ku soo
arkay. Waxaan hubaa, lama helayee, haddii la oran
lahaa soomaalidoo idil waa la janaynayaa in Raas uu
jahanama rabbigii weydiisan lahaa.
Markaan dantaan maalintaa lahaa soo dhamaystay,
dhowr meelood oo aan u baahdayna aan isku marnay,
wuxuu noo hor kacay meel aan wax ka cunno.
Magaaladii buu naga saaray, mar aan isleeyahay muxuu
soo wadaana wuxuu na geeyay Giriig resturanti. Hadda
ko hor inaan imid meelmeeshaanoo kale ah iyo in kale
ayuu i waydiiyay. Waxaan u sheegay inaan imid. Muuna
jeclaysan jawaabtayda.
"Kuuriyaanka kibistooda macuntay?" buu i su'aalay
markaan tagnay miiskii naloo tilmaamay.
"Ma cunin" baan iri ilaah baa ilehe.
"Isku day baan ku oran lahaa, hadana waxaan
xasuustay inaad arday ahayd.
Bariiska shiinaha ku ekow. Isagaad awoodaan. Mar
baanse rabbaa inaan kuu kaxeeyo maqaayad ay
leedadahay naag Fiidnaamaysa oo waa dhexdaasa wax
naga dhexeeyeen. Waxaad ka helaysaa hilib fardood oo
si fiican loo soo kariyay. Farahaagaad goosanaysaa
haddaad i raacdo. Farduhu waa dynamic."
Ina adeerkay eraygaa aad buu u adeegsadaa. Wuxuuna
ugu jiraa halka kalmada hawraarsan soomaalidii hore
ugu jirtay. Wax walba wuxuu dhahaa waa dynamic.
Gabar Giriig ah baa aniga iyo Raas waxaan rabno na
weydiisay. Doofaar buu dalbaday.
"Adeer ka waran?" buu yiri markuu dhowr fargeeto
goostay.
Adeerkay Afdiir isbitaal buu ku jiraa. Ayaan
dhexdaas ah baa la dhigay. Raas markuu iga
waraysanayo wuxuu rabaa inaan Suubban soo haddal
qaadno.
"Adeer ka waran?" buu ku celiyay.
"Meeshiisii"
"Suubban Afdiirna?"
"Sideedii"
"Ma gudnaan maqlee?"
Waan ka aamusay. Wuu dareemay inaan doonayn inaan ka
hadlo. Dabadeed wuxuu guda galay dantuu iga lahaa.
Xafiiskii uu furtay (Somali Community and People) ee
uu ku faani jiray ayuu ka cabsi qabaa in laga
qaado---naag laga cabsado oo Raas iyo ragga kalee
xafiisyada furtay ay ku xantaan waa Carraweelo ayaa
kormeere ku soo maqan. Waxaa la rabaa in la ogaado
wuxuu hayo iyo dadkuu u hayo; in la arko islaamuhuu
afka baray, caruurtuu ciyaarsiiyay, dagaalkuu la
galay gudniinka, dadkuu dajiyay, waraaqahuu
turjumay, dharkii barafka ee u bixiyay,
dhalinyaraduu shaqaalaysiiyay; in la hubsado
lacagtay galiyeen meeshuu geeyay. Waa go'aan dowlad
gobaleed.
"Qarniyoow inaad laga roone tahay, xafiiskayga ma
timaadid, waxaan lagu oran adeerkay baa ku dhalay.
Hadana cuqdad kuuma qaadi karo oo adigiyo Ina
Kariyaba waxbaad barataan. Midse ii sameeya. Beri
waxaa nala balansan naag dhib badan. Waxay baaraysa
waxaan bulshado u qabano. Waa naag xun, niman
soomaalidaas kale ah baana igu soo diray. Waxaan
adiga iyo Kariye, iyo Suubbanba idinka rabaa inaad
meesha ii soo camirtaan. Gaar ahaan adiga waxaan
rabaa inaan kugu daro dadka aanu sheegayno inaan
shaqaalaysiinay."
"Sug saaxiib"ayaan la soo badaaday markay ii
muuqatay meeshuu wax ku wado. "Waxba ha'iga
qorin. Way igu adagtahay inaan waxaad gaar ahaan
iga rabto sameeyo."
"Ma saas baa?"
"Haa" baan iri"dadweynaha imaanayase inaan noqdo
waxba kama qabo."
"Shirkeennu bulshadoo idil buu u banaan yahay.
Taayadu ma aha xero qabiil. Imow beri todabadiyo
barka. Ha soo daahin sida soomaalida."
Markuu intaa yiri wuxuu ku celiyay inayan tiisu
ahayn "xero qabiil", wuxuuna xusay hebel iyo hebel
Soomaali Maxamed ahi inay xafiiskiisa ka xamaashaan,
meesha niman ilma'adeeradiis ahi ay intaa arji u soo
qoranayaan. Raas beentiisii buu u riyaaqay. Anse
kama akhrisan.
II
Shirku wuxuu ka dhacayay dhulka hoostiisa. Waana loo
dhammaa. Ardaaga kore waxaa tubnaa anna i soo
tilmaamay gabdho dharkii "hidiyo dhaqanka" wata,
calamada labada wadanna warfinaya. Qolkii weynaa ee
dadka badan qaaday ayaan soo galay anoo kaligay
socda, dadka qaarkii muuna iman qaarna wuu imaanayaa
anoo arkaya. Meeshu waa meel hanaansan dad hormar
doonayana ay soo habeeyeen. Olale weyn baa ii
muuqda. Gidaarada waxaa laga simay sawiro soomaalida
Kanada ku saabsan oo laga qaaday dadka xafiiskani uu
wax u qabto. Waxaa kaloo darbiyada ku daadsanaa
halhaysyo aan wado hayno, sidaa `aqoon la aani waa
iftiin la aan` ama `aan is weheshano walaalayaal`
iyo ugu danbayntii `dugsi ma leh qabyaaladi`. Meesha
mudanayaasha la maaganaa inay fariistaan waxaa
barbarkeeda babanayay labadii calan oo cirka lala
simay.
Anoon wali qolkii qof ahaan ka bogan ayaa waxaa soo
saftay guddigii dowladda gobalku soo dirsatay. Waxay
ka kooban yihiin haweeneey ookiyaal xiran iyo laba
nin oo xanaaqsan. Waxaa la socdo nin soomaali ah oo
turjubaan iyo la taliyeba u ah. Dhanka Raas iyo
raggiisa way dhan yihiin. Waxaan arkay hebel iyo
hebelkii uu ku faanayay. Waxaan kaloo arkay hebel
iyo hebel uu ka kala tagay. Saf waxaa ku jiray dhowr
islaamood oo isugu jiray eedooyinkiis iyo
habaryarihiis oo buuggaag cusub babinaya, qalimo
markaa loo qaybiyayna si qalad ah u haya. Laba nin
oo si si ila ahna inta dhar nadiif ah loo xiray ayaa
golaha dhexdiisa la fariisiyay. Mid baan gartay;
wuxuu qabaa Raas walaashiis Sanyar. Hooyo
soomaaliyeed iyo caruurteediina waa diyaar.Waxaa
kaloo goobta joogay arday soomaaliyeed oo sidii
ubaxii kacaanka dhar isku eg lagu dhex riday, si
qaabdaranna u qaadayay heesta calanka Kanadiyaanka.
Raas isaga rabsho kama muuqato. Wuxuu qabaa dhar
qaali ah iyo jaakad sidaan jeclahay talyaaniga lagu
soo tolay. Qoorta waxaa u suran qool uu ka sii
laalaado qalin qurux badan. Ilama aha inuu i arko.
Dadkuu kala duwayaa, marna kala hagayaa, haddana
kala habaynayaa.. Qof walbana wuxuu rabo Raas buu
waydiinayaa. Mar wuxuu u tagayaa odayaasha tolka,
marna islaamo eedooyinkiisa ah. Qofkii soo galaba
wuu salaamayaa gacalnimuuna intaa gudbinayaa.
"Dynamic" taasuu hayaa.
Waxaa shirka furay, faataxadana noo akhriay wiil
reeraha ah. Markuu dhameeyay Raas ayaa u mahadnaqay
Mursal, intaana ku daray in diinta iyo dhaqanka ay
yihiin laf dhabarka dadkeena. Isagoon hadalkii ku
sii dheeraan wuxuu soo dhaweeyay guddigii dowladdu
soo dirsatay.
Waxba mayna didine waxay islaantii ookiyaalaha
wadatay dooddii ku soo ooday in ayada uu tuhun ka
galay xafiiskan, ayna rabto inay ogaato sababtuu u
furan yahay iyo wuxuu soomaalida u qabtay. Waa la
yaabay. Qofna muuna filayn inay si toos ah oo
qayaxan weerar u soo qaadi doonto. Ninkii soomaaliga
ahaa baa la wada eegay sidii uu isagu soo diray.
Raas ma ahayn nin la handadi karo. Intuu soo qabtay
buu tiriyay:"durmarkan idin hor fadhiya" buu yiri
intuu eedooyinkiis oo wali buugtii babinaya farta ku
fiiqay "xafiiskan ka hor eray ingiriis ah mayna
aqoon maantana way ku murmaan." Wuxuu markuu intaa
yiri u tagay labadii nin ee golaha dhex fadhiyay."
Labadan aad arkaysaan" buu yiri isagoo isku kalsoon
"wax waalan bay ahaayeen ilaa aan wax u qabanay."
Markuu dhowr tusaale oo meesha taagnaa soo qaatay
wuxuu eedeeyay gudigii gaalada ahaa, wuxuuna
codsaday in caawimaadda loo soo kordhiyo. Waxaad
wadaan buu yiri waa hoo oo ku dhimo. Waxuuna madax
adaygiisa u turjumay maahmaahdii gabadhu tiri mana
wasni warna i raac. Mudday qaadatay in loo micneeyo
murtida ka danbaysa oraahdaa iyada ah. Markiise lagu
guulaystay, gaaladii, waliba haweenaydii ookiyaalaha
wadatay, way ka heshay, waxayna soo qaadatay qoraa
Kanadiyaan ah oo soomaalida suugaanteeda amaantay.
Raas wajigiisa farxad baa soo fuushay, wuuna
furfurmay. Wuxuu iska dhigay nin maskiin ah oo loo
tashtay, isagoo naftiisa difaacayana wuxuu doodiisii
ku yiri:
"Soomaali haddaan nahay been waan sheegnaa beense
kuma maahmaahno."
Maadaama u si fiican u turjumay tanna gaaladu way la
garatay. Meeshaasay ahayd inuu maahmaahyaha uga
haro. Muuna yeeline mid dabin ah buu dalaq yiri:
"Maahmaah kalaa jirta ee marka hore aan
afsoomaali ku sheego. Soomaalidu waxay kaloo
tiraahdaa gaal dil gartiisana sii."
Wuu galay. Ninkii soomaaliga ahaa ee dowladda la
talinayayna waa diyaar. Raas waxaa laga rabaa inuu
maahmaahdaas turjumo. Asba wuu gartay markay afkiisa
ka soo baxday inuu dabin galay. Wuxuu bilaabay inuu
balaayaduu keenay bixiyo. "Gaal" wuxuu ku fasiray
qof aan Ilaaheenna aqoon, wuxuuna yiri waa la dilaa,
dabadeedna waxaa loo sheegaa buu yiri sababtaad u
dishay. Ajnabigii baa argagaxay. Way garan waayeen
siduu wax u wado. Dilkana maxaa keenay bay is
yiraahdeen. Ku noqaa la yiri. Raas baa ku noqday.
Markan ma`aqaan meeshuu ka keenaye "gaal" wuxuu ku
macneeyay qofkaan soomaali ahayn ee dagaal lagu
qabto. Way u socon waysay. Ninkii soomaaliga ahaa
baa isku dayay. Wuxuu yiri, isagoo dadaalaya, "dil
qofkii aan muslin ahayn wuxuu doonayana sii."
Gaalkii garabka ka fadhiyay ayaa si xun geeska uga
eegay. Gaaladii way soo taagan yihiin waxayna kaga
dhagtay maahmaadaas dhacday. Mid baa ani i waydiiyay
waxa la isku dilayo, qof dhintayse sidee buu gar u
qaadan karaa. Waa yaabe waxay is yiraahdeen sir baa
fakatay, oraahdaas aragtida ka danbaysa hadaad
ogaataan soomaali waad ka sal
gaaraysaan.
Raas iyo raggiisii dib bay isugu noqdeen. Dhowr
islaamood oo eedooyin ugu aadanaa way ku ag
wareegayaan. Raas wuu qalqalayaa wuuna og yahay
hadduu sadexdaa qof qancin waayo in xafiiskiisa la
xirayo. Anigu waxaan ka mid ahaa kuwii uu goonida
ula baxay si ay xujadaa iyada ah xal ugu helaan.
Maadaama aan jaamacad jiray waxay iga filayaan inaan
ina'adeerkay fakiyo. Nasiibdarro, luqadaha ma baran,
Maxamed Kariyena ma'ahi. Ayadoo madaxa aan iskula
jirno ayaa Raas oo aan is ogayn maahmaah kale
adeegsaday. Wuxuu nagu yiri "hadal nin si u yiri;
ninna si u qaaday." Habaryartiis Culus baa afka
qabatay:
"War meel joog" bay tiri "maahmaahdanbana yaan
lagaa maqal, middii horaa kugu maqane."
Eedadiis rumaa ku raacday "Balaayaduu keenaan
bixin la' nahay markaasuu buur kale koraayaa."
Waa lagu wada kacay
"Meesha ma waxaad mooday googaalaysi iyo in
gabayo la isku tirinayo. Gaalaa ku sugaysa."
"Ka qaadqaad adaa qaladka keenaye."
"Dabakanaax, ma barwaaqadii buu eeday?"
Raas wuu waalan rabaa. Mar wuxuu eegaa islaamihii
haaraamayay marna ajnabigii sugayay. Wakhtigu wuu ku
socdaa dadkuna way wareeriyeen. Talaa ku cad,
tusaalaana laga raacay. Goor danbe oo nala daahsaday
ayaa gaaladii loo noqday. Labo sidoodii bay u
fadhidaa midkoodna intuu sigaar soo dhamaystay buu
la saftay. Dowladdu waa diyaar. Markay dhowr qof oo
aan ka mid ahay hadalkii qaateen maahmaahdii way sii
qaabdaraatay."War dynamic ku day" qof gadaal ka
yimid baa soo qayliyay. Balaayaa na haysata. Naftii
baa naqabatay. Cid maahmaahdii micnaysa ceebeey
nalaka waa. Maalingaal bay tani ahayd."Balooyo kuu
maahmaahatay" eedadiis oo leh baan maqlayay anoo sii
baxaya "bal maxaa ku watay."