-
Gabaygan waxa curiyey Awrka cirka waxana ka soo guuriyey Max'uud Muuse Cali.
-
Wuxuuna ku saabsan yah-ay Hilaado Qarniga soo socda.
-
Quwad iyo qaraar iyo sarrayn qaadir bayska leh.
-
Qarsoonaha jinkiyo Aadmiga Qaaradaha buu-xshey.
-
Waxaan Caabudaad qudha ahayn looma qala-bayne.
-
Qabka uun tahay waa u halis qabaasho xoog weyne.
-
Waa wixii dhammaan loo qarraqay qaar horoo badane.
-
Quruun iyo shakhsiba kibirku waw qoomamiyo hooge.
-
Haddaaney qushayn oo ibliis Qaalib ka ahaanin.
-
Kama Qubo ilaahay nimcada Qoom u daaca-dahe.
-
Soomaali qaxarkii ku dhacay waw qalmahayeene.
-
Iyagaa qummaati u kasbaday Qaran jabkoo-diiye.
-
Quraankiyo Xadiiskiyo sharciga iyo Qawaaniinta.
-
Afka qudha hiddaha qaaliga ah qoodhidiyo Diirka .
-
Iyo waxa Qaniimo iyo Dheef quluca loo siiyey.
-
Qushuuc iyo markii mahadnaq iyo qaanac laga waayey
-
Oo weliba qoortaag galaa qiiq ka oogsadeye.
-
Qorsho xumo u kala qaarankiyo qaybahay noq-otay.
-
Qudhgooyada ma gaydoo-yinkiyo sabi aan qaangaarin
-
Qaxa iyo waliilkay da-rxumo ugu qasaarowdey.
-
Qalle laga jariyo waxay ahayd Edeb ha qaateene.
-
Rabbi Qaamihii kama jisayn ugu qaraaraaye
-
Qalloocyaaba lagu saamo-xoo loo qurfaan deyeye
-
Qacda kale hilaad lama qarshiyo qaalmo rogadkeede.
-
Qadhahdhayti xeel dheer markaan qoray awaashood.
-
Amaan felegga qool-aaliyo Dirirka qiimeeyey.
-
Qarnigaani Soomaaliduu qoys la leeyahaye.
-
Cirsan yeedhka qayli-nahayiyo qooley samo sheegye
-
Bishaaruu la qooljee-xayaa Diigga Quuqlihiye..
-
Ku qubaysey dhebi Baarqabkii qaraxa jiilaale.
-
Qalaadyo Orgigu Banadhurwaa Qadhab kala laaye.
-
Qarkuu aqal u gurayaa aboor daad ka qaxayaaye
-
Qorshe kala wareeg baa socdiyo qayb rabbaa-niyahe
-
Laga qabay Nuxuustii Dalkiyo Qabarki Saarnaaye
-
Ciriirkii Qalwaa lagu afxidhay inagu qooqnaaye.
-
Burburkaan Raggii Qawlka Cunay waa qiqleeya-haye
-
Qabir bay sugaayaan Dhuljiif qori-xun haystaaye.
-
Qalyanka iyo Mooryaanta iyo jeensey Qirinqiire.
-
Qabiilka iyo waa suu-rayaan quud-u-taabaacu e
-
Qisaas baaba lala doonayaa qayl daloonbiya-ye.
-
Qalowdii baxdaba waxa ku lumi qaar istaahila e.
-
Qaaruun sidiisii rag baa loo qarraqayaaye.
-
Anigaa Qiyaastiyo aqaan qiilka mooradaye.
-
Qarqarsigii ka soo furey nabsigii qooffalaan jireye.
-
Qosolkiyo Nimcada soo wajahan qaawi Sagalkiiye.
-
Qorraxdaas ka muuq dheer cisiga qoorta soo lulaye
-
Ha qawadin hillaacii waakaa qaw ka dhool bidhaye.
-
Qamandhacadii daysoo shacbigii qiiro la abaarye
-
Qadhqadhyadii ilaahay ka qaad iyo qamiirkiiye. Hayeeshee quluul Dar u wadoo qoomalaa jira e.
-
Weli waxaa la quujaynayaa qaydhinkii hore e.
-
Qawdhiidho Reer kama hadhiyo Qabaxle waayeele.
-
Qawsaarku Geel kuma dugsado Qodax ragaadkeede.
-
Qaboojaha juqee Maalin dhaw Roobku waw qubane.
-
Qasitgana ka yool gaadh sugaal qiimo kuuma lehe