Qisadii Xassan Dhuux iyo Xaajiyadii AYL 1897
Q1aad: Waxa ay aheyd gabal dhac qoraxdu godka cirifka galisay kuna gadaantay cirka falaaro gaduud dahabi ka birqahayaan iyada oo ay ka sokeyan daruuro si teelteel ah ula siman falaaraha shimbiro hoyaad ahina hadba dhinac u dawaafayaan iyada oo dhulkuna u muuqanahayay guri faynuusi kasii baqtiyayso oo marba marka ka danbeeysa kii gudcur ahaana gaafaha u soo roganahayay si habsami leh, sawaxanka kaliya ee baxayay ayaa waxa ay aheyd jaanta rag deegaan wadaag ah oo ku so ururahayay guri qoys ka mid ah deegaanka, kaas oo ahaa raaska Xalane ka soo jeeday.
Xallane waxa uu ka soo jeeday qoys xoolo dhaqato ah kuna noolaa hawdka ka koreeya degmada Eyl halkaas oo ay la yaaleen beelo badan oo ka soo doogsanahayay diraac daba dheerayd oo la hartay dad iyo duunyo badan. Xalane waxaa uu la ildarnaa daqaro ka soo gaarey diraacdaas oo qoys ahaan kala dhantaashay nolashii barisamaad ay ku noolaan jireen. Nabarada uu la taahayey xalane marka laga soo tago duunyadoodii ay salfatay diraacdaas ayaa waxa ugu weynaa geeridii aabihii DUQ-Odawaa oo qoys ahaan u ahaa udubka ay ku dhisnaayeen marka ay noqoto hogaan ay ku higtaan, hormoodna u ahaa nolashii mugdiga badneyd ee aysan kuu bidhaameyn rajo aad maalin uun nafta u sheegtid in aad higsan doontid. Xalane waxa u horseedayay in uu fakir iyo culays saaro naftiisa waxa ay aheyd isaga oo ahaa curadkii aabihii diraacdu la hartay, taas oo ku soo furtay mowjado culays ka tan badan awooda xalane xanbaarsanaa.
17jirka Xalane ah tiiraanyada haysatay ee huqda iyo hinifka hoose ku beeraysay marka uu dhexmarayo dadkii ay oodwadaagta ahaayeen waxa ay aheyd dhaqan foolxun oo ilaa iyo maantadan oo la joogo 2006 ka fuqi la qalbiga daciifka ah ee aragtida guracani hagayso taas oo aheyd in uu ahaa waxa Soomaalidu ugu yeerto Madiga isaga oo ay la dhasheen labo gabdhood kuna kala magacownaa Xaali oo 16jir aheyd iyo Xirsiyo oo gu’gani 15kii sanno maalin u dheertahay.
Aafada diraacdaasi u geysatay qooskii xalane ayaa waxa uga darnaa jixinjix la’aanta dadkii deeganwadaagta ay ahaayeen oo deymoonahayay gabalka u dumay qoys ka mid ah dadkii loogu jeclaa deegankan abaartan ka hor, waabase sida ay tahaye “ Jabka qollo waxa uu faa’iido u yahay qollo kale” dhibaatadii qoyska xalane dhidibada u siibaysay waxa ay dhinaca kale fursad dahabi ah u ahayd in badan oo ka tirsanaa beelihii ka agdhawaa wax badanna ku taamahayay sidii Duq Odawaa ay oodwadaag soke ula noqon lahaayeen iyaga oo mar walba ogsoonaa in ka agdhawaanshaha Duq Odawaa ay ku qasbayso in ay dhaafsadaan wax ay ka jecelayeen naftooda oo ahaa Qaalmihii Geela ee Dheemanka ahaa waqtigaas
Hadaba xilli Qoyskii uu ka tagay Duq Odawaa ay hareysay Daruur xanbaarsan murugo iyo walwalbadan kuna saleysneyd sida ay u saldhigan lahaayeen nolol cusub ayaa guuxa ka soo yeerahaya inbadan degaanadii ka agdhawaa reer Odawaa waxa uu ahaa kaaf iyo kala dheeri, durbana waxa bilaabantay sidii lagu baabi’in lahaa Aqalkii ku abtirsanahayey Aabihii abaartu la hartay, markan majirto Duunyo laga dhaco reer Odawaa oo Diraacdii ayaaba salfatay balse waxa ay mindidu fuushantahay dadkii uu ka tagey ee dayaca iyo darxumada la tabaaleysnaa, waxa loo soo tafaxeytay markana waa labadii Muraayadood ee roob la dhaca u ekaa kuna abtirsanahayay Duq-Odawaa iyada oo ehelnimaduna ay aheyd Dariiqii lagu aasayey Magacii ODAWAA.
Odafadii Reer Odawaa ayaa waxa ku batay cagta in badan oo ka durdurso islaheyd daleelsha banaan ee ay ugu soo dhaceen Xalane iyo geenyooyinkii la dhashay, waxa soo buuxshay duleedka Qoyskii Odawaa Ehelo, Qaraabo iyo Saaxiibo aan hore loo aqoon iyagoo wada sheeganahaya in xigto soke ahaayeen Duq-Odawaa, maxuma imaanshaha iyo sheegashada qaraabonimada ay xiligan wada abuuranahayaan, balse waxa aad moodaa in Caqliga ay kuwada socdaan uu ka soo duxayo hal maskax oo oraneysay Bilcaantiinan kala ah Xaali iyo Xirsiyo Waxa ay xulan yihiin hebel iyo hebel oo kala ah labo Kuray oo doobnimo ku gaamuray lagalana bakheylay in qaalmo laga baxiyo Guurkooda, Maantana dhimashadii Aabihii Gabdhahan iyo Xeradooda oo maran ayaa ka dhigtay Xirsiyo, Xaali iyo Walaalkooda Xalane ah Hilib Ceeriin oo Hororo Ibni’aadam ahi ku soo haliilayaan Marka laga tago arrinta Gabdhaha ayaa Deeqda ay u wada fidinahayeen Xalane laftigeedu waxa ay aheyd mid arxan iyo beernugayli ka fog yahay, nin walibana waxa uu aaminsanaa in Qalanjooyinka oo ay kaxeystaan iyo Xalane oo qowsaar u noqda ay tahay waxaagii oo Alle wax kuugu darey .
|