Q2aad: Ardaagii reer odawaa ayaa waxa ka baxaya sawaxan rag “yaa lagaa badin iyo barbarkay ka baxdaa waa bakeylo qaleen” u soo tagey iyadoo qaylo hadal togaaleysi ahina ku dhex marayo rag aan waayahan is arag oo awrtoodii kala fogaatay, ayaa waxa dhinaca qorax u dhaca ka muuqday gacan haatis fog waxana loo soo jeediyay xalene haduu u dhaqaaaqayna waaba duq xadiyo oo hooyadiis ah, ahna afada odawaa ka geeriyooday ee “asaydu “ ay u saarantahay waxa ayna cod naxariisu ku jirto ku tiri raga geedkii aabahaa fadhiga u ahaa gee labo ariga ahna mindida ha la saaro, balse way u cuntami weyday 2 ka mid ah 5 neef ee caawa xeradooda ku jirta in asxaab xiniyo taabad uu ka dhexeeyay in lafaheeda ay fiiqdan iyada oo dhinaca kalena uusan awood u laheyn in uu hadal ku celiyo hooyadii xadiyo ayuu aqbal ugu jiiday, “ waase Somali iyo dhaqankeed in reer aan cawa aduun wax ay isku furtaan ayan jirin oo hadana geeri gashey in ay u soo wada fariistaan iyagoo dhibaato hor leh u soo jiidahaya, ragii ayaa wax hormood u noqday xalane waxana uuna hoos geeyey geed raga in ka mid ahi Duq odawaa kula shaawiri jireen, ragina manta ayba u kow tahay iyadoo daqiiqado ka dibna fujaano shah ahi ku soo qulqulahayeen.
Raga goobta ku sugan ayaa waxa ku jira Cali kowtan oo ah duqa ugu xoolo badan dudayda meesha wada fadhida geesihiina ay ka muuqdaan labo qawsaar oo uu dhalay kii guur ahaana gablan uga sugan, iyada oo lagu xanto bakheylnimo ay garaadxumo wehelisso ayaa waxa u sii dheer in uu ahaa raga duq-odawaa ka ganafeeyey madalaha waxgaradka in uu salka dhigo kadib ashtakooyin beelaha oodwadaagta ah ay ka soo gudbiyeen, balse caawa waa shidan yahay ninkii odeyga ahaana uma muuqdo oo god buu galey, gurigiisiina damacbaaba ka soo galay oo waakan hareerihiisu ay ka muuqdaan rag gaawo xoor ahi oo uu ugu sheekeeyey in gu’gani yahay kii reer kowtan kor iyohoosna gacantoodu gaarto, raga ayaa badankood kala siman aragtida kowtan oo nin ayan ku lamaneysnayn kurey guurdoon ahi majirto, balse waxa si gooni ah u eeganahaya kowtan nin xaragjiidi ka dhaxeeyo lana yiraahdo kaarshe habeena uga sokeeya duq-odawaa, barbarkiisana barbaar dhoor lihi sidoo kale ka muuqdo oo ah tan ay caawa fooda isku darahayaan kowtan iyada oo nin walba rabo in uu la huleelo guul uu ku galbisanahayo geenyooyinkii DUQ-ODAWAA “ RAQBA WAA KU RAGEED” ma wax la filayaybaa in geedkii odawaa ku haasaweyn jiray ay caawa noqoto galgalin kowtan iyo kaarshe gorada ay isku gashaan.
Kowtan maba sugina amaan ayuu aw-muuse u jeediyay isaga oo diidahaya in uu la jariibtamo kaarshe maadaama caawa ay la tahay in ninkii xoolo lehi hadli karo ayaa kowtan hadalkii u dhigay sedan:
aniga oo anan kuhaaneyn
kadinkan aynu joogno
kufyay oo kicimaayo
oo biixi baa kalabooday
ee kuraygiyo hablaha kadedsan
hadan geelayga kooraha wayn
iyo kaaha soo shuba I raahdo
mayaanan kaalmo u geysan
karaamaduna aheyn xageyga
iyo kali waxan u muteystay
Kaarshena uma labalabeynayn jawaabta kowtan waxa uuna u siiyay sidan:
Afku kaa go' oo eedaan
anfariirna la iilo
anigoo odawaa
abtirsinyo hoosiyo
oday qudh’a nawada dhalay
adiguna ogsoontahay
sidee awlaad reer xoday ahi
awrtaada u aroorshan
sow aduun rogmaday maaha
iyo mid aad eed ku mutaysan
ee arimahan reer odawaa
oo aad afgambiga ku haysid
angaa ehelkeed ah
ilmahana anow u talin doona
Xallane oo dareensan in kowtan iyo kaarshe aysan ku ekayn raga ku gorgortamahaya noloshooda ayaa waxa uu diiday in doodu ay fido, waxa uuna isa soo taagey halkii dabka oogta ah ee wada ifinahayay akhyaarta uu ka shidnaa, si uu u tuso raga dareenkiisa, si degan ayuuna ereyadan ugu soo gudbiyay, iyadoo hal mar dhiniciisa loo soo wada janjeersadey
dudoyahay I dhageysta
Somali dhaqan iyo
dhalashaa ka dhaxeysa
duq dheelmaday waa hore
isagoo dhaliilsan
rag dheeha ka muuqda
halheyskuu dhigay eega
“nina dhalshaa
dhabanadiisu ilintu
uga soo dhaceysaa
nina dhuuni si uu helo
ilin aan dhab aheyn baa
dhibceedu ka muuqdaan”
ana dhaxalkaas waayeel
dhaayahygaan ku arkaa
dhacdadan reer odawaa
iyo dhibtayada hadan eego
rabaa ruuxna dheefsha
midna dhuuniga u diida,,,,,,,,
Waa wareey !!!!!!!!!! Hogayeey ba’ayeey !!!!!!!!!!!!!!!!!! Dhawaaqan ayaa ku soo dhacay raga dhagahoda
Iyadoo ereyadan murtida iyo aftahanimada ka muuqata uu Xalane dhexda uga jiro ragii akhyaarta ahaana ay afkala qaadka iyo ambariiiri ka soo hartey ayaa waxa dhawaaq dhiilo lahi ka soo yeeray docdii ardaaga reer odawaa halkaas oo ay ka shidnaayeen dhariyadii raxan Dumar ahi dhuuniga ugu karinahayeen akhyaarta dulhoganeysa reerka, iyadoo aan loo kala harin hadii lagu diday dharyihii dumarku shaqada ka wateen waaba Duq- Xadiyo oo dhulka taal madaxana sare u heyso mid ka mid ah gabdhaheedii kuna dul calaacaleyso “gablamayeey hooyooy,” xalane ayaa murqur ahi muudkiisii isbadaley iyadoo dareenka maskaxdiisu isla markiiba ku soo fureen milyan aragtiyood oo xanuun iyo uurku taalo xambaarsan, waxa uu la soo baxay bilaawihii ganaca ugu xirnaa isaga oo sariimo waaweyn ka jaray lugta bidix ee hooyadii halka ka sareysa anqowga ee kubka ah, waxaa ku yiil kobtaas dhibcihii iligayada Halaq good ah oo usoo raacay dumarka qoryihii xaabada ahaa ee galabta ay u soo gurteen dhariga, Markey caaweysin noqotayna u soo xaluushay duq-xadiyo ayada oo islaheyd dabka ku xooji qori dogob ah oo ku jirey Maskani, balse dhulkana lamaba ayan dhicin oo suntii ayaa hore ka saaqday, Xalanase waa uu la harjadayaa hooyadiis oo inta uu ka dhuuqo suntan iyo dhiiga wada socda ayuu hore u soo tufahayaa, mudo markii uu sidaas ku wadey ayaa waxa joojiyay qur’aan uu la dhinac fadhiyay AW-Muuse isagoo hubiyay Duq-xadiyo in ay naïf ku jirto iyo in kale markii ay u cadaateyna waxa uu gacmaha qabtey Xalane oo ismadaxmarsan una cadeeyey in alle u naxariisadu geeriyootay isagoo uga tacsiyeeyey dhamaan dadkii rag iyo dumar lahaa ee dulhagnaa, wuxuuna farey dumarkii in ay marxuumada u meyraan
|