Ilaahay
idin doori Ducana waa noqotaa. MAANSO
- Inaan maanso daleeyoo
Deeley aan tiriyo
- Ducaalow ma jeclaynoo
Mar horaan iska daayey
- Waxse keena
dareen Oo dibaaqayga xanuunja
- Oo i dan qaaba ma waayee
Ragii looga danbeeyee
- Lagu siiyey
digriiga Uu sidii waxyi diin ah
- Ugu soo
degayaan Daalibkooda ahaa
- Haday doodi
gabeenoo Dibnahoodi xidheen
- Dib inaan ugu
laabto Dirqi bay noqotee
-
- Dad ruuxaan wax
ogeyn Denbi looma xanbaarshee
- Damaashaadka dhacaayiyo
Calanka loo digriyaayee
- Loo dur baan
tumayaa Isagoon dad lahaynoo
- Daluun
dheer lagu tuuray Oo durufaan ku ogaaye
- Doodu wayga
su,aale Ma dib buu u dhashay
- Daabacii
badhtankiisa Iyo xidigtii dayaxaa iyo
- Daruuraa u
ekayd Duulkii ay metalaysay
- Dar maqnaa iska
daaye Labadii dusha saartee
- Duligii
isticmaarkiyo Daanyadii kaga
raystay
- Ma u dabaal
degayaanoo Difaac ma ugu jiraan
- Dedaalkii lagu
keeniyo Dagaalkii halgankii
- Daljirkii ku naf
waayiyo Wixii geesi nin door ah
- Ku casheeyey
dugaagu Da,yartii la gumaadey
- Hooyadii lagu
dooxay Hablihii dahabkooda
- Iyo duruucdooda
xaraashay Isku soo wada duuboo
- Wixii dhiig lagu
daadshey Ma dareensan yihiin
- Dafiraadi ma
fiicnee Hadii aan wax is doorinoo
- Daman aanan
ahayn Dadkeenii waxa hasytiyo
- Dalkeeniina
ogahay Dar allaa la hadlaaye
- Ducadaan
badino Iyo daayinkay baryid
mooyiye
- Farxad aan la
dekayno Iyo damaashaad ma ekayn
-
- Afartaa
da,da maanso Daruur hoortay gugii
- Iyo dooxadii
jarareed Sidoodii ma u deexday
- Deelkii aan ka
bilaabay Doc miyaan uga leexshey
- Ilaahay idin
doori Ducana waa noqotaaye
- Dacwad baan
furayaa Oo dawan baan ruxayaa
- Yaa daryaanka maqlaaya
Oo gabaygu uu damqayaa
-
- Dawladaan
hananiyo Dooroonow calankii
- Lixdankii degta
saaray Qarankii isku duubmay
- Mar horuu kala
daatoo Dunidoo dhan ka suuray
- Rabina nooma daraanoo
Cirka uu danab xoog leh
- Iyo kama keenin
dabaylo Digaxaadh mariyee
- Inagaa
duminoo Deken daakin u qaadnay
- Higaad deel iyo
daal Daalibkaan kala saarin
- Alifkii dalab
yeesho Al baqraa dabartoo
- Derbi aanu
marayn Iyo deri bay noqotaa
- Dacdarooyinka
maanta Iyo duligaa ina haysta
- Dulucdii
saldhigeeda Iyo halka ay ka dayaantay
- Waa qabiil baan
derejayn Dawlad waynu ahaan
- Laba weeye is
diidan Oo weligoodba dagaal
- Iyo doodi ay ka
dhaxaysay Oo inagaa isku doonay
- Dir dir baynu
bilawnoo Dariiqii ka habawnay
- Sun aan daawo
lahayn Baan shacbigii ku duray
-
- Digaale qayb lama
siin Reer duraan la ilaw
- Dugsiiyaa ku
shubtoo duulkaasaa wada qaatay
- Anagu diidney
wasiir Iyo labadaa dibitaati
- Dirir baan ka
xignaa Qabyaalad baynu dan moodney
- Garaadkeena
danbeeya Iyo jahli baa denbigaa lehe
- Dur dur aan ka
cabno Iyo dareer baan filanaynee
- Debaaq aad u
qadhaadh Iyo dacar baan kabanay
- Markaasaynu
deyowney Oo intaan diintii ka baydhnay
- Doxoraa
noqonay Damiirkii ka dhintay
- Daalin baan u
gargaarey Daciif baa laga hiishay
- Xaqii baa la
daboolay Oo duudsi baa la jidaystay
- Aano aano ku
doon Iyo ayaan duul kale ceeshin
- Iyo dhiig dad baa la
banaystay Duunyadii ummada
- Iyo wixii deyn lagu
keenay Ama deeq nala siiyey
- Baa afar tuug
daldasheen Dalacaad ku heleen
-
- Intaa aan dulmi
sheegay Iyo qaar kaloo ka daraa
- Oo dibnaha soo
marinayn Oo laga yeeshay dabeecad
- Iyo distoor aan ku
dhaqmayney Wax ka daaya yiraahda
- Ay dareenkiisa
dhibayso Iyo markay waydey daryeel
- Baan dul ahaan
cadawgeena Dabin aan u galay
- Markaasaay kala
duushay Oo midnimadii kala duushoo
- Daaha aan u
rogney Dib u soo celinteedana
- Dedaallkeed ma
hayno Duqay beeshu u aydo
- Daacadoo wax
hogaansha Danta guud ka shaqeeya
- Iyo caadil diin ku
dhaqmaaya Soomaalaay dunjigaagaba
- Daayinkay
kama beerinoo Weli daymo ma
saarin
-
- Afartaa da,da
maanso Daruur hoortay gugii
- Iyo dooxadii
jararee Sidoodii ma u deexday
- Deelkii aan ka
bilaabay Doc miyaan uga leexshey
- Ilaahaay idin
doori Ducana waa noqotaaye
- Dacwad baan
furayaa Oo dawan baan ruxayaaye
- Yaa daryaanka
maqlaaya Oo gabaygu uu damqayaa
-
- Halis ruux ka
digaaya Iyo abwaan waano ka diiday
- Wax aqoon kugu
daal Wacdi kaa degi waa
- Da,ina kuuma
dhinee Qalbigaa ku daboolan
- Oo damiir baanad
lahayn mindidaa la isku dilaayo
- Ninkaa daabka
hayee Marba ruux darayaa
- Dabcigaaga
yaqaana Ood weligaa daba joogtey
- Dawgii ay shalay
eeday Ee labada daarba ku seegtay
- Iyo qabiil dawlad ku gaadh
baa damaceed na hayaayoo
- Loo
danaaniyayaayoo Weli loo dudayaa.
- Hadii ay dux
macaan Iyo haybi daawo lahayd
- Inuun ruux
derejeeya Dan ku gaadhi lahaa
- Duligay na
baday Iyo dalkeenii did u
eega
-
- Dhulkii dooga
ahaa Dhirtii duuda ahayd
- Caradii
dihinayd Nin dalxiisi jeclaa
- daluumaa laga
jeexoo Saxaaruu ku danbeeyey
- Duurjoogtii ku
dhaqnaydna Dabataagi ma joogto
- Bad wixii dhex
dangiigay Dahab mood iyo nool
- Dawladaa ka
tanaaday Oo markab qaaday dixdii
- Iyo diyaaraad ku
rartay Waxay soo dejiyeen
- Oo ku duugeen salka
ciida Sun daqiiqad ku laysa
- Dulku neefle
dhamaan Duunyo waa la helaaye
- Dagaalkii
ahligii Intee baan dad ku
weyney
- Intee baa
dacdaraysanoo Agoon haysan daryeel
- Daacuunkii
cudurkii Iyo intee duumadu
xaaqday
- Intee gaajo
dilootey Intee daadku xanbaaray
- Intee doonyo ku
hoobtay Oo mawjaduu dejiyeen
-
- Dalandoolki
qaxooti Iyo dibedii lagu yaacay
- IYo degaan gaalo la
eedye Sidee baan u deyowney
- Maxaa diif nagu
taala Maxaa ceeb na dul saaran
- Halis aan dugsanayno
Duulka Eebe rogaayo
- Da,yartaa ka
xumaata Guryahaa kala daatoo
- Dulin uu ka
galaaye Intee baan ubad diin leh
- Ama hooyo
daboolan Oo xayadii ku dednayd
- Dhaqan
doorsamayoo Maanta daaduf ku nool
- Barbaartii
dugsigii Duruustay ka barteen
- Dureeyeen
maskaxdoodoo Gaaladii ku daydeen
- Hooyadiina
dibootoo Dirayskii muslimiinta
- Iyo hagoogtii dusha
xoortay Oo surwaal aad ugu diiq ah
- Iyo dabagaab xidhatay
Waxba aan u dedayn
- Itee baa dhalin door
ah Madaxdii dalka hooyo
- Beri daadihin
lahayd Duruufaa qurbe yaala
- Iyo dabayluu
hafiyeenoo ib u soo noqonayn
-
- Intee daaci nin shiikh
ah Haduu joogo dalkii
- La duraaman
lahaa Dersi ruux ka dhegeysta
- Dacwad daa
hadalkeede Dadab tii la gashay
- Iyo dahabadii maqli
waydoo Dabuub waano u sheeg iyo
- Markuu doodi
badshey Denbi loogu sameeyoo
- Dhashiisii laga
deyroo Daymihiisu arkayn
- Intee caaqil
da,weyn Dalkii haybad lahaa
- Bulshadu ay daba
joogtey Maalintay dihato
- Ama ay meel ka
dayaanto Ama ay dirgan waydo
- Dibnihiisa la dhawro
Ilmihii uu debed keenay
- Iyo duqdiisii ka
dhaqaaqdoo doc ay caawa jiraan
- Wax dareen ah u
hayn Daman oon is ogeyn
-
- Afartaa da,da
maanso Daruur hoortay gugii
- Iyo dooxadii
jarareed Sidoodii ma u deexday
- Deelkii aan ka
bilaabay Doc miyaan uga leexshey
- Ilaahay idin
doori Ducana waa noqotaaye
- Dacwad baan
furaayaa Dawan baan ruxayaa
- Yaa daryaanka
maqlaaya Oo gabaygu uu damqayaa
-
- Murti aad u da,
weyn Iyo hadaan doogta abaaro
- Abwaan baa ku
dardarmaay Qabiil waa dugsi laawe
- Nabar aan dawa
lahayn Milil hoos ka da,aaya
- Iyo cudur weeye dilaa
ah Ducfigaan kartidiisa
- Ku danaysan karayn
Daalin baa ku adeegta
- Boogta diirka ka
qaado Weligooba damqa
- Jahli baa u dugaal
ah Baahi baa deriskii ah
- Bulshaduu la
degaana Weligeed isku duubni
- Iyo dar caleen leh ma
gaadho Daluun bay ku dhacdaa
-
- Diinta oo laga
baydho Iimaankoo ku daciifa
- Iyo dani bay
dhalisaa Xin bay daadihisaa
- Waxdaday
dumisaa Dunuubtoo badata
- Iyo dulmi bay hor
kacdaa Dacar bay kicisaa
- Nabaday
durkisaa Dagaalay hurisaa
- Safayn loo
diririyo Iyo dakanay ka
tagtaa
- Nin doorkii talin
laaye Ee samo dooni lahaa
- Iyo duqayday
salfataa Dhalintay dubataa
- Qayladoo dami
weyda Iyo baroor daa,im ahaata
- Dumarkoo
hengel qaata Iyo agoon bay dihataa
- Mooryaan diirato
ah Oo dad iyo duunyaba xaaqda
- Jiri aan waxba
deeqin Oo xaamilooyinka dooxda
- Iyo daydaygay
korisaa Degmadoo kala yaacda
- Iniba gees u
dareerto Dalka oo laga yaaco
- Cidina daafici
waydo Cadawgaagu degmaystoo
- Xukunkiisa
dumaalo Toban deyr u sameeyo
- Dabka aan kala
qaadan Isaguun daba jooga
- Gumeysi aad u
dilaasho Iyo daleel bay ku dhigtaa
- Adigoo
dalandoola Degaan aanad
lahayn
- Iyo u dugaala
qaxooti Dunidu ay karahdo
- Dawersi aad sharaf
moodo Iyo dibjir bay ku badaa
-
- Afartaa da,da
maanso Daruur hoortay gugii
- Iyo dooxadii
jarareed Sidoodii ma u deexday
- Deelkii aan ka
bilaabay Doc miyaan uga leexshey
- Ilaahay idin
doori Ducana waa
noqotaay
- Dacwad
furayaa Oo dawan baan
ruxayaa
- Yaa daryaanka
maqlaaya Oo gabaygu uu damqayaa
-
- Waxa daano na
gaadhey cidna daah kama saarna
- Waa digniin
hadalkaygu Qabyaalad waa na dilootey
Digaanyo aan waxba reebin Iyo dulin bay
nagu beertay
- Docina nooma
fayooba Caanihii weelka ka daataba
- Dabadaa la
qabtaaye Dariiqii laga baydhiyo
- Hadaan daayin
ilaah Iyo diintii aan lagu
laaban
- Toobadkeen la
ducaysn Xaqii aynu dednay
- Laga qaadin
daboolka Dulmiga aan laga joogsan
- Rucdigaa na dul
saaran Daa,im baan ku ahaanoo
- Ifka waa dabar
go, Iyo dunidaynu ka suurno
- Aakhirona waa degel naar
ah Dab cadaabta iblays
- Sidii duulki
fircoon Deris aan noqonaa
- Midnimaa wax
daweysa Oo boogahaa damqanaayiyo
- Dabiibaysa
xumaantee Daliilkii rabigay iyo
- Dooroonow nebigii
CSW Dawgoodii ha la qaado
- Qarankii dumay
iyo Iyo dawlad aynu ku doono.
-
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Osman Dahir
Tayasir7198@yahoo.com
|
|