| HORTA YAA LA HESHIIYEY
Cusmaan Ducaalle Daahir
Minneapolis, Minnesota, USA.
Maansadan "horta yaa
la heshiiyey" waxaan tiriyey ka dib Markaan arkay in
nimankii sheeganayey in ay yihiin hogamiyeyaal U dagaalamaya
danta umada soomaaliyeed oo u kala tartamaya Dawlada Itoobiya
iyagoo taageero uga raadsanaya sidii dib loogu Soo celin lahaa
qaranimadii Somaliyed ee burburinteeda Itoobiya Bud dhigaha u
ahay iyagana u adeegsatay.
Maansadiina waxay
kubilaabatay sidan:
- Xabashi waanu
is haynoo Waqeen waa hardamayney
- Ugaadeeniya
Hawd iyo Gobolkii Hararge
- Iyo Hawaas
baa ku maqnaydoo Habeen aanan ka seexanoo
- Godobtii ma
hilmaamin Oo dagaal baan holinaayey
- Dhibta maanta
na haysiyo Dhiigeenaa hibiq leeyey
- Iyo boqontaa
ina heeran Sidii loo hojin laayee
- Nabad loo
heli laa Iyadaa na
hageysoo
- Sama noo hor
kacaysa Rag hilaw u
hayo
- Iyo hadaaq
baan maqlayaaye Goormay hooyiyo aabe
- Gacalkeen ma
huraan ah Oo inoo hiilinaya
- Hayin aynu ku
guuro Iyo hebed ay noqotoo
- Hogaankeena u
dhiibnoo Horta yaa la heshiiyey
- Xabashi waanu
is haynoo Waqeen waan hardamayney
- Halkii layga
qaniiniyo Cadaw aan wax hanbaynoo
- Weligeedba
huqdeena Hadaan aynu ka duulo
- Halaageena u
taagan Iyo halis baan u
arkaayey
- Dabka maanta
holcaayee Geyigeena hadheeyey
- Hafiyee wada
gaadhey Hoosadii laga daaree
- Laga sii
hurinaayo Bay hoyaad u
ahayde
- Goormay
hooyiyo Gacalkeen ma
huuraan ah
- Oo inoo
hiilinaya Hayin aynu ku
guuro
- Iyo hebed ay
noqotoo Hogaankeena u dhiibnay
- Xabashi waanu
is hayney Waqeen waan hardamayney
- Saymahaa ina
haystiyo Dariiqaa lagu hoobtay.
- Gacanteena
halbawle Iyo hanaqa aan isku
goyney
- Hilbeheena
dugaaga Iyo haadu ay ka
dhergeen.
- Waxa hoog iyo
baaba, Haydaartaa bixi waydey.
- Ragii soo
hindisee Habeeyee ka
shaqeeyey.
- Waxa aan isku
hayno Iyo hurgumooyinka beeray
- Hubku kuu ka
dhamaado U soo hoobinayey
- Bay horsed u
ahayde Goormay hooyiyo aabe
- Gacalkeen ma
huraan ah Oo inoo hiilinaya
- Hayin aynu ku
guuro Iyo hebed ay noqotoo
- Hogaankeena u
dhiibnoo Horta yaa la heshiiyey
- Soomaalaay
habilaay Umushaa is hilmaanta
- Oo hadadiiba
ilawda Kaarkii fooshu ku
hayseye
- Nacabkii
shalay heeray Cadawgii haylaha
gooyeey
- Iyo kan
hedeeda jaraaya Intay shaal u
hagoogto
- Hoyga soo
gashatooy . Geesigii hana qaada
- Iyo
halyeygeeda wareemay. Filkeeday ka hadhay
- Intay haybsan
lahayd Isku hoos noqotooy.
- Ratigii huga
saaran Iyo heeryadiis
cunaay.
- Taan hilaada
aqoonee Hanku uu ka maqnaayeey,
- Hawo raac iyo
faan Huu haa beena ku nooleey.
- Taan hubsiino
lahayn Hiin raacdee weligeed
- Dhalanteedku
hodaay Hal abuur wax u sheega
- Iyo hawraari
taanay gelayn Iyo agaan hoos ka dalooshaay
- Haro aan
biyeheedu Haraad kaa bi,inayney.
- Damal aan
hadh lahayn Iyo hoosiiskii galabtiiyey.
-
- Inkastoon
halakawney Hamigii bulshadeena
- Iyo himiladii
laga leexday Xornimadii ku hungownoo
- Hasheenii
horor hiigay Horaadkii laga gooyey.
- Kan amxaaro
hagaag Iney hiil u taraan
- Ama hooy u
dhisaan Hiyigiisu qabaw
- Hordhacii
aragtee Hambadaa ka qadhaadh.
- Anse ma ahi
hacoo Hebed aan noqon maayo.
- Hagardaamo
dalkayga Halaagii talin maayo
- Hodi maayo
dadkayga Oo Hagar aan geli maayo.
- Halgankaan
wadayaayoo Heegan baan u ahaan.
- Dhulkaygow
kuma heeroo Halbowlaa kuma gooyo
- Cadaw kuuma
horseedo Huwan gaalo tigree.
- Mid ay ciidu
habaarto Iyo laga hoog ma noqdo.
- Haybadii
magacaaga Sharaftii ma haleeyo
.
- Hanti kaama
jeclaado Hunguri aan kuma siisto
- Qabiil hoodo
ma moodoo Waqay hiil kama raadsho
- Anigu hayb
kuma faanoo Ma hilbeeyo dadkayga.
- Wixii dhiig kugu
hooray Ama geesi hal doora ah
- Hanad aan kugu
waayey Halyeygii ma ilaawo.
- Cadaankii
ina haystey Anoo hooto ku saaray.
- Markaan haada
cunsiiyey Ka huleelay talyaani
- Hoosadii
xamar weyne Iyo janaday dhex hurdeen.
- Ingiriisna
hargeysa hadh cad aan ka
dhaqaajey.
- Jabuuti hoogi
ka raacayna Faransiis hakan waayey,
- Oo heryadiisa
ka qaatay Hadhaagoodi amxaarona
- Dab iney
huriso Hulaaqiis uga
dhaarto.
- Hilib ceedhin
siiyey. Wayaanaa habqamaaya
- Iyo kuwan heeda
baryaaya Inaan haa ku idhaado
- Hadalkooda
adeeco Hebed aan u noqon maayo
- hogaankooda ma
yeelo Ugaadeeniya hawd
- Harar aan ma
hibeeyo Hadiyad aan uma siiyee
- Jabhadaha
halgamaayow Hub hadaanan ridayn
- Guubaabaan
hedi yaaye Hibo eebe xagiis ah
- Iyo hogol baa
curanaysoo Hareertiin iga eega.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Osman Dahir
Tayasir7198@yahoo.com
|