Hoobasho iyo Halacnimo
(Sheeko Gaaban)
Maxamed Cali Xasan "Alto" Finland, Helsinki,
26.10.2001
xasan_maxamed@hotmail.com
Waa waayada ka mid ah, ayaa la yiri, waxaa
degsiimooyinka Soomaalida ka aloosmay
colaado iyo dagaaallo damiwaayay. Xaajo ugub
oo dihin ayay ahayd oo gar cadaawo noqotay.
Kufsasho, xasuuqid, isirxaaqid,
baqti-gowrac, maataddoox, mooradduug iyo
saqiirraddubad ayaa dhacay. Dhiig fara badan
ayaa dhulka galay. Falal aad u foolxun,
silloon oo sirgaxan, Muslin daayoo, Masiixi
iyo Yahuudba uu ka sarriigto ayaa dhacay.
Ka daran, hayeeshee, abaaro gaag-ma-reebaan
ah baa dhulkii si isdaba joog leh ugu
habsaday. Xilliyadii roobabka beeyan
daruurihii di’innin. Biyihii iyo baadkii
ayaa yaraaday. Balliyadii iyo waxaa guray
harooyinkii. Webiyadii Jubba iyo Shabeelle
baa isdhimay. Wadaamihii ceelasha dowlisyo
dhaadheer in lagu xiro ayay u baahdeen. Hogo
kaliileed weeye oo hanfi, kulayl iyo huur
badan. Kolkolna habaas ayaa nafleydii
indhaha kala tegey. Harraad baa dad iyo
duunyaba u go’een. Dabadheer, Gaatame,
Haarriye, Hargacuna, Hawaare, Jiitama,
Xaaraame iyo Xoolajare baa biyo iyo caano
ahaa. Waxaan la arag oo la maqal ayaa
carrigii helay. Hanti xoolaad – ariga (idaha
iyo riyaha); ishkinka (geela iyo lo’da);
gammaanka (fardaha, baqlaha iyo dameeraha) –
wixii dadku haystay baa gabaabsi noqday.
Saddex bacaluul oo boolida qaranka iyo
burburka dagaallada sokeeye ku baraaray ayaa
barkulan isugu yimid oo ku shiray.
Dhurwaayadii la tashi ayay dawaco ugu
yeerteen iyo inay la hawlgasho. Saddexdii
waraabe oo ay dayo weheliso waxay isla
qoondeeyeen oo qaadaadhigeen qaabkii maamul
iyo maareyn dawlad dhexe u samaysan
lahaayeen, hawlaha iyo hoggaanka dalkana
gacmahoodu u soo geli lahayd oo looga
talaqaadan lahaa.
"Inaannu dawladnimadii shalaytoole dalowga
ka tuurray dib u soo celinno ayaa loo
baahanyahay. Weliba marakan innagoon gumuc
rasaas ah ridinnin. In nidaam xukuumad dhexe
ah dalka ka hirgelinno oo annagu madax ka
noqonno," Quble, dhurwaayadii mid ka mid ah,
ayaa hadalkiisii ku furay. "Maanta dugaaggii
waa ka daallay dagaalka oo wuxuu gartay
qarannimo waxa ay tahay. Nabad ayaa xoolihii
baahi weyn u qabaa. Hanti iyo raasummaal,
innagoo qudha ayaa dalkii dhammaa ka
haysanna. Hungo weeye nafleyda inteedii
kale. Sidaa darteed, waqtigakan xaadirka ah
awood maskaxeed iyo mid maaliyadeed ayaannu
haysannaa oo xukunka ku qabsan karro.
Xaashaa, saaxiibbo shisheeyaad oo nala
guntada oo nala gurmada waannu helaynnaa.
Waxaa nala gudboon ayay ila tahay in aannu
ka faa'ideysanno fursaddatan qaaliga ah oo
dib dambe weligeed innoo soo mari doonnin."
"Allaylee, Quble, runtaa weeye. Dagaalkii
sokeeye lagu kala adkaanwaa, hadduu sii
socdana khatar baannu ku jirraa. Waa innaanu
dantayada garannaa. Imminka iyo haatan
halkudhegeennu `NABAD & CAANO´ oo far
waaweyn lagu qoray weeye," Qooshte,
waraabihii labaad, ayaa ereygii qaatay. Waa
sii watay hadalkiisii: "Waa sida aad
sheegtaye, haddii durbaanno iyo mashxarado
dhawaaqoodu dheeryahay duunyada kula dhex
dhacno, hubaal weeye badidood in hugunka iyo
hayaanka soo dabaggeli doonaan. Waxaa intaas
wehesha baaqyo, ballanqaadyo iyo baraarujin
nafleyda dhexdeeda ah – daryeel iyo horumar
kala go’ lahayn in la gaarsiinayo
mustaqbalka dhow. Waannu fallisaynnaa
makhaayadaha iyo sandaqadaha yaryar oo
waddanka ka furmay. Durba goor dhow
albaabadooda ayaa xirmi doona oo kaayaga
ayaa la rukuman doonaa."
Seddexaad, dhurwaaga weeye dhurwaayada ugu
awoodda iyo hantida badan, ayaa taladii
labada waraabe kale soo jeedsheen aad ugu
guuxay. Qabax, isagoo dhoollacaddeynaya ayuu
yiri: "Dugaagga kale waxaannu leennahay,
`Isu kaalaya oo annaga na doorta!´ Inta
diidda waxaannu ku shaabbadaynaynnaa in ay
yihiin cadowga duunyada Soomaaliyeed iyo
dabadhilifyada isticmaarka, shisheeyaha iyo
Xasbahallaha. Hashii Maandeeq gaawaheeda waa
in uu soo galaa gacmahayaga gooshkakan
maanta ah. Haddii kale ma war baa yaal,
`nagu kala dareersha meesha!´ ayaannu
leennahay. Waddamada quwadaha waaweyn,
ururada Islaamiga ah iyo caalamka Carabta
baa garab iyo gaashaan innoo noqonaya.
Rafiiqyo ayaannu dalalka dariska ah ka
helaynnaa. Imminka ayaa bur, badar, bariis,
iyo beeso la helayaa. Ballanqaadyo fara
badan ayaa jira. Waxa oday nabaddoon iyo
qabqable ah ee carriga jooga macmacaankooda
ayaa la siinayaa.
"Qurdaneey, maxay adigana kula tahay?" Quble
ayaa dawaco sheekada iyo talada wadaajiyay.
Kob ka yara durugsan ayay Qurdan fadhiday.
Goobjoog ayay u ahayd oo sir iyo cadba waa
la socotay qorshaha dhurwaayadu isu
koobinayeen, hayeeshee, lama dhicinnin
dulucda ujeeddadooda. Dhowr jeer ayay
damacday in majliskoodaba ka baxdo. Waa ay
qaadan la’ayd waxa dhurwaayada
madhergayaasha ah iska dhaadhicinayeen.
Horeyse u tiqiin in waraabuhu yahay
baqticune, bahallaan waxba hambaynnin,
danayste dhadhamarraac ah, qas iyo
qalaanqal-ku-noole, dugaag aan saldanad
xajin karinnin.
"Dhegeysta, waraabayaalow!" Qurdan oo
caraysan baa hadalkii qaadatay. "Koowaad
weeye, waannu is naqaanne yaan lay hafrin,
anigu hanti duunyo leedahay, hore uma
dhicinnin haatanna ma haysto kuna hammin
maayo mustaqbalka. Waa xagladdaallis xaajo
aan xariggeed idiin guntami doonnin. Haddii
aad horrey xoog, xabbad iyo xasuuq ku
xoolaysateen xeel iyo xirrib xukun ku heli
maysaan. Haddaad nabad, caano iyo xukuumad
doonnaysaan tab kale uga xoolamaali maysaan,
xalaal mooyaane. Waxyaqaan hore ayaa yiri,
`Nafleydu "walaal" waxay ku dhaanto waayay´.
Hays wareerinnina, maandhooyinoow, cagaha
dhigta. Toban sano iyo jarjar ayaad
sankunneflaha silic, baaba’ iyo barokac
horseed uga ahaydeen. Imminka hoggaanka iyo
majaraha inaad u qabataan oo tu ka daran tii
la soo maray dhigtaan, Maaligga ayaannu ka
magangallay. Anigu qof baan ahaye,
fikraddaas idinkula talin maayo, qorshana
idinkula geli maayo. Arrimaha aad wadataan
waxaad ka heshaan waxba hayga siinnina!
Waxaanse idinku waannin lahaa, waan idiin
jeedaayoo hakan maysaane, in aad nafleyda
kale ee dalka idinla deggan talada wax ka
siisaan oo wadaajisaan."
"Mid kalaan xusuustee," Qurdan baa su’aal
gocatay. "Miyaad isweyddiiseen habkaad uga
saari lahaydeen Hasha haadaanta dhex taal?
Muxuu yahayse hawlgalka barnaamijka
samatabbixinta Hasha?"
"In aannu ka saarro ma innagaaba ku
talajirna. War qoftu maangaabsanaa. Hawshaas
laguuma dirsannine, adigu miyaad na
raacday?" ayuu Quble yiri.
"Naayaa, waa qoftaadan! Haddii aadan na soo
raacinnin ogow in cayayaanka duurka jooga ay
ku cuni doonaan. Hooy, imminkaad fursad
haysataa ee dhurwaayadaada dhinac ka raac!"
Qooshte ayaa Qurdan ugu dardaarwershey.
Sayte, "`Ilaah baa deeq baxsha.´ Haddii dan
guud la waayay, Qabyana sidaa u dayacan
tahay, kobtayda ayaan Eebbe ku sugayaa."
Qurdan diidday taladoodii oo Waaq bay talada
saaratay. Durduriye saddexdii waraabe.
Booraantii Maandeeq tiillay ayay u degteen.
Xeel iyo farsamo kasta Hashii ku daye in ay
ku toosiyaan.
Dhowr casho dabadeed waxaa Qurdan loo
sheegay in Quble iyo Qabax ay ka
takhalluseen Qooshte oo ay cunneen.
Toddobaad ka dib, misana waxay ka warheshey
in Qabax oo qudha uu haadaantii ku haray,
fara kululse abeesooyin ku hayaan.
Hayeeshee, waxaa Qurdan looga digay in ayax
fara badan dhankeeda uu ku soo aaddan yahay
oo uu soo hayo.
Qurdan oo Dayri u da’day oo Diraacdii Eebbe
uga gargaaray, nabad, doog iyo barwaaqo
heshay oo xoolihii u tarmeen, ayaa aroortii
dambe ayax tiro badan oo sida daruurtii
isula socda oo duulaya ku soo degay. Wuxuu
cagta mariyey caleentii, dhirtii iyo
beerihii. Xoolihii waxay daaqaan bay
waayeen. Goor fiid ah ayay Qurdan booyday oo
af labadii yeedhay. Sankunneefle wixii
agagaarka ka dhowaa, saqiir iyo kabiir, waa
muraaradillaaceen. Ammaandarro iyo
xasilloonidarro ayaa beesheedii soo
foodsaartay.
Ugu dambayntii, Qurdan Qarandi ayay kaalmo
weyddiisatay si ayaxa, aboorka iyo
quraanyada iyada nafta u keenay uga cunto.
Xigasho Mudugonline.com