GOBANNIMO
LAMA GORGORIYO
Beri waxa jirey nin
hawl nacayb ku caan baxay oo Coofle
Shaqa-diid la odhan jirey. Xirfad waxa
ninkaas u ahaan jirey durbaan yar oo uu
marka aroos la amaamadayo soo qaato oo dadka
ku maaweeliyo. Durbaankiisu waxa uu samayn
jirey cod aad u macaan oo dadku aad u
jeclaysto. Tumista marka uu dhammeeyo ayaa
cunto iyo lacag hadba wixii loo helo
dhi-baabo loo siin jirey. Quudkiisa halkaas
buu ka soo saari jirey. Galabtii dambe ayuu
gaaf la isku arkay durbaankiisii la yimid.
Gamco furan baa lagu soo dhaweeyey, waxaana
laga codsaday in uu gaafka si fiican uga
tumo. Muddo aan yarayn markii uu dayaan iyo
diririg dadkii la wada dhacay wadey ayuu in
xamaantiisa laabto oo iska tago damcay. Hase
yeeshee «Biis» iyo ku celi baa dhinac walba
ka yeedhay, in uu joojiyana waa loo
og-golaan waayey.
Xafladdii markii ay dhammaatay, ayuu Coofle
Shaqa-diid naftiisii la xanshaashaqay oo
yidhi: «Illaa waxa aan ku dhex jiraa waa
shaqo.! Allay lehe waa in aan faraha ka
qaadaa.! Hase ahaato e calooshiisii baa
ayaamo markii ay gaajo iyo dar-xumo isugu
habar wacdeen u baaqday. Wuxuu baahi darteed
la fekeroba, wuxuu ku goostay in uu durbaan
iskiisa isu tumo raadsado oo halkaas
quudkiisa ka soo saaro. Helitaanka durbaan
iskiis u dhawaaqa baa jarka lagama gudbaanka
ah ee qorshihiisa ka hor yimid ahaa.
Maalintii dambe, isaga oo ay talo ku baahsan
tahay, ayuu fagaare nin baarcadde ahi saar
ku tumanayey ku soo baxay. Cabbaar kolkii
heesihii ninku tirinayey dhegeystay, dhegaha
ku qabsaday erayadan: Shimbiro geed dheer u
baxay Midiba cayn bay cidaa Codkeeda laga
maqlaa Caweyska lagu tuntaa.
Erayadaas markii uu maqlay, ayuu farxad iyo
raynrayn cirkaa ula boodboodey oo yidhi:
«Allay lehe waa in aan dhaqaaqaa oo shimbiro
soo qabsadaa oo durbaan iskii u heesa ka
dhigtaa.» Coofle waqti iskama dayicin ee
markilba inta uu guntiga dhiisha iskaga
dhigay, ayuu duurka u biyeystay oo shimbiro
raadsaday. Saddex casho ka dib ayuu saddex
shimbirood ku guuleystay. Middood waxay
ahayd fiin, ta labaadna galow, ta
saddexaadna gobyahan. Coofle goortii uu
shimbirihii ga-canta ku dhigay, ayuu kolay
uu sitey gunta u dhigay oo ma-gaaladii ula
dheelmaday. Gurigiisii markii uu keenay ayuu
biyo iyo cunto siiyey, hase ahaato e farxad
iyo riyaaq deeqdii uu u fidiyey kuma aanay
cunin.
Galabtii dambe ayaa xaafad gurigiisa u
dhaweyd gelbis la-ga abaabuley. Coofle waxa
halkaas uga gacmo haadisey sha-qadiisii oo
uu muddo aan yarayn moogaa. Shimbirihii inta
uu biyo cunto wixii uu u heli karayey siiyey
ayuli in ay shaqa-dii loo rabbaynayey
qabtaan ku amray. Yaab iyo amakaag bay
shimbirihii dhabannada la qabteen. Muddo
markii la kala aammusnaana galawgii baa
dooddii furay oo yidhi, «Aniga wa. xa la i
yidhaahdaa galaw. Codkayga waxa lagu
tilmaamaa. dhiillo geliye. Haddii aan
dhawaaqo waxa la boobaa salabka ee sacab
lama tunto. Asal ahaanba iskay baan ciyaa ee
cidi igama hadtiso.» Fiintii baa ku xigtay
oo tidhi, «Aniga waxa la i yidhaahdaa fiin.
Asalkaygaba mar keliya ayaan afka kala
qaadaa; waana marka uu roob soo yeelyeesho.
Sidii aad ga-canta iigu dhigtay haba
yaraatee onkodkii ma aanan maqal. maxaa
yeelay roobku barxadan bannaan buu ku hooraa
ee ka layada guntooda iyo aqallada gudahooda
<ma soo galo.» Gobyahan baa ugu dambeeyey
oo yidhi, «Anigu waxa la i yiraahdaa
gobyahan, noloshaydu asalkeeduba geed
guudkii uun bay ku baxdaa ee daaf cag ma soo
dhigo. Ma gabyayo, mana gabyi doono ilaa aan
geedkaygii guudkiisii aniga oo xor ah ku
noq-do.»
Coofle markii uu shimbirihii hadal iyo
hooyaba kala quus-tay ayuu isaga oo careysan
oodda ka qaaday oo yidhi, «HaddiJ aad hees
qudh ah in aad hoy, cunto iyo biyo hawl
yaraan ugu heshaan diiddeen, orod oo duurkii
ku noqda anigu cid ii hees. ta waayi maayo
e.» Shimbirihii inta ay duuleen bay mar wada
dhawaaqeen oo yidhaahdeen:
Gobyahan: Cooflow xorriyad cunto laguma
libsado!
Galow: Cooflow cid aan rabin ma heesto!
Fiin: Cooflow ma shaqeyste cidi uma qabaato!
Xigasho: buugga Af
Soomaaliga