Gabay:Dal Shisheeye W/T Aadan Diiriye cali.

Gabaygaani waa warbixin ku saabsan nolosha qurbaha sidii aan u arkayey, markii aan maansada curiyey oo ahayd 05/08/1993kii,waxaana ku wacyi gelinahayey Soomaalida si ay u ogaadaan in aan dalkooda qurbuhu u dhaamin,waayo waxaad xor ku tahay oo kali ahi waa in aad dad iyo dal leedahay qurbahana aan badanaa laga helin xoolo meel iska daadsan. Awal wuxuu gabaygu ku soo baxay diiwaanka gabayada ee uu qoray Moxamad SH. Xasan.Waxaan iri sidaan:

Dal shisheeye dabac ma leh mar buu kaaga darayaaye,
Dad qalaadna gacal ma leh, daryeel, daawo iyo hiile,
Derisiyo muraadiyo adduun doorkan laga waaye.

Adigayba kugu diimayaan digasho awgeede,
Dunji qoonkii soo galay ayey dacari haysaaye,
Loo diid hadday doonayeen darajiyo maale.

Qurbe diisimaad ma leh illayn dooyga dhaxameed,
Dan la'aan raggii degey dhammaan damac khasaarowye,
Duulkii u soo qaxay miyaa duufka la cunsiiyey?

Dandarriyo waxay diif qabaan diilalyada haysa!
Shuqul door ahaa iyo xammaal laga darbaysiiye!
Daadduunka cayreedna waa sida dagaaggiiye!
Inay dib uga laabtaan mindhaa dani geyeysiine.

Dadka dalaw ku caariyahayee dalidhaclaynaaya,
Dalkoodii hadday darin dhigtaan dacas ma haysteene,
Mana ay dakaameen sidii doon abaarsadaye,

Waxse loogu daw galay awaal soo dawiyey jeere,
Oo deli ka tuuriyo daleel lagu hungoobaaye,
Haddaan haatufkii daqaqansheen lama dalaafeene.

Ma dulloobo ehelkiis nimay degel wadaagaane,
Duunyadana Allaa bixiya ee danni lagu waaye,
Xigaal lagu duggaalaa ka roon dibad la aadaaye.

Dugsi waa dhulkaagiyo dallaal lagu dakeeyaaye,
Kalluun dabatayaa iyo haruur dalagga beertaaba,
Ilaah deeqi waa buux haddaan laga dayoobayne,
Wax la yaab leh diiqiyo ninkaan darar ka duugayne.

Afartaa dabuubta ah haddaan deelka ka higgaadshay,
Aan erayo daahira dumoo idin dareensiiyey,
Danta iyo ujeeddadu runtii dar Alle weeyaane,
Kuwa damacsan dhoofkoow war maa laga daliil qaato!!!

 

W/T Aadan Diiriye cali.