-
Qiyamkii nolosheenaay
.............. Saldhigii Qarankeenay
-
Quwaddii
bulshadeena ............. Qaabada tii u ahayd
-
Quruxdii
sharafeena ................. Iyo qaydkii aan huwanayney
-
Qaayihii guryaheena
................ Iyo qotonkuu ku dhisnaay
-
-
Qodob wayga
tilmaan .............. Tusaalayn qara weyn
-
Qodobna waa
quman hooyo ...... Taariikhdeena qadiim ah
-
Qaybtii ay ku
lahayd ................ Qodobna waa Taladayda
-
Qasaaraa ina gaadhey
............. Iyo sidaan qiil ku helayno
-
-
Qodob wayga tusaal
................ Hawshii aan qorshaheeda
-
Qabanqaabo
bilawga ................ Qaabkeeda aan la hagaajin
-
Qabyuun bay ku idlaan
-
-
Marka aadmigu
qooqo ............... Qoorta uu kor u taago
-
Rabigii qiri
waayo ..................... Qabar eebe xagiis ah
-
Iyo qalad baa
ku dhacaysa.
-
-
Bulshadii kala
qaybsanee ........... Qabiil loo kala saaro
-
Qalalaase
colaad ...................... Iyagoo is qandoofa
-
Iyo Qayladeed ma dhamaato
-
-
Walaalihii is
qalaaya ................. Qaatiyaan kala jooga
-
Iyagoo kala
qaarma ................. Oo cadawgood u qabaana
-
Iyo qoomamaa u danbaysa.
-
-
Umadaan Quwadeeda
............... Iyo quluubtoodu is haysan
-
Qayrkood ay la
sinmaan . ........... Iyo qaran loogama yaabo
-
Qaa,idkeedu ma tooso.
-
-
Qormadii
wadankiisa .................. Iyo qolqolkii qof ka guuray
-
Shisheeye uu ka
qaloodo ............ Isagoo qadar beela
-
Iyo qoqobnaan huri mayo.
-
-
Dad qaxooti
noqdaana ................ Nolol ay qawedaan
-
Sharaftoo laga
qaado ................. Quudhsi ay la kulmaan
-
Waqood way qayiraan .
-
-
Ruuxay qaaxo ku
raagtey .......... Isna waa qufacaa
-
Nimuu qaamud
wedkiisii ............. Qudhu ay ka baxaysona
-
Qosol loogama yaabo.
-
-
Nimuu qaatay
ibleys ................. Oo qoladiisa ku biiray
-
Qaalalaahu
tacaala .................. Iyo qunuudi soo celin mayso
-
Quraan kaama dhegaysto.
-
-
Tusaalaa
qalinkayga ................. Iyo qiiradu yaanay I jiidane
-
Quruun qoonka hogaan
xun ........ Iyo qoyska hooyo qaloocan
-
Iyagoo hana qaad
iyo ............... Iyo qumanaan ha ka eegi
-
Oo waa kuwii qalibma.
-
-
Qaadiraw ha
cadaabine .............. Qodona waa quman hooyo
-
Qiimahay naga
joogtey ............... Iyo waxay noo qabatay
-
Qalcadaan
deganayn .................. Iyo gurigii qaydka
adkaa
-
Hooyadaa
qorshahooda ............... Iyo qubanaa lagu dayray
-
Qobtolkii
dugsiyaayey ................. Qotonkiisa ahaydoo
-
Hooyaa qoys ku dhisnaa.
-
-
Gabadh qaaya
wanaagsan ........... Oo rabigay qurux siiyey oo
-
Ragu qaalmaha
geela .................. Qorigii faraskii iyo
-
Qaniimadiisa
ka dhiibo ................. Iyo qalanjay mar ahayd
-
Marwo gaariya
qaali .................... Qadaf ceeb ka xishoota
-
Qawl ninkeeda
adeecda .............. Qaderisayna ahaydoo
-
Hooya qoys ku dhisna
-
-
Qurbaceena
dhalaanka ................ Mar ay uurka ku qaado
-
Walaca ay
qayirnaatoo ................ Quudka ay dejin waydo
-
Qandho fooshiyo
xanuunka ........... Oo qabriga ay ku dhowaato
-
Qoontii
damqanaysa .................... Weli kaarki qaboobin
-
Horaadkaay qudh
qudhsiiso ........... Iyo Qalbigay gelisaa .
-
-
Sidii qaariga
shiikha ..................... Qul acuudu Billaah
-
Ilaahay kuma
qaado .................... Qaadirkeen u bar yeyso
-
Oo hadalka qawlka
wanaagsan ...... Iyo qiyamkii muslimiinta
-
qawaaniinta
baraysoo................... Ababintiisa Qalooc
-
Iyo qalad ay
tiraysoo .................. Ilaa uu ka tis qaadoo
-
Qaangaadh uu kor u
dhaafo .......... Qodaxda ay ka guraysoo
-
Hooyaa qoys ku dhisnaa.
-
-
Qaniimadeena
dhaqaale ................ Qawsaarkeena ilaasha
-
Iyo qasnaji bay u
ahaydoo ........... Aqalkay qalabkiisa
-
Iyo qabya tirkiisa
lahayd ............... Quudka noo karinaysoo
-
Iyadoo qatan
bay ....................... Qasaalaysay
dharkeena
-
Hooyaa qoys ku
dhisnaa.
-
-
Qawleystii
isticmaarka ................ Dagaalkii lagu qaaday
-
Iyo qumanaw
calankii ................. Qorigii lagu keenay
-
Wixii dhiig
qulqulaayiyo ............... Markii qayladu yeedhay
-
Bambaday
qarxinaysoo ............... Qudha oo laga gooyo
-
Iyo qisaas bay
u badheedhoo ...... Dahabkii qoorta sudhnaa
-
Iyo qadhaankay
bixinasoo ........... Dhismihii qarankeena
-
Qabri bay u gashay.
-
-
Dhidar iilka
qodaa ...................... Qudhun buu u dhacaaye
-
Intaan qaatumo seegnee
............ Qiyamkii diinta islaamka
-
Qumaati aan uga
baydhnee ......... Qalalaasaha taagan iyo
-
Sokeeyaa is
qalaaya ................. Qabiil loo kala saaree
-
Nabadii qar ka
tuuree ................. Qayla dhaantu baxaysay
-
Qasaaraa ugu
weyni ................. Quman hooyo haween
-
Iyo dumarkuu
qabsadoo ............ Hoobiyaa badhna qaatay
-
Badhna waa la
qaafaashey .......... Oo qeedhiinkay ku cuneen
-
-
Badhna waa
qaracmeenoo ............ waali bay qac yihiin
-
Badhna qoolal mareeg
.................. Qoqob bay ku jiraan
-
Oo ilmii bay
qarafaysi ................... Quud u raadinayeeno
-
dilka qayb
kama qaadan ............... Ma qoor qeydan xumaane
-
Quwigoo nabad
keena .................. Iyo rajo ay kama
quusan
-
-
Inteenii qurbe
gaalo .................... Qaaradan N /Maraykan
-
Iyo qarbigii gacal
moodney .......... Ee isku dhiibay qaxooti
-
Mahada waa la
qiraaye ................ Inkastoon qarash kooban
-
Dadkeenii
qaldhebaayey .............. Qayb yar aynu daboolay
-
Qaarkeena yeeshay
aqoon ........... Culuunta qaatay digriiyo .
-
-
Qurus waa la
helaaye .................. Qawga aynu ka duulay
-
Waxa qoomamo
taagan ................ Hooyo qaaya lahayd
-
Sharafteeda
qarsoontay ............... Qadar beelka haleelay
-
Qumanaw
dhaqankeenii ................ Sida looga qaloocday
-
Qayla dhaanta
baxaysa ................ Bal indhaa qac ku siiya.
-
-
Intee qoys kala
daatoo ................. Usradii kala qaarmay
-
Intee baa ubad qaaq leh
............... sidii qoon naga gaara
-
Qawlkooda aan la
fahmayn ............ qayirmoo naga leexday.
-
Intee qaawani doortoo
.................. Waxa daad qulqulaayiyo
-
Mawjaduu
qarqiyeenoo .................. Duul qalaad naga raacay.
-
Intee naag qolqol
dhaaftay ............ Xayadii iska qaaday
-
Jinni qool ku
kaxaystoo ................. Qiimii hooyo lahayd iyo
-
Magacii ku
qasaaroo ..................... Nin aan qaadi nikaax iyo
-
Qodob aanu u
hayn ..................... Qol intay la degtey
-
Tidhi waa I
qabaayoo .................... Ku qobeysatey ceeb.
-
-
Ogaadoo qaali
haweenka ............... Qalad maan wada saarin
-
Ragaba qaar ka
halaabo ................ Qaribmey waa badan yihiine
-
Waxaan gaar ugu
qaatay ............... Qoyska looma sinaynoo
-
Hooyadaa qudbi
tiirsha ................. Iyo qotonkiisa ahayd.
-
Nabarka qoonta
dilaacday .............. Iyo qaladaa waxaa
keenay,
-
-
Quruun eebe
rumaysan ................. Oo qirsan baynu ahayne
-
Rabi baynu
qilaafnay ..................... Oo qayaali baan ku jiraayo
-
Qurbihii baan jano
moodney ............ Iimaankii baa na qafiifay
-
Qabrigii la
gelaayey ...................... Iyo qiyaamii baa la ilaawey
-
Oo ruux kastaa
qushigii ................. Iyo qabkiisuu la dhaqaaqay
-
Aduunyaa na hor
qaaday ................ Sidii xoolo khiyaamo
-
Qarash loo heli
laayoo .................... Qani loo noqon lahaa
-
Baa qalbigeenu
jiraayuu .................. Uu ku qoofalan yahay.
-
-
Murti baa lagu
qeexay .................... Maah maaho aad u qadiim ah
-
laba qaawani
aadmi ....................... Haweenow isma qaado.
-
Biyo ruux ku
qobaysteyna ............... Iskama dhawro qoyaanka.
-
Quud xun naag
karisaana ................ Iyaba way ku qadaa.
-
-
Qasdigaan uga jeedo
..................... Hooyadii qumanaydeey
-
Qawaamiinta
ragii .......................... Qudradii Rabi siiyey
-
Dumarkii
qawedeen ....................... Ee quudhsiga ay u
arkeen
-
Qilaafka
aabiyo hooyo ................... Iyo is qiimayn
li,dooda
-
Qasaarii laga
dheefay .................... Bal qooraansada hooga
-
Qamta hoos ka
duleeshee ............... Dhasheenii ku qubteen
-
Talo waa qasan
tahay ................... Qatar baanku jiraanaaye
-
Miyeydaan
qajilayn ........................ Inaba qiiro lahayn.
-
-
Muslinkii
qatalmaa ........................ Mar uun buu is qabtaay
-
Waxaan qiil u
arkaa ....................... Qaafir oon ka baqnoo.
-
Qorshihii
bedlaa ......................... Khaas ahaan dumarku
-
Qaanac aad
noqotaanoo ................ Qiiyaamaa ka baqdaan,
-
Wixii la isla
qabto ........................ Ayaa khayr ku jiraaye.
-
-
Nimankan qoor qabad
taagan .......... Iyo qasab baan kugu saari
-
Qurux naag u
qabtaay ................. Qurbacii ilmahaaga
-
Qudhaadaad
haligtoo .................. Qoomamaad ku danbayn.
-
Quman hooyo
Gabdhaw ................. Qaladkaa iska waansha
-
Qabanqaabo
shirkiina ................... Khibradii dumarkeena
-
Qabuul aan ku
heshiino ................. Qaraar qoys ku dhismaa
-
Isu keen
qabanaaya .................... Inoo raadiya qiil.