|
GABAY
DEYN HADUU
KUGU RAAGO IYO DIYADA WAA LA BAXSHAA
Gabaygan oo ka hadlaaya
Quursiga iyo hayb sooca soomaalidu ku hayso qaybo ka mid ah
bulshadeeda wuxuu cismaan daahir ka tiriyey shirweynihii kowaad
ee Quursigu qiil ma leeyahay U.S.A 1 ee lagu qabtay jaamacda
Minnesota
·
Taariikhdu markay ahyd 05/31/04 wuxuu yiri
- Dulku
neeflaha aadmi qofka uu derejeeyee
- Weligii ka
danbeeyee Derbiyo taalo xasuus ah
- Daabad ay u
dhisaan Waa daryeel qofka keena
- Wax dadkiisu
aayo Inana waa dabci yaab lehe
- Ruuxaasaynu
duraayo Dhamaanteen ka didnaa
- Dhaqankeeniyo
diinta Kuwo aan dir wadaagno
- Daladii
nolosheena Iyo dugsigeena ahaa
-
Oo Daqiiqad aan laga maarmin
-
- Birta duuban
xadiidka Nimankii dildilaacshey
- Mindi daab
gudinta Hubka la isku difaaciyo
- Nooga yeelay
dugaal Dadabtii gurigeena
- Dusuud dhoobo
ah weel Kuwii daabaca keenay
- Intii aan dun
xariir ah Iyo maro duudka la saaro
- Dawaarka aan
la aqoon Kuwii saamaha deebshey
- Ee dirayskii
dhuuga ahaa Iyo kabo aan lagudaalin
- Ka sameeyey
dambiil Dadku uu wax ku qaato
-
- Digtoorka
maanta hortiina Dabiibkeena ahaaye
- Qofka uu
dakhar gaadho Kan laftiisu dilaacdo
- Ama ay kala
duusho Dalqadaa cunaha iyo
- Midkay doogi ku
taal Dab ruuxii ku gubta
- Umushii dihan
wayda Maska duuban abeeso
- Midkay saarto
dibnaha Ee micidooda daraan
- Sune diiniya
weeyee Da,yartii la gudaayo
- Dul ahaan
cudur oo dhan Daweynaayey bukaanka
-
- Baa halkii ay
dalacaad Iyo derejo ay sugayeen
- Baa dedaalkay
na tareen Iyo farsamadii lagu deyrshoo
- Lagu
daabaqadshoo Nasabkood ku duray
- Gaalka diirka
cad iyo Afikaan dul madow oo
- Daymuu ay ka
naxaan Baa laga door bidayoon
- Hablihii ku
daray Gun weeyaan dabato ah
- Ma geyaan
dumarkeena Dalka qayb kuma leh
- Baa jiil jiil
udardaarmay Oo dariiq bay noqotay
-
- Xumaantaa qof
ka diira Oo ka digiigixanaaya
- Ay
dareenkiisa dhibayso Oo diiday maynu lahayne
- Waa la
daawanayoo Siday diintu banaysay
- Ayaa daw laga
yeeshoo Qiil baa loo daydayaayey
-
- Afartaa dada
maanso Dulmi uu jahli keenay
- Oo laga
yeeshay dabeecad Iyo distoor aan ku dhaqmayney
- Daaha saw kama
qaadin Haduu deyn kugu raago
- Iyo diyada waa la
baxshaaye Toobad yaa u diyaar ah
-
Oo cafis doonaya maanta
-
- Doqon baan
kala saarin Darib ruuxa ku sooray
- Iyo hadhuubka
ka daadshee Madaxaa igu daaleye
- Su,aalahan
bal dayoo Umaddan aynu dir soocnay
- Ee xaqii
daayinku siiyey Iyo sharaftii laga diiray
- Maxaa loo
durayaayoo Duudsiga loogu hayaa
- Shiikh
daliilka Qur,aanka Aayadii dabakhaayoo
- Ficilkii ku
daraaya Cid ka daaya tiraahda
- Wax yaqaan
damqanaaya Duq maxaynu u weyney
- Nin door
beeshu u aydo Bulshadu daalinsanaa
- Oo
damaacisanaa Dabeecadeedu xumaayoo
- Damiirkeedu
yaraa Meeday diinti Islaamka
- Iyo
dardaarankii Nebiggeenn CSW Sinaantay dalbayeen
- Ma caadaan
derejaynoo Kitaabkii laga doortay
-
- Iney duul
naga gaara Iyo dool shisheeye yihiin
- Dani kii ka
qaboow Bal duunkaaga qiyaas
- Dahrigaagiyo
muuqa Isku daawo muraayad
- Kuwan aad ka
didaysona Dul iyo baar bal u eeg
- Ma haysaa
duwanaan Astaan daabac u gaar ah
- Dadka aad
kaga soocdo Dabuubtaa hadalkeena
- Iyo
qalbibigaa kala doorsan Dibindaayo Islaan
- Iyo dafiraada
xaqiisu Waa wuxuu degelkeena
- Dabku uu uga
qiiqayee Ma huraanka is dooxay
- Iyo deriskaa
kala yaacay la isu soo duwi waayey
-
- Afartaa dada
maanso Dulmi uu jahli keenay
- Oo laga
yeeshay dabeecad Iyo distoor aan ku dhaqmayney
- Daaha saw kama
qaadin Haduu deyn kugu raago
- Iyodiyada waa
la baxshaaye Toobad yaa u diyaar ah ?
-
Oo cafis doonaya maanta ?
-
- Dihaalkaa
hadhi waayey Darkii uu ka bilaabmay
- Iyo doorki uu
ku sinaa Waxa daanada keenay
- Ee
dawgalkeedu ahaa Iyo bulshadan aynu dir soocnay
- Dad ciday ka
yihiin Iyo taariikhdooda dednayd
- Anaa diirka
ka qaadi Oo ku sameeyey daraasad
- Oo dushaan
soo dhigayaaye Cadayntaa qofka diidan
- Iyo kan
daliil u rabaw Dareenkaaga su,aasha
- Ha la daahine
sheeg Kuwan aad durkinaysee
- Nasabkooda
durayso Dad soomaaliya weeye
- Waxba keen
iska doorin Duudsigaynu ku hayno
- Iyo duruuftaa
kulmisee Dir qabiil wada sheegta
- Oo duud
awoowe wadaaga Duriyad waaxid ah ma aha
- Abtirsiinta
docdeeda Sida beesha direed
- IYO hawiyaa
deexda ku foofa Digilkaa miriflaa
- Daroodkay la
mid yihiin Inaba haybta duq gaar ah
- Bay
dungigiisa gashaayo Dusha ay ka taqaan
-
- Xadaarad aad
u da,weyn Baa dabada ay ku hayaanoo
- Sancadaa u
daliil ah Dawladii weeye islaamka
- EeGuray
daadihinaayey Ragii diinta difaacey
- Iyo waa
dagaalyahano Nimankii diriraayey
- Ee daacufley
xabashi Dab iney shidato
- Iyo deganaan
uga dhaartey Ee daribta ceedhin ku siiyey
- Daalinkii
boortaqiisku Markay soo dugsiyeenee
- Daljirkii
horkacaayey Iyo axmed ay ka dileen
- Baa ciidankii
kala daatoo Dabin ay ku dhaceen
- Waqeed dawlad
jabtaa Isticmaar dibedeed
- Iyo dilaal
hoos ku nabnaa Oo daciifkeeda sugaayey
- Iyo
dibidaabyo ma weydee Dacaayad baa laga faafshoo
- Ragii duubka
xidhnaa Diktaatoorid weeye
- Diigaanyo aan
wax hambayn Iyo diirataa lagu sheegay
- Gumeystaa ka
danbeeyee duulaan baa lagu qaaday
- Deyr intii
lagu ooday Baa biyo ay dejiyaan
- Iyo dacaamkii
laga dhaarshoo Dacdaray u dhinteen
- Midgo waa la
duwoo Macnihii baa laga doorshee
- Waa mid baa
naftu deysay Oo darkaasay ku baxday
-
- Afartaa dada
maanso Dulmi uu jahli keenay
- Oo laga
yeeshay dabeecad Iyo distoor aan ku dhaqmayney
- Daaha saw
kama qaadin Haduu deyn kugu raago
- Iyo diyada
waa la baxshaaye Toobad yaa u diyaar ah?
-
Oo cafis doonaya maanta
-
- Maansadu yey
iga duuline Hal dardaarana hooya
- Hadaynaan
isku duubni Doc aan loo wada jeensan
- Godobta duuge
dhexdeena Iyo walaalkeen daqarkiisa
- Nabarka
Doogta xanuunka Dabiibkeeda la raadin
- Bulshadan
deyrka ku oodan Takoorka aan lga deynin
- Lana siinin
daryeel doorka ay mudan yihiin
- Saamaxaad ka
dalban Dadkoo ay dhex galaan
- Weligeen dar
caleen leh Iyo duda khayr degi mayno
- Oo hada waynu
daciifnee Dabar go, baa xigi doona
-
Aan labada daarba ku seegno
-
- Denbigaad
qirata baa Dafiraada ka roone
- Daaci shiikh
culimooy Waa inaad dacwadiina
- Ficil aad ku
dartaan Wixii haysta digriiyoow
- Qalinkiina ku
deeqa Barihii dugsigow
- Da, yarteena
hanuuni Dhalinta duubiga xooglaay
- Ka diqooda
xumaanta Oo ka fogaada dir sooc
- Dumarka
hooyada raaska Ubadku ay ku daydaaney
- Darka hoose
yegleela Daldaloolada awda
- Duqaydii
dhaqankaay Waa amaano dushiin ah
- Iyo dakano
aan hadhi doonin In badan baydin dedeene
- Dabka naarta
cadaabta Iyo daayinkay ka cabsooda
- Oo xaqa
diirka ka qaadoo Ku dedaala sinaan
- Nin damiir
leh dareen Diric geesi halyey
- Iyo daljir daacad
ahow Isu taaga dagaal
- Aad dar ilaah
u gashaan Hal abuurada deexdow
- Dibnihiina
furoo Dulmigaa ka hadla
- Oo bulshada
dawga wanaasan Iyo u tilmaama dariiqa
- Ana waa igu
docdayda Caadadaa duminteeda.
-
WA BILLAAHI
TAWFIIQ
Osman Dahir
Tayasir7198@yahoo.com
|