|

Dhaq-dhaqaaqa Dekeda Magaalada Bosaso ayaa ka soo raynaya ka gadaal markii Dhawaan ay ku dhufteen shacabka Puntland Suuqxumo iyo sicirbarar baahsan oo si wayn looga Dareemay Gobolada Puntlanmd taas oo keentay Cabashooyin badan oo ay soo jeediyeen ganacsatada yar yar iyo kuwa waa weyn iyadoo dhamaan arinkaasi saameeyay Bulshada reer Puntland.
Dekeda wayn ee Magaalada Boosaaso oo ay Shabakada Calanka.com booqasho shaqo ku tagtay si aan oogu kuurgalno xaaladaha ganacsiga Dekeda,ayaan la kulanay Dadweyne aad u fara badan oo si nabadgelyo ah isku weydaarsanaya badeecooyin kala duwan,oo ay ka mid yihiin daqiiq,bur,baasto,Gawaari iyo alaabo kale oo aan halkaan lagusoo koobi-karin.
Intii aan ku jirnay koormeerkii aan ku mareynay Dekeda Boosaaso waxyaalihii noogu yaabka badnaa waxay ahaayeen,iyadoo aysan indhahaagu qabaneyn wax Ciidamo ah oo waardiyeynaya shixnadaha la dejinayo,markii aan weydiinay Mas,uuliyiinta Dekeda sababta aan loo sameyn Ciidamo isha ku-haaya badeecoyinka la dejinayo waaba nagu qosleen,iyagoo noogu jawaabay tuuganimo iyo xatooyo lagama yaqaan dhullkaan.
Guntii iyo Geba-gabadii booqashadii aan ku tagnay Dekeda Boosaaso waxay aheyd taariikh lama ilaawaan ah.
Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
|