|
|
falaanqaynta gabayadii khaliif
|
 |
|
Gargaar iyo Dhawr
Nin fiilasoof ah oo magaciisa la yiraahdo Xirsi Magan Ciise ayaa mar uu ka hadlay gumaysiga wuxuu hadalkiisa ku daray ereyo sidaan ahaa: ”Dadka in ay dad kale gumaystaan wax uga daran lama arko, laakiin shacabka soomaalida gumaysigii caddaa baa u dhaamey gumaysigii madoobaa”. Gumaysiga cad wuxuu uga jeedaa caddaankii Yurub ka yaacay oo gumaystey ummado badan, gumaysigii madoobaana wuxuu uga jeedey jenneraal Maxamed Siyaad Barre, oo ay asaga isku qabiil ahaayeen.
Waxaannu dhawaan internetka ku faafinnay gabayo ka mid ah maansooyinkii laguna diriray gumaysigii caddaa, waxaana hubaal ah in ay soomaalidu isku raacsan yihiin in ay caddaankii gumaysi ahaayeen, laakiin gumaysigii madoobaa ay qaarkood jecel yihiin! Haddaba su’aashu waa ”Maxaa gumaysi ah?”. Waxaa laga yaabaa in aan ereyga macnihiisaba jawaabta ama doodda lagu salayn ee lagu saleeyo aragti gaaban oo aan cilmi iyo caqli midna cuskanayn.
Soomaali aad u badan baa in gumaysigii madoobaa laga xoroobo af iyo addinba kula dagaallamay, waxaana shaki la’aan ah in markii dagaalladaas la soo xasuusto uu qof kastaa garwaaqsanayo kaalintii muuqatey oo uu ka qaatay Khaliif shiikh Maxamuud Saciid, oo kummannaan erey oo ciilqab xanbaarsan iyo kumannaan xabbadood ku aaddiiyey gumaysigii madoobaa.
Wuxuu Khaliif asaga oo dhallinyar ku geeriyoodey dagaalladaas, wuxuuna ahaa nin soomaali ah oo gabayo caro iyo gubaabo xanbaarsan tiriyey ninkii ugu darnaa. Codkiisa waxaa ka muuqata in ay qiirada iyo dhiillaada uu Khaliif qabaa ahaayeen wax aan la cabbiri karin, isla markaas wuxuu ahaa nin ay ku yarayd dabeecadda ”istustus” loo yaqaan.
Gabayadii badnaa oo uu Khaliif ku dagaallamay waxaa ka mid ahaa labadaan gabay, oo uu ku guubaabiyey qolyo ka mid ah qabiilka dhawaan Puntland la baxay. ”Gargaar” waa erey la wada yaqaan, laakiin ”Dhawr” waxaa laga yaabaa in aan la wada ogayn in ay tahay baqdinta nooc ka mid ah. Ereyga dhawr iyo faallooyin kale, oo kooban waxaa la daalacan karaa markii ay maansada labaad dhammaato.
Gargaar
Gargaryahay Biciidyahan shalaad, naga geddoodeene Niman gudacolloobaa mar bay, kala godqaataane Ha la wada garramo maanta waa, geed maxkamadeede
Ilma Calow giraamaha waqtigu, godolba waa cayne Soddon iyo sagaal gocoshaloo, nagu gunaadoobey Oo maanta gabaygaygu yahay, nagu gargaarsiiya
Col gadaansan gaasas is hardiyey, gumuc hinraagaaya Guutooyin la isku harbiyoo, galowgu ooyaayo Waxa labo gar la isugu ridoo, gubato qiiqdaaba
Genbi kulul gadaalaha haddii, la isku soo gaaro Gurmad waa la weydiisan jirey, gacal sokeeye ahe Tolnimaan idiin soo galnaye, nagu gargaarsiiya
Taariikh gun dheer baa jirtoo, laysu soo guraye Gobol laga xishoodaan ahayn, gaafihii hora’e Magaceenna saan loo gumayn, nagu gargaarsiiya
Garaad buu Ibraahiim ahaa, gooshkan ka horow’e Ninba gaadihii waalidkiis, gabal ka saameeye Guddoonkii adoogeen lahaa, nagu gargaarsiiya
Walaalkaa gu kaa weyn ducaa, laga gunnaystaaye Kol hadduu habaar kugu gilgilo, waad ku gubataaye Inaannaan guhaan idinku layn, nagu gargaarsiiya
Gubni aabbahaa dhalo mar baad, kala gidaaddaane Hiil la isu geystiyo bah baa, xoologooyo lehe Golkanuujintii hooyadeen, nagu gargaarsiiya
Caloo gaban ah shiikh Maxamed baa, soo gardaadsadaye Gaadiidka uma quuri jirin, maalingaallaha’e Garbuhuu ku soo qaadi jirey, nagu gargaarsiiya
Bari wanan gaboobiyo wuxuu, galax ku quudshaaba Markuu yare gabaangabis noqdoo, muruqu giigbeelay Golxobta iyo warankuu u tumay, nagu gargaarsiiya
Kablalaxa isganayiyo Sedaa, loo gudboon yahaye In uu gaanka reer Diini xigo, Celi garwaaqsoone Facayaha Gadiid ku abtirsaday, nagu gargaarsiiya
Isgaashaamo buursade innana, layna kala geeye Geeddiga carruurtaan aqoon, geeska loo raraye Garka idin caddaadiyo cirrada, nagu gargaarsiiya
Howraarsamaha Gedoba waa, soo gulfahayaaye Gargarbeela yaan idinku oran, oo itaalgaba’e Tollalla’aydayada goor walba ah, nagu gargaarsiiya
Geyraha ku soo fool leh buu, galow ka ooyaaye Anna waxaan la geylamahayaa, geyrta aan qabo’e Sida geel u ugaankayaga, nagu gargaarsiiya
Ku go’aansey ciribgoyntayada, gebi Marreexaane Wax ma galabsannine waa faduul, loo goolleeyahaye Gardarrooyinkaas Wagardhaceed, nagu gargaarsiiya
Haddii gacan la jaro tii kalaa, garab bannaanaane Midigtoo gungunman bibixdu waa, ginifsi caalwaaye Sida gobo’da maahmaahdu tahay, nagu gargaarsiiya
Kabaalgeeska iyo caynka waa, la isku giijaaye Midna gooni looguma rarmeen, geeddi fiidnimo’e Gumuc leeb la’aan kuma qarxee, nagu gargaarsiiya
Gurya dumey galaayuuska iyo, go’ayda yeeraysa Gurboodkiyo haweenkay ilmadu, gababaxleynayso War naagaha dumaalguursiga ah, nagu gargaarsiiya
Gabaahiirta nala dhoobay iyo, gegida leelleelka Geyraha xagaagoo docaha, naga garaacaaya Idinkaa gabbaad noo xigee, nagu gargaarsiiya
Ganbo kama duwana koofidaan, ii ganboolaniye Gelindhiida mooyee wax kale, nala geyaysiiye Gacmodhigadkayagu waa xujee, nagu gargaarsiiya
Haantiisa awrkii gabaa, gawrac wow halise Cayaar uma gannoodsado dhufaan, gaaddo buuxsadaye Dan baa gooha iga yeerisaye, nagu gargaarsiiya
Cayraha gorfaha loo sidii, ganato yaacaaya Oo guuyadoodii rag kale, galab ka weydaarshey Gaajada na haysiyo fakhriga, nagu gargaarsiiya
Gawaan weeye Gaalkacayo iyo, gude Nuugaaleede Waxii aqallo gawriiri jirey, waa gelgelintaase Geyigiyo baraagaha gubey, nagu gargaarsiiya
Gabdhaha waa la maamuusi jirey, tii gashaanti ahe Gabayoox aroos lala hurdaa, waa gawaadnimo’e Garoonshiidka la isugu galmado, nagu gargaarsiiya
Geyaan beele inamihii dorraad, ganacda waallaaye Hablihii geela laga qaadan jirey, harag ma gooyaane Guumaysahaa idin hortuban, nagu gargaarsiiya
Guuntoobe dumarkii raggana, goosan baa haraye Idinkaa gurbood dhalahayoo, naago guursada’e Inaan eebbahay idin gablamin, nagu gargaarsiiya
Ishayada galaalani wax bay, gulucsanaysaaye Geeskaad xigtaan araggu wuu, labogardaymoone Gamiindhugadkayaga eegmada ah, nagu gargaarsiiya
Godobboqorkiqabe khayrka waa, laga gullaalaaye Inaad garasho noo dayriseen, Guullahaa arage Si aan samada la idiinka gurin, nagu gargaarsiiya
Rag aan ficil galiilyoon dhulkaa, lala gariirshaaye Ehelkiin guh iyo ciil qaboo, goomman baan ahaye Inaan ciidda la idiin geddiyin, nagu gargaarsiiya
Gob salaaftey baan nahaye yaan, saa naloo geline Rabbigii gahayr naga dhigaa, goolka noo dhaline Sheekadu gadaal waxay ka noqon, nagu gargaarsiiya
Gar xifaalo gaaf lagu kaftami, geeljire iscaayey Abtigaa wuxuu kuu gasbaad, goosan subaxaase Waxa wiilka gabadhiinnu oran, nagu gargaarsiiya
Hal galgalatay weeyoo adduun, galabba waa cayne Haddaad nabad u gaballaaxsateen, goosh kalaa xigine Sida gelinba geed hooski yahay, nagu gargaarsiiya
Raggayaga godoobkiisii buu, haadku gigayaaye Gorgorkiyo waraabuhu ka dhereg, gudurkii reeraa’e Geerida na haysiyo cidlada, nagu gargaarsiiya
Go’doon noqonnay waagaan sidii, geri ugaareede Waxaa goonijooggaa na baday, gaanka reer Caliye Garabkiinna kama maarannee, nagu gargaarsiiya
Ergo lagama guuriyo qabiil, guun ah oo cabane Odayaal gondaha idin hayaa, soo gannoodsadaye Gacal iyo walaalowdayada, nagu gargaarsiiya
Caro igu garoortaan qabaa, dhowr gu oo tegaye Baryadaan la gooraamayaa, waa gartay dhab ahe Marti goor xun socotaan ahaye, nagu gargaarsiiya
Gallad laguma waaroo xilligu, wuu isgurayaaye Waxaad goorta goorteeda mudan, garanba maysaane Nabsaa idinku gaafmeerayee, nagu gargaarsiiya
Nacas guufannaysaan fakarin, maalin kala guure Gedda loo ordaayiyo naxwuhu, waydin geesmaraye Biyo galac leh gawraarta dhaw, nagu gargaarsiiya
Siyaasada gurracan oo Gedood, moodde guguc roobe Gabbacyaynta reer Diini waa, gunud khayaamaahe Gaadmada shisheeyuhu rabaan, nagu gargaarsiiya
Haddii nala gumaadoon annagu, gaangunnoo maranno Gadowgiyo waxaa idinka jabin, saab gandaallada’e In xaggiinna loo ciidan guran, nagu gargaarsiiya
Gorayaduba ugaxdeeda way, baallogelisaaye Ganka iyo dufkeeday sidii, go’ ugu awdaaye Wax ka garasho dheer aadnigee, nagu gargaarsiiya
Isgawraca iskala gaabiyoo, gororna yuu fiigin Iyo gamaska dhiigaysan baa, kuu abaalgudid ah Waa labagarseeg iyo naxdine, nagu gargaasyiiya
Dhawr
Ilaahay Dhulbahantow wuxuu, noola kiin dhaliyey Dhubbad iga yaraayow waxaan, kuu dhidhiinsanayey Dhamastii shisheeyaha waxaan, kaaga dhicinaayey
Dhibaatada na haysiyo dulmiga, nalaku dhuuxyeeyey Haddaydnaan ka dhiidhiiyin gun baan, ficil dhalaaloone Walaalkay dhabeedow maxaan, kuugu dhololaayey
Waa udubdhexaad iyo xigtadu, xarig dhufeecaahe Dhafar soohan weeyiyo sidii, hoosin dhaacle ahe Haddaan caynka la isku dhifteen, lama dhaqnaadeene
Waxaa dhaxalwadaag looga dhigay, ha isku dhaateene Dhaqaale iyo ”ii hiilli” way, naga dhexaysaaye Bal isdhugo Shirshoorow tolkay, kuma dhegaysteene
Dhudhubaha bal jeedaaliyoo, dhaayo furan yeesha Bal dhexmara Majeerteen dulliga, dhabarka loo saaray Dharbaaxada naloo geystey iyo, foolka dhacay eega
Dhadhan beele inamihii gabdhaha, xubinta dheeraaye Waataad dhismaha reerkayaga, dhab u jeclaydeene Hablahaw ardaa dhigi jirteen, dhume raggoodiiye
Dhosoglow midgaan baa ku helay, meel dhexdhiinna ahe Nin waliba ka dhereg naagihii, dheegga Maxamuude Dhalandoorsan guurkood kuwaa, qaar idiin dhaxa’e
Ciddayada geyaan kuma dhawaan, loo dhaqmaad guda’e Dhaddig iyo haddaad naga rabtaan, xidid isdhaafdhaafsi Dhudub kama helaysaan aroos, dheelmatiin wacane
Dhallintii Ibraahiim sidii, dhuguca loo boobye Sidii geel Dharoor loo horoo, dhooddi ka cabbaaya Nin kastaa ku soo dhababacee, dhiigga Talareere
Dhuuxii adoogeen haddaan, habari dhaandhaamin Amaan hooyadiin dhega adkayn, nama dhasiigteene Isku dhidid inaan nahay wax baa, noogu kiin dhimane
Dhayal ma aha hadalkaygu iyo, dhaadhac wiilnimo’e Hadduu maydkayagu dhooban yahay, dhagidii Boohoodle Asaydnaan dhirfayn waa inaan, idin dhalliilaaye
Labo dhoonhoraad oo Ilaah, dhaayday baan nahaye Faradheeri mooyee si kale, waysu dhigannaaye Haddaan qoloba qolo tiir ka dhigan, waynu dheelliyine
Ku dhegsadaye qaylada waxaan, kor ugu dheelaasay Dhadhab ha iga moodina nin dhii, laysan baan ahaye Noo soo dhaqsada waxaynu nahay, oday dhacaankiise
Idinkoon rag dhumuc weyn leh oo, dhalada noo waayin Dhaawiciyo geerida haddii, nalagu sii dhawrto Ilaahii dhammays idinka dhigay, haydin buux dhimo’e
Dhaantada ragyohow tumanayaa, dheeshu noo darane Hadduu cood idiin dhalay annagu, dhacannay waagaane Agoomaha u dhawrteeya waa, xeer inoo dhigane
Ku dhammaade aakhiro raggii, dheemmanta ahaaye Dhalanteed carruuriyo wax aan, dhaamin baa haraye Noo dhiciya maatada nabsigu, waa habeen dhixide
Dhinbilihii ”Murgumo” maansadaan, hore u soo dhiibey War i dhaafsanaa iyo qurjiga, caro dhagsiisaaba ”Maangaab!” dharaartaan lahaa, waydin dhaagsadaye
Waxse dhaadaddaydiyo runtii, dhab u caddaynaaya Annagoo dhufays idin bidnoo, dhagaxa Hawd joogna Oo idinku soo dhuumannaad, naga dhaqaaqdeene
Nimanyohow maryaha dheeri yaan, dhoonbir lay sidane Dhankaad naga xigtaan buu xagaa, nooga soo dhacaye Hohey! Dhaxanta naga soo dugsiya, dhawr ma celisaane
Haddaad dhaaban tahay ood lugaha, dhiiqo ku istaagtid Dhashii aabbaha oo quraa, dhuubta kaa qoda’e Dhutintoodu reer Ceelcad way, idin dhibaysaaye
Qofkii gacalki dhacadiid u yaal, dhaax ma aarsado’e Inkastuu nin dhiifoon ahaa, dhoollahaa maqane Dan wow dhufaanmaa hadduu, dhoor lahaan jiraye
Dhoys ina adeerkaa ahoo, dhoohan baa badane Dharab baydin qooyaye dagaal, waad ku dhimataane Dharka soo qallaylsada biyaad, dhabacsanaysaane
Dhallaankiyo haweenkay ilmadu, dhabanka yaacayso Dhafoorrada madoobaadey iyo, dhogor xumaantooda Dhaddigoodka wada ooyayaa, way dhursugayaane
Waxaan dhoocanaynaa intaan, dhalad wadaagnaaye Yaa nooga kiin dhow wax baa, laysku dherershaaye Mase waad na dhiibteen? su’aal, dhaygag laa timide
Haddaan qooro dheeriya lahayn, nalaka dheereeye Idinkoo dhabaalada arkiyo, waran kudhaabdhaabka Haddaad hilib dhanaan leedihiin, maal ma dhaqateene
Sidii dhay lo’aad oo kalaa, nala dhammaayaaye Daarood dhammaantiis wuxuu, noogu wada dhaartay Kelinimada noo law dhigtaay, soo dhudhumiyeene
Dhammaw Khaalid iyo Tuuryar baan, dheehin qiiraduye Barkad baan na dhinac joogsan iyo, dhudo Qayaadeede Celi dhebi ma yeesheen Hayaag, soo dhakoobsadaye
Duni dhabaqday Maxamuud Garaad, waad isdhigateene Dhafantii ugaasyadayadii, looma dhaadhicine Yaxyow dhebedka fooryahaya oo, dhawle waad maqale
Garaad Faarax waa dhool gu oo, dhays la foorara’e Sahamo u dhakuungalay haddaan, dheegtey wararkooda Sidkoodii dhawaayaye inay, dhicinse ma aqaane
In kastoo dhabbaha reer Marqaan, dhirindhirkii laacay Mar haddaan dhalaalo aad farteen, dhiishayada gaarin In yar baad isdhaantaane yaan, dhoobo lays marine
War dhiiqdhiiqsi gabay maalintay, talo ka dhoocaarto Cali-Dhuux haddii iil la dhigay, dhaaxa soo tiriye Dhabtar Aadan iyo Samatar baa, loogu dhuub xiraye
Ayagana dhaqaaqjoogsi iyo, dhuukis baa galaye Labaduba i dhaafsade sariir, daabac dhiina lehe “Dhamas” seexde duulkaan lahaa, way dhifsanayaane
Gubaabo kuma dhiirradaan, dhuunte reer Hagare Lafaha kuma dhaqaajaan tixihii, loogu naasdhigaye Odayaal! dhitaysiga murtidu, waa dhabcaalnimo’e
Dadku kuma dhacaayaan waxaad, dhihi karaysaane Haddaydnaan dhawaaq iyo hayaay!, igula dheeraysan Magaceennii dheeraa dib baa, loo dhaqdhaqayaaye
Rabbi baa dhulkiisa cammirtoo, dhuunya aadniga’e Dhiggiis loo calaacali karoo, dheef baxshaan jirine Waxba yaanan hoosdhigan gacmaha, nimanka dhuuhayne
In kastaan dhukaan ahay Allaa, ii dhardhaar rogine Abaaraha biciidkii dhangagay, dhaayin baa xigine Dhugatadu mar uun bay idlaan, dhiida fuushaniye
Dhirta gubatey dhuxulaha kulhamay, dhumar dhallaandooxa Dhaleecadiyo ceebaha wajiga, igu dhammaajaysan Dhabayaco Ilaah lehe mar uun, bay ka fool dhaqane
Ma dhantaalmo qoonkuu Raxmaan, dhinac istaagaane Rasuulkaa na dheegsoconayiyo, dhawr kun oo malage Hartiyow abaal dhigo adduun, dhaymo siima lehe
Ereyada iyo ujeeddooyinka gabyaaga laguma wada faallayn karo halkaan, laakiin ”Dharbaaxada na loo geystey iyo, foolka dhacay eega!” kama uu wado ”fool” ilig ee wuxuu ka wadaa ”waji”, isla markaas wajiga kama uu wado waji caadi ah ee wuxuu ka wadaa muuqaalka guud oo bulshada.
”Dhutintoodu reer Ceelcad way, idin dhibaysaaye” dhibta kama uu wado waxyeello ama shiddo ee wuxuu uga jeedaa ”xil”. ”Hashii jabtaa ninkeeday dhibtaa” waxaa laga wadaa qofkii lahaa bay xanuujinaysaa.
”Dharab baydin qooyaye dagaal, waad ku dhimataane” dharab kama uu wado qoyaanka aroortii dhirta saaran oo ay gabaddanadu ku reebto ee wuxuu uga jeedaa lacag yar!
Seetada ama dabarka awrta waxaa ugu daran qaabka ”dhuuxyayn” loo yaqaan oo ah in labada jeeni inta mid kor loo qaado kan kale xoog loogu xiro. Ratigii la dhuuxyeeyo waxaa loogu talogalay in uusan daaqin ee uu fariisto, wuxuuna Khaliif aamminsanaa in uu Maxamed Siyaad ummadda soomaaliyeed dhuuxyeeyey ”Dhibaatada na haysiyo dulmiga, nalaku dhuuxyeeyey”.
”In kastuu dhabbaha reer Marqaan, dhirindhirkii laacay. Mar haddaan dhalaalo farteen, dhiishayada gaarin” dhirindhir iyo dhalaalo midna macnihii loo yaqiin loogama jeedo. ”Dhirindhir” waa geedka gaaraggooga loo yaqaan oo ah geedka markii uu dhulku doogsado ugu bixi og oo geedaha kale oo weli qaawan buu dhirindhirku laacaa. ”Dhalaalo” waa caano yar oo weel salkiis ku jira, oo sida badan markii uu dhirindhirku laaco weelasha waxaa ku dhibka xoogaa caano ah (dhalaalo). Laacitaanka dhirindhirka markii uu Khaliif dhalaalo ku waayey buu dhiishiisii oo maran inta uu eegay wuxuu asaga oo caraysan yiri ”In yar baad isdhaantaane yaan, dhoobo lays marine!”.
”In kastoon dhukaan ahay Allaa, ii dhardhaar rogine” waxaa la wada og yahay in dhaqanka soomaalida aan aad dab loo shidan xilliga doogga, oo ”dhardhaar” waxaa laga fakaraa waqti abaar ah, haddana markii ay abaartu dheeraato dhagxanta ama dhardhaarrada si kasta oo uu dabku dusha uga cuno lama rog ee dhardhaarrada jiilaal waxaa la geddiyaa markii la doogsado, Roobkuna Alle xaggiisa ayuu ka yimaadaa. U fiirso in uu ku xijiyey ”Abaaraha biciidkii dhangagay, dhaayin baa xigine. Dhugatadu mar uu bay idlaan, dhiida fuushaniye”. Sida ay biciid abaari u dishaa aad bay u adag tahay! ”Dhaayin” waxaa la yiraahdaa daaqa aan cawska ahayn sida caleemaha. ”Dhukaan” iyo ”dhugato” waa cudurro geela ku dhaca, waxaana in laga biskooda ay fog tahay dhukaanka, oo hasha dhukaanka ahi muddo dheer bay silic ku jirtaa, weliba xilliga abaarta ah dhukaanku khayr ma uu laha!
Sababta ay gabaygaan ereyadiisu dhammaantood u yihiin kalmado miyiga laga adeegsado, oo aan ”sariir daabac dhiina leh” ma aha ee erey magaalo loogu arag waxaa laga yaabaa in ay tahay in uu Khaliif dareemayey in uu reer miyi soocan la hadlayey. ”Sariir” lafteeda ujeeddo ayuu ka leeyahay, isla markaa qoriga ”dhoonbir” laguma tilmaami karo in uu alaab magaalo yahay, ”Nimanyohow maryaha dheeri yaan, dhoonbir lay sidane. Dhankaad naga xigtaan buu xagaa, nooga soo dhacaye”!
Wuxuu ku xijiyey ”Hohey! dhaxanta naga soo dugsiya, dhawr ma celisaane”! Baqdinta ama cabsida oo dhan ”dhawr” lama yiraahdo ee qofka aad dhawrta macneheeda ugu dhuun daloolaa wuxuu og yahay in ay baqdin khaas ah tahay. Tusaale ahaan meel la og yahay in ay bahallo dugaag ah leedahay, laakiin aan la ogayn ama aan la saadaalin karin bahallada ku nooli noocyada ay yihiin oo aan xoolaha iyo dadka in libaax laga ilaaliyo iyo in shabeel laga ilaaliyo la kala aqoon baqdinteedu waa ”dhawr”, weliba markii ay meeshu cidla tahay buu macnaha dhawrtu buuxsamaa! Markii hore oo aysan soomaalida siyaasadda midaysani ka dhexayn baqdinta ay kala baqaan ”dhawr” lagu tilmaami karin, laakiin siyaasadda wuxuu Khaliif u qaatay in ay ”dhawr” leedahay, oo aysan dadka badankoodu lahayn garasho ay duleedkeeda ku daalacdaan.
”Dhabtar Aadan iyo Samatar baa, loogu dhuubxiraye”. Nin baa inta uu hal meel waddo ah ku qashay wuxuu yiri: ”Nin caqli lehi hilibkeeda i weydiisan uu mayo, doqonna aniga ayaan iska siinayn”! Sababta uu Khaliif ereyga ”dhabtar” xagga gabayga Aadan-Carab ugu aaddiyey oo uu oran waayey ”Dhabtar Samatar iyo Aadan baa, loogu dhuub xiraye” nin gabay yaqaan loo sheegi mayo nin aan aqoonna lagama dhaadhicin karo.
Gabaygu markii uu guubaabo yahay oo uu yahay gabay uu ninka tirinayaa yahay dadka dareenka ka hadla waxaa dhammaadkiisa si dadban looga ogaadaa danta uu ka lahaa ninkii tiriyey. Guubaabadu waxay leedahay wajiyo badan, oo ay ka mid yihiin xogwarran sida badan caaradka gabayga lagu daro, canaan, cabasho ama eedsheegasho iyo dhaar. Haddaba dhammaadka gabayga haddii ay quusi ku badan tahay gabaygaasi waa guubaabo xujo ah oo uu ninka tirinayaa og yahay in uusan ciidan ku helayn, ee uu hagar laga galay taariikhda gelinayo.
”Sidii dhay lo’aad oo kalaa, nala dhammaayaaye” inta ka danbaysa wuxuu Khaliif ka degayaa buur dheer oo uu u fuulay xogwarran, canaan, cabasho iyo waxyaalo kale oo uu siyaalo qurxoon isugu shaandheeyey. Inta uu buurta ka soo deganayo oo dhan wax aan quus ahayn dareenkiisa laguma arko, waxayna muujinaysaa in uusan gabaygu ahayn gabay ciidan lagu doonayey.
Shaafici Xassan Maxamed E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se | | |