Karadzic oo ku sii Jeeda Haag

Gaari land Rover ah ayaa aroornimadii saaka oo arbaca ah 30.07.08 Karadzic ka qaaday xabiskii uu ku xirnaa ee magaalada Beograd isagii ku sii jeeda Airport gaar ah si loogu qaado dalka Holland. Karadzic wuxuu ka so cagadhiganayaa magaalada Rotterdam ee Holland isla subaxnimadaba, Isla markaana waxaa si toos ah loo geynayaa Maxkamada Haag si loogu soo taago danbiyada loo haysto ee Aadminimada ka dhanka ah.

 

Danbiilaha loo haysto xasuuqii muslimiintii Serbia  ee Radovan Karadzic ee asbuucii hore lagu qabtay Beograd  ayaa loo sii wadaa Maxkamada danbiyada dagaalka ee HAAG. sidaa waxaa sheegtay wakaalada wararka ee Serbia ee la yirado Tanjug.Diyaaraddii sidday ayaa lixdii iyo daqiiqado yar ka soo cagadhigatay magaalada Rotterdam ee dalka Holland. laba helikopter ayaa diyaar ku ahaa airport- ka si ay ugu duuliyaan xabsiga loogu talogalay ee ku yaalla Scheveningen ee u dhow Haag. wakaaladda wararka ee Tanjug ayay markii ugu horreysay ka hadashay qaaditaanka Karadzic, inyar ka dibna dawlada Serbia ayaa iyadu caddaysay wareejinta Karadzic. Karadzic wuxuu xirnaa asbuuc iyo maalmo ka dib markii laqabtay 11 sano oo dhuumasho ah ka dib. sanadihii u danbeeyeyse si caddaan ah ayuu ugu noolaa Caasimadda Beograd ee Serbia, isagoo garweyn oo cad la baxay una shaqaynaya sidii dhaqtar, iyadoon dad badani aanay ka warqabin inuu yahay ninka la doono ee danbiilaha ah. Karadzic waxaa lagu xirayaa xabsigii uu ku xirnaa Milosevic markii ay maxkamaddu u socotay. Wariyaal badan ayaa ku sugayay  Airport oo ay halwgal iyo dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayni ka soctdeen habeenki xalay ahaa i oo dhan. Dhiibitaanka Karadzic waxaa la samayey saqdii dhexe ee xalay oo arbaca ahayd, shalay oo talaada ahyandna waxaa isku soo baxay in ka badan 15000 oo Serbian ah oo  taageerayay Karadzic, aadna uga xumaa dhiibitaankiisa iyo danbiyada loo haystab intaba iyagoo kor u qaylinayay.