London(HR Media):-Inaa lillaahi Wa inaa Illeyhi Raajicuun….Marxuum Dr.Xirsi Cali Ciise oo loo yaqaanay Xirsi Magan ayaa habeenimadii 19kii Agoosto ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska. Marxuumka ayaa 22kii bishan Agoosto 2008 lagu aasay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Halkan ka Saxiix Buuga Tacsida Allaha u naxariirstee Marxuum Xirsi Magan Ciise
Dr.Xirsi Magan wuxuu dhashay Sanadii 1935tiibaadiyaha degmada Burtinle, Noloshiisa waxay ku bilaabatey xoolo-raacato. Markuu yaraa, sida u caadada ah reer miyiga Soomaaliyeed, wuxuu raaci jirey ariga. Dabadeed waxaa u xigey nolol geel-jire ah. 17 sano markuu jirey waxaa la keeney magaalada Gaalkacayo. Waxaa la geeyey dugsi quraan. Muddo hal sano ah ayuu ku dhameeyey higgaaddii, akhriskii iyo xafidkii quraanka. Wuxuu ahaa nin fahmad wanaagsan.
Xirsi Magan wuxuu guursaday 3-xaas, dadkiisu waxay ahaayeen 1-wiil iyo 5 gabdhood (oo midi hortiis geeriyootay), ilaa 15 sano uu ka gaaray wuxuu ku noolaa magaalada Galkacyo, halkaas wuxuu ku dhameeyey laba jeer Qur,aanka kariimka, dalkeenu waagaas Iskuulo ma lahayn laakiin Xirsi wuxuu tacliinta assaasiga ah ku qaatay Primary School lagu baran jirey Basic Skills-ka sida Carabiga, Xisaabta IWM, waxa xusid mudan in uu aad uga aflaxay shiikh Nuur Cali Colow oo waagaas kutubo dhowr ah uu ka marsaday shiikhiisana ahaa.
Marxuumka wuxuuna intii noloshiisa ahayd kasoo qeyb qaatay isbedalo badan oo dalka Soomaaliya Soomaray oo ay ugu weynaydee xiligii xoriyad doonka oo uu kamid ahaa dhalinyaradii aadka ugu xirnaa dhaq dhaqaaqii SYL xiligii gobanimada Soomaaliya la qaadanyey, Xirsi Magan ayaa 25 jir ahaa xiligii xoriyada Soomaaliya ay heshay.
Sanadkii 1947 wuxuu isku deyey in uu u dhoofo dalka Masar si uu wax uga barto jaamicadda Al As-har. Magaalada Berbera ayuu tegey. Doon ayuu halkaas ka raacey uu ku gaarey Cadan. Kaddin markii ay u suurageli weydey in uu Cadan ka dhoofo, Soomaaliya ayuu ku soo laabtey, isaga oo ku fekeraya in uu ganacsade noqdo. Wuxuu yimid Berbera. Muddo sanad ah ayuu ka shaqeysanayay ganacsi u dhaxeeya Berbera iyo Gaalkacayo.
Sanadkii 1949-kii wuxuu yimid magaalada Xamar, isaga oo markiiba ku biirey is-baheysigii dhallinyarad Soomaaliyeed (SYL). Wuxuu noqdey xubin fir-fircoon. Wuxuu ka qeyb qaatey falal badan oo Leegadu ay fulisey, sidaa darteed dhowr jeer ayaa la xirey. Wuxuu ahaa nin ka dhex muuqdey dhallinyaradii horseedayaasha ahaa ee ururka.
Halgankii gobanimo-doonka ahaa ka sokow, Xirsi wuxuu xubin ka ahaa ururkii la magac baxay Goosan ee u joogsadey difaaca afka hooyo. Howsha ay u qabteen af-soomaaliga isaga iyo saaxiibadiis waxay ku soo abyootey guddoonkii qoraalka af-soomaaliga. Xilliyadaas hore wuxuu wax ka bartey dugsiyadii Xamar ka furnaa. Dabadeed wuxuu kamid noqdey macallimiintii wax ka dhigi jirey dugsiyadii ay Leegadu u furtey dad-waynaha.
Marxuumka wuxuu kamid ahaa Aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee dalka dibadiisa wax kusoo barta wuxuuna waxbarashadiisa dibada kusoo qaatay dalka Talyaaniga iyo Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.
Sanadkii 1960-kii, Xirsi Magan wuxuu kamid noqdey dhallinyaro kamid ahaa SYL oo deeq waxbarasho ka heley dalka Mareekanka. Wuxuu ardey ka noqdey jaamacadda Ohaio University. Muddo 6 sano ah ayuu wuxuu ku soo qaatey shahaado tacliin sare (PhD) aqoonta Andropology. Dabadeed wuxuu ku soo laabtey Xamar si uu u hakiyo guddi ka socdey Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa oo Xamar u joogey in ay talo ka bixiyaan dhigaalka af-soomaaliga. Xirsi markuu Xamar yimid waxaa loo doortey odeyga is-baheysigii Goosan. Wuxuu qaadey olole uu ku difaacayay af-soomaaliga iyo dhigaalkiisa. Xirsi Magan Ciise, wuxuu ku guuleystey in uu soo saaro wargeys lagu magacaabo Sahan. Wuxuu xilligaas qorey buug uu ugu magac darey Afkeena iyo Fartiisa. Qoraallo badan ayuu sameyey oo wargeysyada ku soo baxay, kuwaas oo uu ku difaacayay dhigaalka af-soomaaliga.
Wuxuu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa sidoo kale ururkii la oron jiray Goosanka Farta Soomaaliyeed oo ka shaqeyn jiray dhinaca waxbarashada gaar ahaan Farta iyo Qoraalka Soomaaliya.
Marxuumka ayaa dhawaan dhidibada u aasay Shabakad ama Websiteka (Somalinativealphabet.com) oo lagu barto farta Cismaaniyada oo markii ugu horeysay loo sameeyey qaabka Computerada wax loogu qoro Websitekaasi oo loogu talogalay in qof waliba ku barto si fudud qoraalka asliga ah ee Soomaaliyeed.
Markii ay saraakiishu la wareegeen taladii dalka, Xirsi iyo howshii uu wadey waxay u muuqdeen kuwo ka soo hor-jeeda siyaasaddii dowladda. Sidaa darteed ayaa Xirsi Magan dhowr jeer looga yeerey xafiisyadii ciidanka nabad-sugidda ay ku lahaayeen Xamar. Ugu danbeyntii waxaa la xirey sanadkii 1972-kii. Saddex sano ayuu ku xirnaa xabsiga Mandheera ee degmada Burco. Dabayaaqadii sanadkii 1975-kii ayaa la soo daayey. Dabadeed xuduudda Itoobiya ayuu u tallaabey.
Xabsiga Mandheera wuxuu Xirsi ku bartey ganacsade reer waqooyi ahaa. Ninkaas ayaa wuxuu sitey kutub badan oo ay qoreen raggii odeyaasha ka ahaa dhaqdhaqaaqii diiniga ahaa ee Masar (Ikhwaan Al-Muslimiin). Halkaas ayaa Xirsi waxaa iska beddeley aragtidii u janjeertey hanti-wadaagga, wuxuu ku qaatey aragti diineed ee caqiida ku dhisan. Sidaas ayuu noloshiisii danbe oo dhan wuxuu ku ahaa nin sita beeg islaamnimo.
Sanakdii 1976dii ayuu Marxuum Xirsi Magan isaga tagay dalka Soomaaliya asagoo in muddo ah dibada ku noolaa gaar ahaan dalalka Sucuudiga, Itoobiya iyo Kenya.
Xirsi wuxuu xubin ka noqdey ururo mucaarad ku ahaa dowladdii saraakiisha, kuwaas oo dhamaantood dibadda laga dhisey. Waxay ahaayeen Somali Democratic Action Front, Somali Salcation Democratic Front, Somali National Movement. Ururadaas oo dhamaantood, iyaga oo bilow ah ayuu Xirsi ka baxay, isaga oo ku dhalleeceeyey in ay ka siyaasad liiteen saraakiisha ay la dagaalamayeen.
Xirsi Magan ayaa kamid ahaa Aasaasayaashii Jabhadii SSDF iyo Raadiyihii ugu horeeyey ee Mucaaridka xiligaasi ahaa ee RADIO KULMIS.
Sanadihii Sideetameeyaha Xirsi Magan wuxuu kamid ahaa hogaamiyaashii Jabhadihii ka dagaalamaysay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalada Wuqooyi Bari siiba gobalada Bari iyo Nugaal, ayadoo dhaq dhaqaaqaasi uu ahaa kii ugu horeeyey oo hubeysan oo ka jiray xiligaasi gudaha Soomaaliya.
Kadib Dagaaladii 1991dii Xirsi Magan wuxuu in badan ku noolaa deegaanada hada la isku yiraaho Puntland, wuxuuna qeyb libaaxleh ka qaatay shirarkii ugu horeeyey ee aasaaska u ahaa Sameynta maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Xirsi Magan wuxuu lahaa taariikh jabhadeed oo aad u dheer marxalado badana soo martay, taasoo isugu jirtay siyaasad iyo suugaan, taariikhdaas waxay u baahan tahay in keligeed qoraalo badan laga qoro waxana rajeynayaa ineynu dib u dhigano anagoo la kaashaneyna raggii Xirsi Magan yiqiinay.
Magaalada London ayuu u soo wareegay 2002-dii, wuxuuna juhdi weyn geliyey inuu Computer-ka ku qoro fartii Cusmaaniyada natiijadii howshaas ka soo baxdayna waxad ka daalacan kartaan Somalinativealphabet.com . Xirsi Magan wuxuu ka tagey buug qabyo ah ( Grammar-ka Af-soomaaliga) wuxuuna ka qoray dhowr cutub.
Xirsi Magan wuxuu ahaa nin Illaahey yaqaan oo taqi ah, wuxuu ahaa nin dabeecad wanaagsan, wuxuu ahaa nin dadnimada ku wanaagsan, wuxuu ahaa Oday cabqari ah, wuxuu ahaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel, wuxuu ahaa nin Af-soomaaliga hodan ka ah.
Marxuumka ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa Qof ehlu diin ah Diinta Islaamkana aad ugu adkaa isla markaana lagu yiqiinay go’aanadiisa Cad Cad ee dhinac walba. Marxuumka ayaa sanadihii ugu danbeeyey ee noloshiisa si aad ah ugu go’ay dhinaca cibaadada Alle. Marxuumka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa cariga Ingiriiska oo uu ku noolaa sanadihii lasoo dhaafay.
Marxuumka waxaan illaahay uga baryeynaa inuu Janadii fardowso ka waraabiyo dhamaanteena Samir iyo imaan naga siiyo. Amiin Amiin Amiin
Halkan ka Saxiix Buuga Tacsida Allaha u naxariirstee Marxuum Xirsi Magan Ciise
Xigasho - Horseed Media