|
Aqoonyahan Waxna u Dhan Waxna U Dhimman Qore: Abdulqadir Diriye Gugiisii kontonaad ayuu Mooge markii ugu horreysey magaalada u soo safray isaga oo xanuun ku raagay daawo u doonayey. Sidii loogu warramayba, wuxuu sii qaatay xoogaa lacag ah oo uu saad ka dhigto. Hadduu habeenkii guure soo ahaa, barqadii goor ay tahay ayuu dhinac ka soo galay magaaladii, mar haddaanu qof iyo illin toonna ka garanayan, wuxuu go'aansadey inuu waddooyinka jaanta mariyo bal si uu dhakhtarkii u helo. Goor ay harkii tahay ayuu isagoo daal aad u badan iyo gaajo la jilicsan wuxuu ku soo baxay illin dadku isu daba marayaan oo maro ka laadlaado. "Bal inaad waxuun ka garato!" isagoo taxaddaraya ayuu maradii iska laabay oo gudaha eegay, mise meesh gudaheeda dad baa saddex-saddex iyo afar-afar u fadhiya oo cunto dalbanaya, waxaana ka adeegaya wiilal maryo cadcad oo dhaadheer sita aadna ugu eg culimadii Mooge Alla bariyada miyiga ku yaqaaney " Yaa!, Mawliidkii ma dhawa, Carrafana la soo dhaaf!" Mooge isaga oo ka yaabban Alla bariga waqtigan ah ayuu iska fariistay meel gees ah oo isku dayey inuu bal fahmo habka wax u socdaan. Wuxuu ogaaday in qof walbaa wuxuu doonayo u sheeganayo wiilashaas "culimada" ah ee meesha ka adeegaya si fududna loogu keenayo. Dadkii oo markaas sii yaraaday ayuu Mooge u yeeray wiil ka mid ah wiilashii adeegayey oo ku yiri "Macallin, malaha labadeennaa harnaye, isugu soo keen rid" " War macallin lahayne wax dalbo" ayuu wiilkii ku jawaabay, Mooge oo ka yaabban macallinku siduu u hadlayo ayaa yiri " Bal haddaba in bariis ah iyo cad hilib ah isii". Markii uu dhamaystay ayuu is yiri haddaba dhakhtarkii raadi, dhinicii irridda ayuu u tallaabsaday, markuu bixi lahaa ayaa loo dhawaaqay "Oday!" "Waa maxay" ayuu yiri isaga oo yaabban, "Abti lacagtii keen" "Lacagtee?" aad ayuu uga yaabay Mooge "macallinka" af xumadiisa, "Lacagtii aad cuntay keen" Mooge oo carooday ayaa ku jawaabay "Wiilyohow markaan imi baan ku dareemay, diinna wax kama ogide ka bax mawlaca, waryaa ma ..." shaqaalihii oo quus ah ayaa odaygii kiishaddii ka furay oo kala baxay waxay ku lahaayeen intii kalena siiyey. Mooge isaga oo afkii engegay ayuu maradiisii dibedda ku xirtay " waa adduunyo gaddoon..., Yaa!... culimo wax dhacaysa". Dariiqiisii ayuu sii qaaday isaga oo dib u sii eegaya meeshii lagu furtay. Wax dariiqba dariiq u dhiibo, markuu gabbalkii dhacay waddooyinkiina laga hoyday ayuu meel gidaar ah go'iisii dhigtay oo hurdo iyo daal la dhacay. Markuu xiddiggii waaberi soo baxay ayuu toosay, in yar markuu dhaqaaqay ayaa waxaa is qabsaday wadooyinkii oo dad badan iyo gawaari shaqo u kallahayaa is dhaafeen. Socod ayuu isaga jirey Mooge ilaa uu barqadii ku soo baxay meel gidaar dheeri ku wareegsan yahay oo illinka dad badani tuban yihiin. Nin meel gees ah taagan oo daasad daboolan wax ku sita ayuu ku leexday oo yiri "Meeshu maxay tahay?" " Waa Cusbitaalkii" "oo maxaa lagu qabtaa?" "Waa laysku daweeyaa", waaba meeshuu raadinayey. "oo daasadda maxaa kuugu jira?" "Waxaan ku sidaa saami" "oo waa maxay saamigu?" "Yaa... een... adigu... xanuunka i haya si loo ogaado ayaa wixii iga soo baxay dhakhtarku baarayaa!" "Innaa Lillaahi!... belaayo Ilaahoow faraha ha noo gelin nin weyn baan ahaye". Iyada oo Mooge ninkii la hadlayo ayaa meeshii la furay, markiiba wuxuu indhaha ku dhuftay dad maryo cad-cad oo dhaadheer sita oo meesha ka buuxa "Fajac... Allaylehe waa iyagii... waa
culimo baastii". Wuxuu is yiri maanta keligaa maaahid oo intaas oo dad
ah ayaad wax la qabtaa, foojignaan dheeraad ah isaga oo muujinaya ayuu
hore meeshii u galay. Dadkii meesha taagnaa qof walibaa qaybtii uu u
socday ayuu abbaaray, Mooge isaga oo aan garanayn meeluu wax ka bilaabo
kana taxaddaraya qolyaha maryaha cad-cad ayuu dariiq dhinac u leexda
iska qabsaday, dhawr dhismo ayuu hore u dhaafay isaga oo markuu qof
maryo cad arkaba gidaar isku lamaaninaya. Cabbaar markuu socday ayuu
daaqad meel ah istaagay oo madaxa muraayadda saaray, si uu u arko waxa
gudaha ku jira, waxaa markiiba u muuqday dhawr qof oo qaar lugaha go'an
iyo qaar gacmaha go'anba leh, isaga oo candhuuf dib u liqaya ayuu soo
booday oo is yiri intaan lagu arag iriddii abbaar, laakiin wuu dayoobay
oo dhinac kale ayuu foodda saaray. Waxaa meel fog uga muuqday labo qof
oo kuwii maryaha cad-caddaa ah oo xaggiisa u soo socda, wuxuu is yiri
markaan lagu arag, intuu orday ayuu ku leexday qol gaaban oo meel gees
ah ku yaal, qolkii ayuu dhex istaagay, "Meeshu qaboobaa!" wuxuu damcay
inuu hore u sii galo markaasuu daah meel gees ah ku yaallay iska
leexiyey mise mayd baa yaal "OW!...OW!", argagax culus ayuu dib ula
booday oo dariiq kale foodda saaray, waxaa soo daba galay nin shaqaale
ah oo ka yaabay waxa odaygu raadinayo, Mooge oo markaan hubsaday inay
culus tahay inuu baxsado ayaa soo galay qol dhawr qof ay fadhiyaan
isagoo neef-tuuraya, dadku waxay sugayaan qol hortooda ah oo marba qof
looga yeerayo, Mooge wuxuu is yiri haddaad sii fadhido waa lagu soo
gaarayaa, markaasuu qolkii hore u galay oo ku arkay nin maryo cadcad oo
wiil meel sariir ah ku seexiyey oo ilig ka saaraya markaasuu ku yiri "
macalin igu dar... igu dar... kolley baxsan mayee ilkahaa fudude igu dar
kuwan" dhaqtarkii wuxuu u yeertay gabar caawinaysay oo ku yiri "iga saar
ninkan" Mooge gabadhii ayaa dibedda u saartay oo waydiisay wuxuu
raadinayey, "Adeer shalayna waa la i dhacay, maantana kolley waan idila
joogaaye igu dara kuwaan!" gabadhii oo yaaban ayaa wuxuu cabbo u keentay
oo meel gaar ah u bixisay si ay u ogaato xaaladiisa. Markay
kalkaalisadii fahamtay sida odayga loo hayo ayey u kaxaysay qaybtii ku
shaqo lahayd xanuunkiisa , Mooge kellidii laga hayey iyo madax xanuunkii
daawaa loo siiyey, maalin iyo habeena waxaa la siiyey meel uu seexdo,
subixii dambena waxaa la tusay dariiquu ka bixi lahaa si uu reerkiisii
ugu noqdo. xigasho somalinet.com |